Somalilandpost | News and Analysis

Wargeyska The Economist oo Warbixin ka Qoray Maalgashiga Imaaraadka ee Dekedda Berbera

Wargeyska caalamiga ah ee The Economist ee falanqeeya dhaqaalaha, kana  ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa ka waramay maalgashiga shirkadda DP World ay ku maalgashanayso dekedda Berbera oo ah marso  ku taalla bogcad muhiim.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Majallada The economist oo warbixin ay daabacday shalay daboolka ka qaaday  in dekedda qadiimiga ah ee Berbera lagu wado inay noqoto dekedda ugu ballaadhan madaqada Geeska Afrika, halka xukuumadda imaaraadkuna ay saldhig millatari ka dhisanayso magaalada Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi oo markii u horeysay la kulmay Maamulaha guud ee Shirkadda DP World iyo Nuxurka Arrimo Laga Wada HadlayWarku wuxuu intaas ku daray in 450 milyan oo doolar oo lagu casriyeynayo marsadda Berbera ay noqonayso maalgashigii ugu ballaadhnaa ee Somaliland hesho tan iyo markii ay xornimadeeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf  Cismaan, ayaa u sheegay majallada The economist  in dawladda Soomaaliya aanay  xukumin 10km oo ka mid ah dhulkeeda, isla markaana aanay hawaysan karin Somaliland.

Wargeysku wuxuu  intaas raaciyey in dawladda isu-tagga imaaraadka carabtu ay dhaqaale badan ku maalgelinayso Somaliland oo aan wali aqoonsi caalami ah ka helin caalamka.

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE
Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/e/b/8/somalilandpost.net/httpd.www/slp/wp-includes/class-wp-comment-query.php on line 399