Ururrada Saxaafadda iyo Xuquuqal-iinsaanka Somaliland oo cambaareeyey Xadhigga Wakiilka UNIVERSAL TV ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, ururka Xuquuqal Iinsaanka ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag uga hadlay Xadhigga Wakiilka Telefishanka UNIVERSAL TV ee magaalada Hargeysa oo ciidamada Booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Guuleed Dafac iyo Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi oo siyaabo kala duwan ula hadlay saxaafadda, ayaa cambaareeyey xadhigga masuulkan oo ay ku tilmaameen tallaabo xaq-darro ah oo ciidamada ammaanku kula kaceen maadaama sida ay sheegeen aan wax dacwad ah looga gudbin isla markaana go’aanka xadhiggiisu aanu ka soo bixin maxkamadaha dalka.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALLADA MASUULIYIINTANI KA YIDHAAHDEEN XADHIGGA WAKIILKA UNIVERSAL TV EE HARGEYSA