Xukuumadda oo digniin u dirtay Dadka Jaarka la ah Madaxtooyada Cusub ee Somaliland

Qambi_SoltelcoHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi oo uu weheliyo Maayarka Magaalada Hargeysa, ayaa farriin digniin ah u diray Shacabka dhulka iyo dhismayaasha ku leh agagaarka goobta laga dhisayo madaxtooyada cusub oo laga hirgelinayo deegaanka Xaraf ee Galbeedka Caasimadda Hargeysa.

Labadan masuul oo maanta saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa ay uga digeen Shacabka Jaarka la ah goobta laga dhisayo madaxtooyada cusub inaanay Dhisme Dabaq ah ka dhisi korin masaafo dhinac walba u jirta 500 Mitir, sidoo kale dib-u-naqshayn lagu samaynayo xaafadaha dhinaca galbeed, sidaa awgeedna aan gebi ahaanba wax dhisme laga hirgelin karin.

Qambi_SoltelcoShacabka Dhulka ku leh iyo dadka la jaarka ah deegaankaas, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey goobta dhismaha laga hirgelinayo oo ah dhul aad u ballaadhan, iyadoo sidoo kalena dadkaas qaarkood ku cawdeen in laga qaaday dhul ay iska leeyihiin.

Haddaba, hadalka masuuliyiinta digniinta u jeediyey shacabak iyo Su’aalo laga weydiiyey cabashada dadka shacabka ah, waxaad kaga bogataa oo aanu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Somalilandpost@live.com