Somaliland: Shirkadaha Waddaniga ah ee Beedka oo ka gil-gishay eedaymo loo jeediyey, shacabkana baaq u diray

Hargeysa (SLpost)Cabdillaahi Cabdi Jaamac oo ah Mulkiilaha Shirkadda Cabdi Jaamac Poultry Furm oo ka tirsan Saamileyda ama Iskaashatada Shirkadda Beedka Digaagga Somaliland ee SOM Poultr, ayaa ka jawaabay eedaymo ay iskaashatadooda u jeediyeen qaar ka mid ah Xubnaha Beedka ka soo dhoofin jiray Dalka dibeddiisa, ka dib markii uu hirgelay Ganacsiga Beedka ee ay magaalooyinka u qaybiyaan oo ay ka soo saaraan Digaag ay dalka gudihiisa ku dhaqeen ama Beereen.

Waxa uu Cabdillaahi Cabdi Jaamac oo qaar ka tirsan Warbaahinta Isniintii Maanta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa Beeniyey eedaymaha ay u jeediyeen Ganacsatada dalka dibeddiisa Beedka ama Ukunta Digaagga ka soo waaridi jiray oo ku dooday in la joojiyey Beedkii ay dibedda ka keeni jireen, sida dalalka Yemen, Itoobiya iyo meelo kale, iyaga oo Ganacsatadaasi ku doodaya inaanay kuwa Gudaha dalka Digaagga ay ku dhaqeen Beedkiisa iibiyaa ku filnayn dalka, isla markaana dabooli karin baahida Beed ee jirta, qiimaha Beedka la soo dhoofiyey ay ku iibin jireenna ka jaban yahay ka ay Iskaashatada guduhu ku iibiyaan, taasina ay tahay wax lala yaabo sida ay ku doodeen Ganacsatada Beedka dibedda ka soo dhoofin jiray.

Hase-yeeshee, Cabdillaahi Cabdi Jaamac, waxa uu ku dooday inaanay eedaymahaas waxba ka jirin, sidoo kalena ku dooday inaanu jirin qiimo qaali dhaaf ah oo ay Beedka ku iibiyaan, isla markaana uu Beedkoodu yahay mid Caafimaad ahaan iyo Tayo ahaan ka fiican Ukunta dibedda laga soo dhoofin jiray oo xumaan jirtay, qiimo qaali ah oo ay ku iibiyaanna jirin.

Waxaannu Mulkiilaha Cabdi Jaamac Poultry Cabdillaahi Cabdi Jaamac oo arrimahaas iyo kuwo kale oo la xidhiidha ka hadlaya, sidoo kalena ka jawaabaya Su’aalo ay Weriyeyaasha qaarkood ka weydiiyeen xaaladda Beedkooda ku saabsan iyo ka dibedda laga soo dhoofiyaba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-