Xisbiga WADDANI oo Ganafka Ku Dhuftay Guddi Madaxweynuhu Sheegay in uu u Magacaabayo Qabsoomidda Doorashada

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta xisbigaasi ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay walaac xooggan ka qabaan qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada oo ay sheegeen in ay Xukuumaddu ku guul-daraysatay in ay bixiso lacagtii qaadhaan ahaan lagu gelaayey doorashaddaasi iyaga oo sida oo kale na xusay in aanay marnaba aqbali doonin guddi musdambeed ah oo Madaxweynahu sheegay in loo sameynayo.

https://www.youtube.com/watch?v=f5Yu4q9mGAY