Somalilandpost | News and Analysis

“Waxaan Farriin U Dirayaa Xildhibaannada Labada Gole Ee Baarlamaanka Kaga Jira Gobollada Awdal, Salal Iyo Maroodijeex” Xildhibaan Indho-Indho

Hargeysa (SL.PostsXildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa baaq u diray Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka kaga Gobollada Awdal, Salal iyo Maroodi-jeex, kuwaasi oo hadallo Xanaf lahaa oo ku aaddan Khilaafka Dhuleed ee Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa isku mariyey Warbaahinta dhawaan.

 

indho-indho-640x360

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Xildhibaannada kula taliyey inay doodaha ku aaddan halka ay ka tirsan yihiin Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa ay la yimaaddaan Golayaasha Baarlamaanka isla-markaana ka dooddaan, halkii ay Warbaahinta iska weerari lahaayeen.

 

 

“Waxaan Farriin u dirayaa Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland kaga jira Gobollada Awdal, Salal iyo Maroodijeex, waxaan leeyahay Mudaneyaal waxaad tihiin Waayeelkii Qaranka, waxaan idiin soo jeedinayaa inaad ka deysaan hadallada Xanafta leh ee aad Bulshada ku faafinaysaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan leeyahay intaad Labadiina Gobol isku timaaddaan Golaha kaalaya oo dhaha wax Bulshada ka farxiya, waxaad u baahan tihiin inaad Golaha ka ansixisaan meesha Lixdaa Goobood yihiin oo aad ka dooddaan.”

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE