Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Maanta Bilowday Qodidda 9 Boqol Higtar Oo Deegaanka Xaaxi Ah + SAWIRRO

Xaaxi (SLpost) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ayaa Maanta bilaabay Qoddida 900 oo Higtar oo laga beerayo Noocyada kala duwan ee Dalagyada deegaanka Xaaxi ee Gobolka Daad-madheedh.

DSC_0534Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo ay Wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyadda, Biyaha, Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE, ayaa Midhaha ama Shinnada Dalagga beeristiisa la bilaabay Maanta ku daadiyey deegaanka Xaaxi, waxaana markaasi ka dib hawsha Qodida bilaabay Dhowr iyo Toban Cagaf oo Wasaaraddu halkaa hore ugu diyaarisay.

DSC_0538Munaasibad ballaadhan oo Degmada Xaaxi Gudaheeda loogu qabtay Daah-furidda Mashruucan Qaranka muhiimka u ah, ayaa Wasiirka Wasiirka Horumarinta Beeruhu ka sheegay in ujeeddada loo qodayo Dhulka intaas leeg ay tahay in Qaranku uu gaadho isku filaansho dhanka Cuntada ah, taasi oo qayb ka ahayd Qorshayaashii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Shacabka u ballan-qaaday xilligii uu ololaha doorashada ku jiray.

DSC_0540Wasiirrada Wasaaradda Maaliyadda, Caafimaadka, Biyaha, Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo iyaguna halkaa khudbado Shacabka uga jeediyey ayaa Wasiir Axmed Muumin Seed iyo guud ahaan Hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha ku amaanay horumarinta dhanka Wax soo-saarka Dalka.

Sidaasi oo kale, ayaa Dadweynaha ku dhaqan deegaannada Gobolka Daad-maadheedh, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada Xaaxi oo Dad Magacooda ku hadlayey Munaasibadda ka hadleen waxay aad u soo dhaweeyeen Mashruucan lagu beerayo deegaanka Xaaxi.

DSC_0566Waxa xusid mudan in Weftiga Golaha Wasiirrada ee Xaaxi u tagay Daah-furka Mashruuca Beerista 900 ka boqol ee Dhul-beereedka ah aad loogu soo dhaweeyay deegaannada ay Socdaalka ku mareen intii ay ku sii jeedeen Xaaxi oo markii Xafladdu dhamaatay loogu sameeyay Casuumad-sharafeed soo dhaweyn ahayd.