Xildhibaano Aragtiyo kala duwan ka muujiyey Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo maanta la ansixiyey

Hargeyska (SLpost)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta meel-mariyey Xeerka Ismaamulka gobollada iyo Degmooyinka oo muddooyinkii u dambeeyey Horyaallay Golaha isla markaana ay xildhibaannadu ka doodeen.

 

Haddaba qaar ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee maanta joob-joogga ka ahaa fadhiga xeerka lagu ansixiyey, ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyey xeerka iyo qaabka loo ansixiyey.