Somalilandpost | News and Analysis

Xeerka Xoolaha: W/Q: Cabdicasiis Guudcadde

Riyuhu waxa ay ku tashadeen in aanay idaha iskaga sheegin calafka loo qariyay ee xerada u tuulan. Idahuna gaarkood ayaa ay iskaga dhaadhiciyeen in keligood loo roonaaday oo waa kuwaa iyaga oo laafyoonaya shirka loo ballamay u sii socda.

 

 

Iminka waa duhur. Saaka ayaa ay ahayd markii lagu soo baraarugay in xeryaha riyaha iyo idahaba gooni-gooni loo cammiray. Xaashi baa loo sii dhigay qolo kasta. “Idinka ayaa nabadda adhiga ka shaqaynaya, oo calafkiina sidaas ayaa lagu badiyay,” ayaa riyaha loo soo qoray. Idaha oo madax-adayg lagu yaqaanay hadalka waa loo buunbuuniyay. Waa taa laxdii Qeydi akhriyaysa waxa ku qoran warqaaddooda. “Idinku ab-xoolo oo dhan ayaa aad tusaale u tihiin. La’aantiinna xooluhu naf ma yeesheen. Si la idiin maamuuso ayaa calafka la idiinku kordhiyay,” markii ay maraysay ayaa qaylo isla oogsatay. Shirkii iduhu waa ay wada sacabbiyeen. Waxa ayna qaadeen hees markaa uun uu allifay wanka weyn ee Qaldhame. “Irsiqeennu haddeerto; ha sii jibjibbaarmee; hawlaheenna badshaay!”

 

Idahu walow aanay fahmin micnaha erayada Qaldhame, haddana in ay u jiibiyaan ayaa ay isla garteen.

 

Labada xero ee midba gaarkeeda loo boqray waa ay isu muuqdaan. Ridii Yulqama oo shirka ka maqnayd ayaa soo istaagtay xeradii idaha, oo istidhi sii bariidi asxaabtaadii. “… Hawlaheenna badshaay!” iyada oo ay heestu sii marayso ayaa ay ku soo beegantay. Waa la aamusay. Iyadiina waa ay aamustay. Laxdii Qeydi ee farriinta akhriyaysay oo aan gaadhin dhammaadka warqaadda ayaa amartay idaha in ay aamusaan. Af la isla fahmayo inta lagu hadlay ayaa labo wan oo Qaldhame ku jiro la faray in ay ridan soo luntay bannaanka u saaraan. Ridii waa taa la soo tuuryeeyay. Ma garanayso wax lagu galay!

 

“Warqaadda waxa ku sii qoran,” ayaa ay laxdii Qeydi tidhi iyada oo doonaysa in ay hadalka ku soo noqoto, oo joojiso heestan qaadatay nusu-saaca. “In idaha iyo riyuhu ay isugu iman doonaan shir lagu maamuusayo muhiimadda ay leeyihiin idahu. Shirkaa waxa lagu ansixinayaa in xeradan ay idahu kala kulmaan sharfid iyo shaati-dallacid sare. Waxa la innaga rabaa in aynu codkeenna bixinno. Oo aynu innagu isa siinno, ileen cid kale lama soo saarayo e. Riyuhu waa cadawga u weyn ee diiddan in ansixintaasi meelmarto. Sidaa darteed, xataa sabeennada soo kaxeeya, oo codkaa reer tolkayoow! yaan loo kala hadhin.” Inta sawaxankii la badiyay, ayaa markan cidii ‘bacaacda’ ahayd lagu daray daba-lulid socotay in ka badan intii heestu socotay. Markii idahu maageen in ay baxaan, oo biyo doontaan, ayaa Qeydi cod dheer uga daba qaylisay, una sheegtay in ay illawday qodob muhiim ah. “Shirku waa galabta,” inta ay tidhi ayaa ay iyadu ugu hor baxday. Idahii waa ay qosleen, iimaanla’aanteedana ku sii xanteen! Idaha oo dhami maanta waa ay joogeen, marka laga reebo wankii badhida yaraa ee Fiid. Fiid waa wan madaw, oo beryo badan arrinka idaha isaga uun la wayddiinayay, ka xoolahana wax ku darsanayay. Toddobaadkii hore ayaa uu se jeeniga ka jabay, oo waa sariiryaal.

 

Tiro ahaan waxa xerada u badnaa idaha. Riyuhu waa ay badan lahaayeen e, martida ayaa ku badnayd reerka oo ri’ wax aan ahayn lama qali jirin.

 

Xilliga idahu gaadhayeen go’aamadaa, xerada riyaha wax kale ayaa ka socday. Riyaha looma sheegin sababta calafka halkan loogu soo dhigay, oo ahayd in ay adhiga u madax-sarreeyaan, wax dhaafsiisan. Shirka galabta ma oga. Calafkii waa kuwaa iska daaqay, ee u hudhaya qaab ay ka muuqato in aanay beryahanba wax cunin. Ballantii kulanka oo saacadi ka dhiman tahay ayaa riyaha farriini u timi. In shir caynkaas ahi jiro, ajandihiisa se aan la aqoon ayaa ay ogaadeen. Riyaha qaar suurraaf ahaa waa ay maqan yihiin. Badhkoodna waa ay hurdaan. Qaar baa ku xanuunsaday calafkii ay iska dhergiyeen, oo aan socod taag u hayn iyo shir. Sidaas darteed riyihii awelba iska tirada yaraa, ayaa tiro yari ka soo xaaddiri doontaa shirka.

 

***

 

Ridii Yulqama ee laga soo caydhiyay shirka idaha ayaa sir soo ogaatay. Waxa ay wax dhaceen markii ay soo booqatay wankii Fiid. Fiid waa wan wargaleen ah. Waxa uu Yulqama u sheegay in xerada idaha iyo riyaha loo kala sheekeeyay, oo la wanjalayo. In la isku dirayo, oo arrin weyni salag leedahay, ayaa uu ugu dhaartay. Faahfaahin ayaa ay ka codsatay. “Laxda Qeydi, wanka Qaldhame iyo labo dameer oo deriska ah ayaa shir isugu yimi. Waxa dameeruhu soo jeediyeen in ay xerada ku soo biiraan. Amnigeenna in ay sugi doonaan, hawlo badanna innaga furan doonaan, ayaa ay ballanqaadeen. Weftigaas idaha iyo xerada oo idil metalayay, waa ay u riyaaqeen, waxna waa la siiyay…” “Wax maxaya?” “Amarka ammaanka ee u danbeeya in ay iyagu yeeshaan, iyo hanti badan oo caws ah ayaa loo laabay. Sidaas ayaa la inoo wanjaafayaa. Shirka maanta loo ballansan yahayna waa dibindaabyadaa. Idahu waxa ay isku hallaynayaan tiradooda badan. Codkoodaasina waa uu meelmarayaa. Anigu markii aan damcay in aan is-hortaago, waa taa jeeniga la iga jebiyay, hanjabaadna la iigu daray!” Ridii Yulqami inta hadalka oday Fiid u socday, waxa ku soo dhacayay sawirro. Sawirro muujinaya sababta looga soo eryay shirkii xerada idaha ka dhacayay ee ay islahayd soo bariidi, iyo waxa gudaha lagu sii hayay. Waxa looga jeeday heestii ay ka soo gaadhay, ‘hawlaheenna badshaay!” ayaa ay misana iswayddiisay. Toloow! ma waxa ay ka wadeen, hawlaha aynu hayno inoo badiya?

 

Rida Yulqami waa xilkas. Waxa ay wankii Fiid u sheegtay in ay arrintaa diidi doonto. Tolkeeda riyahana ay digniinta soo siin doonto. Sidii ayaa ay ku soo baxday.

 

***

 

“Saacad ayaa shirka ka hadhay e, soo bax dee. Horta maxaad la khururuflaysaa?” riyaha qaar oo isku leh ayaa ay ridii Yulqami ku soo baxday. Markii ay istaajisay, maaddaama la ixtiraami jirayna loo joogsaday, ayaa ay arrintii istidhi uga warran. Bilawgay bilawdayba, labo ceesaamood oo maqiiqan ayaa bartii isku gacansaaray. Dhegaysigeedii waxa ka weynaaday kala-qabashada ceesaamaha islaynaya. Sidii loo kala celcelinayay labadii ceesaamood ayaa waqtigii ku dhacay, shirkiina loo dareeray, arrintii rida Yulqamina ku beeldarrawday!

 

Shirka ayaa lagu furay erayo waano u badnaa oo ay soo jeediyeen koox isla jiibinaysay oo idaha ka socday. Kooxdu dhammaantood waxa ay isu daba maraysay muhiimadda ay leedahay in xerada amnigeeda la ilaaliyo, oo wanaaggeeda laga shaqeeyo, dhaqaalaha yaallana la kobciyo. Labadii ceesaamood ee ridii Yulqama ka khasaariyay waqtiga ayaa halkaa ka soo booday. Riyihii ay hortooda isku laayeen saacad ka hor ayaa mooday in ay shirka dhexdiisana isku fara-saari doonaan. Balse ceesaamihiiba waanada ayaa ay qayb ka noqdeen. Saw gaar ayaa loola shiray oo dagaalkii saacad ka hor ogaan bay u samaynayeen!

 

Waanadaa kaddib, waxa bilawday shirkii. Daah weyn oo xagga danbe ka soo lushay ayaa laxdii Qeydi isku beegtay, kana codsatay in cod gacantaag ah la geliyo ujeeddada la isugu yimi. “Oo ujeeddadu maxay ahayd?” guux ah ayaa riyihii khabar-maafishka ahaa ka dhex aloosmay. Laxda Qeydi oo minbarkii weli saaran, ayaa lugta dhulka oo jiingad ka samaysnaa la dhacday, si ay malaha u aamusiiso gungunuuska riyaha laga soo sheegayo! “Aynu isdhegaysanno, shirku waxa uu ku saabsan yahay wax macruuf ah oo ku saabsan danteenna,” ayaa ay tidhi. Riyaha qaar ayaa inta ay la yaabban yihiin ujeeddadan la sheegayo in ka badan waxa ay la yaabban yihiin goorta ay shirguddoonka noqotay laxda Qeydi!

 

Wankii Qaldhame oo soo yara daahay ayaa halkaa ka soo ‘bacaac’ yidhi. Waxa uu sheegay in cirka roob ka soo socdo, codayntana la dedejiyo. “Kulankeenna ku saabsanaa danta deriskeenna waa in la dedejiyo,” ayaa uu yidhi. Yaabku waxa uu sii siyaaday marka intaa la maqlay. Shirku ma danta xoolaha ayaa uu ku saabsan yahay, mise danta jaarka? Waa la kala saari waayay isdiiddadaa! Labadii ceesaamood ayaa afka riyaha ku hadlay oo yidhi: waa runtaa! Sidii ayaa gacanta lagu taagay, laguna ansixiyay wax aan ajandihiisa laga ogayn badi labada dhinacba. Markii ansixintu dhammaatay, ayaa ridii Yulqama oo shirka meel danbe taagnayd istidhi hadal. Qaldhame ayaa hees ku dhuftay ay cid yari fahantay, labadii ceesaamoodna waa ay botorinayeen. Buuqaa dhashay waxa ku xigay xeradii kulanku ka qabsoomayay oo laga soo kala dareeray.

 

Toddobaad kaddib ayaa lagu soo toosay saddex dameer oo dhex daaqaya xeradii. Labadii ceesaamood, laxdii Qeydi, wankii Qaldhame iyo sabeen yar ayaa la socday dameeraha. Markii la iswayddiiyay waxa ay yihiin, waxa loo sheegay in ay wefti yihiin u socda ballaadhinta xidhiidhka xeradan magaalada ka xidhani la yeelan lahayd beladka. Run inta oo loo qaatay, ayaa la soo dhaweeyay.

 

***

 

Maalintaa laga bilaabo xeradu waxa ay la kowsatay weftiyo dameero ah oo cawskana daaqa, biyahana ku cidhiidhsha adhigii, suuqna aan ku xidhin! Dulqaadka adhigu waa uu iska badnaa jeer oo aroor loo soo toosay arrin ka wada nixisay xerada wixii joogay adhi! Waa bakhtiga ridii Yulqama iyo wankii Fiid oo wadhan darka biyaha laga cabbo agtiisa! Sidaas ayaa laga dheefay Xeerkii Xoolaha ee lagu ansixiyay moogganaanta!

 

***

 

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde

 

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE