WARBIXIN: Is-barbardhigga Awoodda Milatari ee dalalka Pakistan iyo India oo xiisaddoodu kacsan tahay

Waxaa heer aad u xun mareysa xiisad colaadeed oo u dhaxeysa dalalka dariska ah ee Hindiya iyo Pakistan, kuwaasoo labadooduba heystaan hubka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear-ka.

 

Hindiya ayaa weerarro xagga cirka ah ku qaadday saldhigyo ay kooxo fallaago ah ku leeyihiin gudaha Pakistan, isbuucyo ka dib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, arrintaas ayaana sare u sii qaadday cabsi laga qabo inuu dagaal dhex maro waddamadan ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya.

Pakistan India

Ugu yaraan 42 askari oo ka tirsan booliska sida milatariga u tababaran ee dalka Hindiya ayaa lagu dilay qaraxa ismiidaaminta ahaa oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen kooxda fariisinka ku leh gudaha Pakistan ee lagu magacaabo Jayshu Muxammad.

 

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa xilligaas wacad ku maray in waddankiisu uu jawaab kulul ka bixin doono weerarka loo geystay ciidankooda oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dhaca muddo tobannaan sano ah.

 

Dowladda Pakistan ayaa si kale u dhigtay howlgalka ay Talaadadii sameeyeen diyaaradaha milatariga Hindiya, iyadoo sheegtay in lagu soo xad gudbay hawada dalkeeda, gaar ahaan hawada u dhow xadka ay ku kala qeybsadeen gobolka ay isku heystaan ee Kashmiir.

 

Waxay sheegtay in ay soo ridday labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahahay Hindiya kuwaas oo soo galay hawadeeda Kashmir.

 

Pakistan ayaa intaas ku dartay in ay xirtay mid ka mid ah duuliyeyaashi diyaaradaha.

Pakistan India3

Sareeye gaas Asif Ghafoor ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha ay ku soo dhacday dhulka ay Pakistan maamusho halka midda kalana ay ku dhacday dhulka ay Hindiya maamusho.

 

Labadan dal ee cadowga isku ah ayaa horay gobolka Kashmiir dartiis ugu dagaallamay labo jeer tan iyo intii ay xorroyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sannadkii 1947-kii.

 

Halkan waxaan ku qeexeynaa awoodda milatari ee ay kala leeyihiin labadan waddan.

 

Miisaaniyadda Milatariga

Sannadkii 2018-kii, Hindiya waxay ciidamadeeda milatariga ah oo ay tiradoodu gaareyso 1,400,000(Hal malyan iyo afar boqol oo kun) u qoondeysay lacag dhan afar tirilyan oo rupee, oo u dhiganta $58 bilyan oo doolar.

Dhaqaalahaas ayaa ah boqolkiiba 2.1 ka mid ah dakhliga guud ee soo gala dowladda, sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ah ee Istiraatiijiyadda oo magaceeda loo soo gaabiyo (IISS).

Sannadkii lasoo dhaafay, Pakistan waxay ciidankeeda milatariga ah oo ay tiradoodu gaareyso 653,800(lix boqol konton iyo saddex kun iyo siddeed boqol) ku kharash gareysay lacag dhan 1.26 tirilyan oo rupiga Pakistan ah una dhiganta $ 11 bilyan oo doolar.

Dhaqaalahaas ayaa ah 3.6 boqolkiiba oo ka mid ah dakhliga guud ee usoo xarooda dowladda. Waxay isla sannadkii 2018-kii Pakistan heshay kaalmo milatari oo uga timid dibadda, taasoo gaareysay $100 malyan oo doolar.

Intii u dhaxeysay sannadihii 1993-kii iyo 2006-dii, in ka badan boqolkiiba 20 ka mid ah dhaqaalaha sannadlaha ah ee ku baxa dowladda Pakistan waxaa lagu kharash gareeyay howlaha la xiriira milatariga, sida lagu sheegay qiyaas ay sameysay hay’adda caalamiga ah ee cilmi barista nabadda, ee uu fadhigeedu yahay magaalada Stockholm.

Waxay sidoo kale hay’addan sheegtay in sannadkii 2017-kii milatariga Pakistan ay ku baxday boqolkiiba 16.7 ka mid ah dhaqaalaha ay sannadkiiba kharash gareyso dowladda.

Haddii la isbarbar dhigo, dhaqaalaha ku baxa milatariga dalka Hindiya wuxuu muddadaas ka hooseeyay boqolkiiba 12 ka mid ah kharashka ka baxa dowladda.

Balse sannadkii 2017-kii wuxuu ahaa 9.1 boqolkiiba.

 

Gantaallada iyo hubka nuclear-ka

Labada waddanba waxay heystaan gantaallada goomaha ka sameysan ee awoodda u leh iney xambaaraan hubka nuclear-ka.

Hindiya waxay heysataa sagaal nooc oo ka mid ah gantaallada la isticmaali karo, waxaana ka mid ah nooc loo yaqaanno Agni-3, kaasoo gaari kara masaafe dhan 3,000km ilaa 5,000km, sida ay sheegtay xarunta qorsheynta daraasadaha caalamiga ah ee (CSIS), oo fadhigeedu yahay magaalada Washington.

Gantaallada ay haysato Pakistan oo dhismahooda ay ka caawisay dowladda Shiinaha waxaa ka mid ah kuwa riddada gaaban iyo riddada dhexe oo gaari kara meel kasta oo ka mid ah Hindiya, sida ay sheegtay CSIS. Gantaallada ay Pakistan heysato waxaa ugu masaafe dheer mid lagu magacaabo Shaheen 2 oo gaari kara ilaa 2,000km.

Pakistan ayaa heysata 140 ilaa 150 madax oo hubka nuclear-ka ah halka Hindiyana ay heysato 130-140 madax oo nuclear ah, sida laga soo xigtay hay’adda SIPRI.

India Pakistan

Ciidanka dhulka

Hindiya waxay heysataa 1.2 milyan oo askari, kuwaasoo ay taageerayaan 3,565 oo taangiyada dagaalka ah, 3,100 oo ah gaadiidka loogu tala galay ciidanka lugta ku dagaallama, 336 gawaarida gaashaan ee saraakiisha lagu qaado ah iyo 9,719 oo ah madaafiicda goobta ee loo yaqaanno artillery-ga, sida ay sheegtay IISS.

Ciidamada Pakistan oo tiradaas aad uga yar ayaa gaaraya 560,000 askari oo ay taageerayaan 2,496 taangi, 1,605 oo baabuurta gaashaaman ah iyo 4,472 madaafiicda goobta ee artillery-ga ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin 375 hoobiye.

Inkastoo Hindiya ay ciidankeedu aad u badan yihiin, haddana waxay IISS sheegtay iney heystaan caqabado ay ka mid tahay rasaas yaraan.

Ciidanka Cirka

Hindiya waxay leedahay 127,200 oo askari, oo ciidanka cirka ah iyo 814 diyaaradood oo kuwa ciidanka iyo saadka lagu qaado ah, hase ahaatee waxay dhibaato ka heysataa dhinaca diyaaradaha dagaalka.

Waxay cududdeeda inta badan u kala qeybisaa difaaca weerarrada uga imaan kara Pakistan iyo Shiinaha.

Pakistan waxay heysataa 425 diyaaradood oo kuwa ciidanka iyo saadka lagu qaado ah, kuwaasoo lagu soo sameeyay Shiinaha iyo diyaaradaha Mareykanka lagu farsameeyo ee loo yaqaanno F-16.

Ciidanka badda

Ciidanka badda ee Hindiya ayaa si weyn uga ballaaran kuwa Pakistan, waxayna uga badan yihiin dhinac walba.

Hindiya ayaa heysata hal diyaarad oo ciidanka badda lagu daabulo, 16 markab oo gujis ah 14 burburiye, 13 markab oo kuwa gantaallada tuuro ah, 106 markab oo kormeer ku sameeya xeebaha iyo 75 diyaaradood oo diyaar ah in lagu qaado ciidanka badda.

Ciidanka badda ee Hindiya ayey tiradoodu gaareysaa 67,700, waxayna isugu jiraan askar iyo shaqaalaha cimilada badda.

Pakistan, oo awooddeeda ciidanka badda ay aad uga hooseyso intaas ayaa leh 9 markab oo kuwa gantaallada tuuro ah, 8 markab oo gujis ah, 17 markab oo xeebaha kormeera iyo 8 diyaaradood oo loogu tala galay iney ciidamada daabulaan.

 

Xigasho: BBCSomali