WADDANI oo Xukuumadda ku dhaliilay inaanay inay isku koobtay wada-hadalladii Khaatumo iyo ka-maqnaanshaha Xisbigooda

Dr FadalHargeysa (SLpost) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa sheegay in xisbi ahaan si weyn usoo dhaweynayaan natiijada wada-hadaladii Somaliland iyo Khaatumo, balse ay saluugsan yihiin inaanay xukuumaddu xisbi ahaan ka talo-gelin wada-hadallada.

Dr Fadal waxa uu intaasi ku daray in bulshada gobolka Sool ay abaal weyn ku leedahay Somaliland isla markaana ay si balaadhan uga soo qayb qaateen dhismihii Somaliland.

Xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, isagoo arrimahan ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Marka hore waxa aan doonayaa in aan usoo dhaweynaynaa oo aan aad u amaano weftiga miisaanka leh ee Hargeysa inala jooga ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Khaatumo iyo ragiisa la socda iyo inta kale ee taageersan ee daafaha dunida kala socotaba waan bogaadinayaa, waxaanan leeyahay xisbiga Waddani arintaa wax alaale iyo wixii dedaal ah ee laga soo galay ee weftigaa iyo wadahadaladii Somaliland iyo cidii ay u dirtayba ay ka qayb galayeen wixii ka soo baxay mar walba waanu taageersanahay, waananu hirgalinaynaa, waananu dhiirigalinaynayaa.”

“Waxa kale oo aan bogaadinayaa bulshada Hargeysa ee sida fiican usoo dhaweysay ee ay iyana ka mahad sheegteen ee sida sharafta iyo karaamada leh usoo dhaweysay, laakiin waxa aan doonayaa in aan wax yar oo dhaliil ah usoo jeediyo xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ee talada dalka gacanta ku haya in taabo-gaabni ay ka muuqato arintaasi oo wakhtigii la bilaabay ka hor iyo shirkii Addis Ababa ilaa maanta ay mudo badani u dhaxayso oo wali aynu marayno mabaadii guud oo ay ahayd in maanta aynu ku gudo jirno hirgalinta iyo taabogalinta heshiis taam ah oo ilaa gunta dhaadhaca oo bulshada gudo iyo dibadba kala macaamilno arintaa waan ku dhaliilayaa,” Sidaas ayuu yidhi Dr Fadal.

Waxa kale uu xukuumadda ku dhaliilay inaanay xisbigooda ka qayb-gelin geeddi-socodka wada-hadalladaas, “Waxa kale oo aan ku dhaliilayaa kali-toocsiga Xukuumada Kulmiye isku koobayso ee ay xisbiga Waddani kala dhuumanayso, ka qarsanayso ee ay ka irdhaynayso arintaas oo runtii ah arin masiiriya ayaa runtii arinta masiiriga ahi ay qiimo ku leedahay in loo dhan yahay, labada dhinacba waxa uu iimaankooda iyo qalbigooduba uu ku fadhiisanayaa oo ay qiimo ku yeelanaysaa inaynu isku dhan-nahay marka aynu arintaa xalilayno, sidaas oo ay tahay ayaanu hadana ilaa heerka la soo gaadhsiiyey aanu ku taageeraynaa oo ku ogolahay oo waliba aanu si gaar ah ugu amaanaynaa dedaalka Khaatumo ay arintaasi ka soo galayso. Waxa kolay aynu ognahay in weftiyadii loo dirayey (Khaatumo) inay weyd weyni ka muuqatay oo taasina ay keentay in wakhtigu iska soo jiitamo oo ilaa maanta ay iska soo jiitanto.”

Dhinaca kale mar uu xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga Waddani uu ka hadlayey taariikh ahaan muhiimadda ay Somaliland u leeyihiin bulshada gobollada Sool iyo Buuhoodle, waxaan yidhi, “Dhinaca kale waxa aan doonayaa in aan xusuusiyo ummadda reer Somaliland oo isu dhanba Reer Sool abaal weyn ayay ku leeyihiin Somaliland oo ay ka soo galeen jiritaankeedaba, waxaan idin xusuusinayaa wakhtigii ugu adkaa ee dagaalkii xoraynta lagu jiray doorkii aqoonyahanka reer Sool ee Garaad Cabdiqani uu hogaaminayey ee hadh cad ka soo horjeesteen dagaalkaa, door weyna ay ka qaateen soo afjaridiisa.”