Somalilandpost | News and Analysis

Xildhibaanno Labada Gole Ka Tirsan Oo Aragtiyo Is Burinaya Ka Qaba Xaqa Guurtidu U Leedahay In Heshiiska Dekedda

Hargeysa  (SL.Post) Arbacadii toddobaadkii hore ayaa ay ahayd markii golaha wakiillada Somalilad cod aqlabiyad weyn ah ku ansixiyey heshiiska ay xukuumadda Somaliland dekedda Berbera kala gashay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World, taas oo soo afjartay murarn iyo dood mararka qaarkood xaraaraddeedu meel sare gaadhaysay oo ay xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan, madax dhaqameed iyo dadyow tiro badani iskaga soo horjeedeen aragtiyahooda la xidhiidha dhib iyo dheef midka uu heshiiskaasi u leeyahay dalka iyo dadka Somaliland iyo weliba isu-dheelli tirnaanta qodobada labada dhinac ku heshiiyeen. Laakiin saddex maalmood ka hor ansixinta heshiiskan oo markaas cidda doodda golaha ka socotay uun ku qiimaysa aratideedu ay aamini karaysay in aanu goluhu u socon in uu ansixiyo, ayaa guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha iyo nabadgelyada ee golaha Guurtida Somaliland  Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan) waxa uu sheegay in ansixinta heshiisna dabeecadda kan DP World xukuumaddu la gashay leh, ay ansixintiisa wda leeyihiin labada gole ee baarlamanka Somaliland.

 

 

 

“Marka hore heshiiskan ka doodistiisa iyo ka wada hadalkiisa labada Gole wey wada leeyihiin, Golaha Wakiilada oo qudhi ma leh, waxaana taas caddeeynaya qodobka 38 faqradiisa 6 xarafkiisa T ee Dastuurka Somaliland, oo ku saleeysan kal-fadhiyada ay wada leeyihiin labada Gole, isla Qodobkani waxa uu sheegaya in Labada Gole Barlamaan wada leeyihiin heshiisyada ku saabsan heshiis Goboleed iyo heshiisyada Caalamiga ahba, marka Xukuumadda waxaan u caddeynayaa in aanay is odhan Golaha Wakiilada ayaa xaq u leh inuu ka doodo oo uu ansixiyo, labada Goleba wey wada leeyihiin, oo wada fadhi ha ku yeesheen, ama kal-fadhi ha ku yeesheen, haddii labada Gole mid la iska dhaafana Xeerku noqon maayo Xeer dhaqan gal ah, oo qodobka kale oo Dastuurka ah ayaa wuxuu leeyahay sharci kasta oo labada Gole wada leeyihiin wuxuu ansixi karaa marka labada Gole ansixiyaan, Madaxweynuhuna ansixiyo” Xildhibaanka oo u warramayey Geeska Afrika waxa uu xukuumadda uga digay in heshiiskaas ay ku dhaqanto iyada oo aanu golaha guurtidu la ansixin golaha wakiillada, “Xukuumadda taas digniin baan ka siinaya, oo yaanay is odhan Golaha Guurtida dhaafiya, oo Golaha Wakiilada oo qudha ka ansixiya” doodda xildhibaan gacan oo ka mid ah odayaasha rug-caddaaga golaha ah ayaa dad badan gelisay dareen dhinaca sharciga ah oo la xidhiidha arrintan.

 

 

 

Haddaba Geeska Afrika oo arrintan sii dabagalay si uu muwaadinka uga  dhergiyo xaqa uu u leeyahay in uu fahmo dastuurka dalkiisa ayaa ansixintii kadib, isla arrintan wax ka weydiiyey, xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo isna ka mid ah Golaha Guurtida si ay uga hadlaan aragtida sharci ee arrintan uu dastuurku ka qabo, laakiin labada xildhibaan siyaao isburinaya ayaa ay uga hadleen. Ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ah garyaqaan ka tirsan golaha wakiillada ayaa sheegay in Golaha Guurtidu aanay shaqo dastuuri ah ku lahayn heshiisyada caalamiga ah ee ay Xukuumaddu gasho. Isaga oo arrintaas faahfaahinaya xujooyinka dastuuriga ah ee uu u haystana raacinaya ayaa waxaa hadalka xildhibaanka ka mid ahaa, “Xeerarka uu Dastuurku jideeyey in Golayaasha Guurtida iyo Wakiiladu ansixiyo laba qaybood bay u qaybsamaan, oo qayb waxa ansixiya Golaha Wakiilada sida ku cad qodoba 54 iyo 55 ee Dastuurka, oo haddii xeerarka maaliyadda ama dhaqaalaha waxa uu u gaar yahay Wakiilada, halka sidoo kale heshiiska Dekadda Berbera oo ah heshiis dhaqaale ama misaaniyadeed waxa dastuurku u jideeyey Wakiilada”

 

 

 

Xildhibaan MAxamed Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Kolay kal-fadhiyo wada jir ah wey yeelan karaan Guurtida iyo Wakiiladu, oo Dastuurka ayey ku caddahay, waxaana dhab ah in Guurtidu awood u leedahay Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, Dhaqanka iyo Nabadgelyada iyo sidoo kale Dib u eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda mooyaane, markaas madama uu sidaas Dastuurku caddeeyey, heshiiskan Dekaddu uu yahay heshiis maaliyadeed, lama marsiinayo Golaha Guurtida ee sidaas ay ku ansixyeen Wakiiladu ayuu ansax ku yahay”

 

 

 

Si kastaba ha ahaato ee xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo isna ka mid ah golaha Guurtida Somaliland oo isla arrintan uu Geeska Afrika wax ka weydiiyey ayaa isna xildhibaankii hore ee golihiisa ku raacay aragtida ah in golaha Guurtidu ay tahay in uu ansixinta heshiiskan la wadaago wakiillada, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxaa uu yidhi, “Golaha Wakiilladu waxa aan ahayn ansixinta Golayaasha Wasiiradda iyo Miisaaniyadda oo ay gaar u leeyihiin ma jirto, anaguna waxaanu si gaar ah u leenahay xeerarka Diinta iyo Dhaqanka, sidaas daraadeed waa in Heshiiska Dekadda Berberi uu soo maraa Golaha Guurtida, madaama uu yahay heshiis caalamiya, waxaynu leenahay sharciyo iyo shuruuc, marka haddii heshiis caalamiya la galayo Gole gaar ah Dastuurku uga dhigi maayo, ee labada Goleba waa uu soo maraya, markaas Xukuumadda waxaan odhan lahaa heshiisyada noocaas oo kale ah siday yihiin ha loo wado, oo yaan laga weecinin, oo yaan Gole kaliya gaar lagaga dhigin”

 

 

Garyaqaan Guuleed

 

Wargeyska Geeska Afrika si uu arrintan madowga uga saaro ayaa waxa uu dib ugula noqday garyaqaan Guuleed Axmed Dafac oo ka mid ah sharciyaqaannada Somaliland ee sida gaarka u daraaseeyey shuruucda iyo dastuurka dalka, waxa aanu hor dhigay doodda labada dhinac ee golaha baarlamanka ka tirsan, “Dastuurka ayaa ka hadlaya, qodobka 53aad, farqadiisa saddexaad, waxa uu sheegayaa in heshiisyada dawliga ah ee dawladdu gasho oo ay ka mid yihiin kuwa Siyaasadeed, kuwa Dhaqaale iyo kuwa Nabadgalyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub, waxa la hor keenaya oo ansixinteeda iska leh Golaha Wakiillada, heshiis dawliya ama caalamiya oo dawladdu dhinac ka tahay waxa waajib ah inay Dawladdu hor geeyso Golaha Wakiilada. Laakiin qodobka 38, faqradiisa lixaad ee Dastuurku waxa uu isna ka hadlaysaa fadhiyada wada jirka ah oo ah in Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada oo isku dhan la hor geeynayo hor geeyanayo, marka Jamhuuriyadda Somaliland ka doodayso inay ku biirto Urur goboleed ama Urur Caalamiya sida IGAD ama wax la mid ah waa in labada Gole oo wada fadhiya la hor geeya iyo sidoo kale marka ay ansixinayaan heshiisyada leh dabeecadda goboleed ama caalami” ayaa uu yidhi garyaqaanku.

 

Isaga oo sii faahfaahinaya heshiisyadan ay tahay in ay wada jir u ansixiyaan baarlamnkuna waxa uu intaas ku si idaray, “Laakiin haddii uu heshiisku noqdo heshiis ballaadhan oo tusaale ahaan ay ku jiraan wax ka badan hal dawlad, oo dawladdo fara badani iskugu imanayaan, tusaale ahaan Afrika oo dhami ku midoobayso ama adduunka oo dhami iskugu imanayo oo wax ku abuurayo, markaa waa inay xukuumaddu horgeeyso labada Gole oo wada fadhiya”

 

Sharraxaaddaas kadib waxa uu Garyaqaan Dacaf aragtida sharci ee arrintan ku soo xidhay, “Uma baahna heshiiskan in Golaha Guurtida la hor geeyo marnaba. Marka heshiiskani waxa uu soo gelaya qodobka 53aad ee dastuurka, waana heshiis caalamiya oo ay tahay in Golaha Wakiilada oo kaliya in la hor geeyo”.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE