“Suurto-gal maaha inay Arrintu iska taagnaato Nabad-la’aan iyo Colaad-la’aan…” – Guddoomiye Cirro

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahib (Cirro), ayaa wax aan loo dul-qaadan karin oo ay tahay in la xakameeyo ku tilmaamay colaadda u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ee wada Deggen Degmada Ceel- Afweyn ee gobolka Sanaag.

 

Guddoomiye Cirro waxa uu ku baaqay in si wada jir ah xal qaran loogu raadiyo, lana soo af-jaro colaadda jirta, isla markaana ay ciidamada Qaranka iyo Xukuumadduba doorkooda ka qaataan. Waxa uu Md Cirro tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dhowr qof oo ku geeriyooday weerar dabley hubaysani shalay ku qaadeen Kaalin shidaal oo ku taalla degmada Ceel Afweyn.

 

Muuqaalka Hoose ka daawo Guddoomiye Cirro oo arrintan iyo qodobbo kale ka hadlay maanta.

 

https://youtu.be/twBmAdTjSUg