Somalilandpost | News and Analysis

Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Walaac Ka Qabta Dacwadaha Lagu Qaado Maxkamada Ciidanka

Hargeysa  (SL.Post) Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dawladda Somaliland ugu baaqaysaa inay joojiso dacwadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay qaado maxkamadda ciidanku.

 

 

 

 

Waxa hada ka socota Hargeysa dacwad ciqaab ah oo ay dhegaysanayso maxkamadda derejada koowaad ee ciidanka iyada oo ay eedaysanayaal ka yihiin Maxamed Amiin Jibriil oo ah suxufi madax-banaan, Safiya Jibriil iyo gabadh booliis ah oo lagu eedeeyey “af-lagaado iyo hanjabaad” la sheegayo in loogu diray fariimo moobayl qof kale oo rayid ah.

 

 

Sida ku cad qodobka 104(1) ee dastuurka Somaliland, maxkamadaha ciidanku waxaay qaadayaan dacwadaha ay dhanka ka yihiin xubnaha ciidanka qaranku.

 

 

Dacwad kale, waxa 24kii July 2016 maxkamadda ciidanku ay dil kaga xukuntay sideed qof oo rayid ah dilkii taliyiihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil halka ay toban kalena ku xukunta xadhig u dhexeeya sideed bilood ilaa todoba sanadood.

 

 

Dastuurku uma ogolaanayo maxkamadda ciidanka inay qaado dacwad eedaysanayaashu ay yihiin dad rayid ah.

 

 

Dastuurka Somaliland waa sharciga u sareeya dalka. Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda oo ay joojiso dacwadaha dadka rayidka ah ee ay qaadayso maxkamadda ciidanku.

 

 

Guleid Ahmed Jama.

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

 

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE