Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka Tacsiyadeeyey Ciidamada kala duwan iyo Qaranka JSL Hogaankii howl-gelinta Ciidanka Badda oo geeriyooday

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Xirsi Ducaale, isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo Magaca Ciidanka Ilaallada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, wuxuu tacsi u dirayaa, dhamaan Ciidamada kala duwan Qaranka, gaar ahaan Ciidanka Badda iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Alle ha u naxariistee Hogaankii howl-gelinta Ciidanka Ilaalada Xeebaha Marxuum Gaashaanle dhexe Cawaale Axmed Galaal oo maanta ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Caasimada dalka Itoobiya ee Addis ababa, halkaasoo uu Xaalad Caafimaad u jiifay in muddo ah.

TALIYAHA ILAALADA XEEBAHA SOMALILAND CABDI XIRSITaliyuhu wuxuu alle uga baryey Marxuumka inuu janada ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabada, Ciidanka uu ka tirsanaa iyo dhamaan Qaranka Somaliland-na uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Taliyuhu Waxa uu ku sifeeyey Sarkaalka geeriyooday inuu ahaa masuul intii uu Ciidanka ka tirsanaa kaalin mugle kaga jiray horumarka iyo guulaha Ciidanku ku talaabsaday, kuna sifoobay howl-karnimo iyo daacadnimo shaqo, isla markaana Cibaado iyo dad la dhaqan wanaagsanaa. Inaa lilaahi wa inaa ilaahi Raajucuun