Xaglatoosiye oo ka Hadlay Cabashooyin Caafimaad oo ka soo Baxa Burco

Burco (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.  Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) oo haatan safar shaqo ku jooga Magaalada Burco, ayaa ka Hadlay dhibaatooyin soo noqnoqday oo ka taagan Cisbitaalka Magaalada Burco, waxana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin wax-ka-qabashada dhibaatada halkaas ka taagan.

Wasiir Xaglo-toosiye oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Waris, ayaa uga digay Dadka reer Burco Cabashooyin soo noqnoqday oo ay Cisbitaalka Burco ka sheegayaan, waxana uu faahfaahiyey sababta cabashdaaas keenaysa.

“Marwooy Cisbitaalku wuu shaqaynayaa inkastoo ay reer Burco Cabanayaan, Cabashadana waxa keenaya oo ay Burco u baratay Hay’ad MSF la yidhaahdo oo bishii $250,000 ku kharash garayn jirtey, Kaalintii Hay’addaas waanu buuxin kari weynay laakiin Cisbitaalkii wuu shaqanayaa.”ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray,“Reer Burco waxan leeyahay waxba maanu hagrane waxa aynu haysano aynu iimaansano oo cabashada badan aynu iska dayno.muhiimaddana waxa uu cisbitaalka Burco iyo Ka Borama yihiin Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.” Wasiir Xaglo-toosiye, waxa uu sheegay in laga tashan doono Mucaawimooyinka Hay’adaha qaarkood dalka siiyaan ee sida kediska ah loo goosanayo, waxana uu xusay inay talo gaar ah yeelan doonaan, “ Inaguna waynu isku tashan doonaa oo Hay’ad dambe intay samada ina geyso innagoo aan diyaarsanayn inaga tegimaysee waxa aynu hayno ayeynu qurxisan doonaa, dadka TV-yada istaagayana waxanu leenahay cisbitaalku wuu shaqaynayaa. Imika oo u dambaysayna $120,000, baa Khasnadda Dawladda looga saaray oo la geliyey.”ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

https://www.youtube.com/watch?v=FXeBy5Mhp8Y