Wasaaradda Gaadiidka oo soo saartay Amar ku socda Shirkadaha gaadiidka Gobollada iyo Booyadaha

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa wargelin maanta ay soo saartay ku amartay shirkadaha Gaadiidka ee isaga kala goosha gobolladalka inay iska diiwaangeliyaan wasaaradda.

Go’aanka ka soo baxay wasaaradda oo salka ku haya qorshe lagu xakamaynayo shilalka gaadiidka isla markaana lagula soconayo xawaaraha gaadiidku ku socdo, isla markaana uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa xambaarssan Shan qodob oo saldhig loo dhigay qorshaha bad-qabka iyo badbaadada gaadiidka.

 

Wargelinta ayaa u qornayd sidan:

 

Ku: Dhamaan Gaadiidleyda iyo Shirikadaha Gaadiidka Ee U Kala Goosha Gobolda Dalka JSL

Ku: Dhamaan Shirikadaha Gaadiidka Qaadka JSL

Ku: dhamaan Gaadiidka Booyadaha Biyaha JSL

Og: Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL

Og: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL

Og: Wasiirka Wasaaradda Warfaafint iyo Wacyigalinta JSL

Og: Taliyaha Ciidanka Booliska JSL

 

Ujeeddo: wargelin

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku iyadoo fulinaysa Xeerka Wadamarista (Xeer L/r 56/2013) Qodobadiisa 75aad iyo 76aad oo qeexaya xadidaada xawaaraha ay ku soconayaan gaadiidku si looga hortago loona badbaadiyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay sababaan shilalka Gaadiidka .

Sida ku qeexan xeer nidaamiyaha dhismaha Wasaaraddaha & Hay’addaha xukuummadda L/r 01/2018 Qodobka 25aad, inay curiso xeerarka & siyaasadaha lagu xaqiijinayo helitaanka adeegyada Gaadiidka badda ,cirka & dhulka oo nabdoon isla markaana ah mid laysku halayn karo

Sida ku cad Qodobka 57aad ee Xeer L/R 56/2013 oo qeexaya qaybaha kala duwan ee liisamada wadida Gaadiidka iyo noocyadooda.

Hadaba, Wasaaraddu si ay wax uga qabato kana hortagto khasaaraha Gaadiidka waxay keenaysaa qalabka Casriga ah oo loogu talo galay in lagu rakibo gaadiidka si loo xaddido xawaaraha gaadiidka (Vehicle Speed Governors).

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidku waxay soo saartay in la raaco shuruudahan hoos ku taxan:-

1)    In laga bilaabo taariikhda ay warqadani soo baxday ay waajib tahay in ay dhamaan mulkiilayaasha Shirkadaha Gaadiidku ay iska diwaangaliyaan Wasaaradda si loo hubiyo xaaladiisa badqab.

2)    In Wadayaasha Gaadiidka Shirkadaha rakaabka ay qaataan liisanka Dirawalnimo ee derejada (D), Halka wadayaasha Gaadiidka Qaadka looga baahan yahay inay qaataan liisanka derejada (C).

3)    In lagu bilaabo hawshan labada gobol ee kala ah M/Jeex iyo Togdheer, sidoo kale Gobolada kalena la gaadhsiin doono sida ugu dhakhsaha badan.

4)    Wargelintu waxa ay ku egtahay mudo 3bilood ah laga bilaabo taariikhda ay warqadani soo baxday.

5)    Cidii u hogaansami wayda awaamiirtan waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan

Alla Mahad Leh

C/laahi Abokor Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL