Somalilandpost | News and Analysis

SOMALILAND: Sababaha, Saameynta Iyo Seeteynta Sarrif Bararka (Qeybta Koobaad) – W/Q: Ahmed Cabdilaahi Cumar (Diini)

HORDHAC

Qormadeenii hore wax aynnu kaga hadalney Isirrada ugu waa weyn ee loo aaneeyo in ay sababeen Sicir Bararka iyo saameynta taban ee kor u kaca Sicir Bararku ku yeeshay heerka nolosha danyarta, shaqaalaha, dawladda, macalimiinta, askarta, ganacsatada heerka hoose/dhexe, dakhliga iyo kharashaadka dawldadda iyo koboca dhaqaalaha qaranka guud ahaan. Sidoo kale wax aynnu soo jeediney habka ugu haboon ee loo xakameyn karoama loo seeteyn karo dhibaatada sicir bararka. Qormadeenan maanta wax aynnu kaga hadli doonaa qaybt koobaad sababaha iyo saameynta sarrif bararka ama qiima dhaca shillinka, qaybta labaadna habka ugu haboon ee loomaareyn karo qiima dhaca shillinka.

Sawir-DiiniMAXAA KEENAY SARRIF BARARKA/QIIMA DHACA SHILLINKA.

Qiime dhaca shillinka ku yimi marka loo eego lacagaha qalaad, gaar ahaan Doollarka oo ah minqiyaaska ugu weyn ee Sarrifka lacagta, wax loo aaneeyaa in ay keeneen Doollar yarida suuqa soo wajahdey iyo Lacagtii shillanka ahayd ee xukuumaddii hore soo daabacdey, iyada oo aan ku salayn baahida iyo sahayda suuqa . Doollar yaridaas, waxaa xudun u ah Isku-dheellitir la’aanta Xaddiga Dhoofinta iyo Soo-dejinta (Balance of Payment and current account deficit). Wax hoos u dhaca ku yimi dhakhligii dhoofinta xoolaha laga heli jirey, lacagtii xawaalladaha iyo tii hay’adaha caalamiga ah dalka soo galin jireen. Waxa intaas raacda, jahwareerka ama xasilloonidarradii uu ku sifaysnaa suuqa ganacsiga/maalgashigu, ka hor iyo kadib safar kii dheeraa ee doorashadii 13 November, 2017 iyo abaaraha dabada dheeraadey ee saameynta ku yeeshay wax soosaarkii waddaniga ahaa iyo kharashaadka dawladda ee aan laga fuudhyeelin baahiyuhu sida ay u kala mudan yihiin. Taa cakiskeeda wax aad u kordhey wax aynnu soo dhoofsano iyo lacagtii adkeyd ee diba inooga baxasay. Tusaale ahaan sannadihii 2011-2015 sonkorta dibada laka keenay wax ay korodhay 56.5%. Bariiskuna 22.1% iyo daqiiqda oo korodhay 96.3% sidoo kale khudaarta inooga timaadda Ethiopida 57% intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2015 (xogta maamulka dekedda Berbera iyo Wasaaradda qorsheynta SL). Taa waxa soo raaca arrinta gansiga qaadka ee ah in lacag doollar ah Ethiopia lagaga keeno, lacagta adage e Shirkadda DP World dalka ka saarto iyo Dawladda oo lacag adag sannad walba dalka kasaarta, iibsiga gaadiidka iyo mishiinada oo kaliya ayaa Miisaaniyaddii 2017 loogu talagaley lacag qadarkeedu yahay $ 1,035, 000 sidoo kale Xukuumaddii hore wax ay diiradda saartey dhismayaasha iyo mashaariicaha la xidhiidha kabayaasha-dhaqaalaha kuwaas oo badi qalabkii iyo gaadiidkii loo isticmaaley lacag adag dibadaha lagaga soo’iibiyey, taasina wax ay sii xoojisey isku-dheellitir-la’aanta xaddiga dhoofinta iyo soo-dejinta.Issirka kale ee mihiimka ahi waa qaab dhismeedka nidaam ganacsiyeedkeenna. Somaliland ganacstada ugu waaweyni waxa ay ku howlanyihiin wax soo dejin ama hawlo ganacsi oo aan dalka soo gelineyn lacagta qalaad.

Saameynta Sarrif bararka

 

Tayo beelka ku yimi shillinka labadii sanno ee u dambeeyay, waxuu si taban u saameeyay dhaqaalaha qaranka guud ahaan. Marka aynu eegno natiijada halbeegga qiimaha iibsadaha       (CPI) ee ay soo saartay waaxda Statistics-ka ee wasaaradda qorsheynta Somaliland January 2013 ilaa December 2017, waxa ay ina tusinaysaa dhammaan wakhtiyadii la cabbiray halbeegyadaas in qiimaha cuntooyinka uu mar walba aad uga sarreeyay waxyaabaha aan cuntooyinka ahayn. Sannadkii  2016 ilaa 2017, qiimaha cunnadu waxuu ahaa mid aan marna saldhigan.Tusaale ahaan, halbeegga qiimaha cuntada ee December 2017, waxa uu ahaa 166.11, halka sannadkii ka horreeyay ee December 2016 uu ka ahaa 140.6. (CPI report 2017).

 

Marka aynnu eegno natiijada halbeegga qiimaha iibsadaha(CPI), waxa inoo caddaaneysa in  Somaliland uu ka jiro Sicir-barar Maciishaddeed oo aad u sarreeya taniyo markii aynu lasoo noqonay Madaxbanaanideenna, mushkiladda Sicirka iyo Sarrif Bararaku way soo jireen, laakiin qiimaha maciishaddu taariikh ahaan wax uu kor u kici jirey si aayar aayar ah, hasayeeshee seddexdii sanno ee u dambeeyay qiimaha maciishaddu aad ayuu sare ugu kacey,  mana jirto saansaan muujineysa hoos-u-dhac kale. Sicir bararka maciishadda ee wakhtigani, waxuu sababey in dhammaan qiimihii quutal-darruurigu si xawli ah sare ugu kacey, halka qiimaha cuntooyinka qaar ay libinlaabmeen wakhti aad u yar guddohood.Arrintaasi, waxa ay si taban u saameysay heerka nolosha qoysas badan, gaar ahaan kuwa danyarta ah.Tusaalle, sida dadka mushaharka yar qaata, iyo kuwa mushaharka ku qaata lacagta maxalliga ah (Askarta iyo Macalimiinta) iyo sidoo kale kuwa dhakhligoodu xadidan yahay markii dakhligii iyo mushaharkii ay waxba u go’ayn waayeen.waxkale oo ay horseeday in ay ka sii darto heerka saboolnimda dalkeennu.

“Cashuuraha siddeed-laabmay waa, saaca waayaha’e;

Safrad iyo shaqaalii wataa, suuqday gaajaduye,

Sacab iyo af kama soo hadhaan, silicay qaataane,

Sed kaleeto daayoo ma jaro, shilinku saabbuune”. GAARRIYE (AHN) – SAXANSAXO- (17/10/1987).

Ahmed Cabdilaahi Cumar (Diini)

Hargiesa Somaliland

diini129@gmail.com

0633030031

SOMALILAND: SABABAHA, SAAMEYNTA IYO SEETEYNTA SARRIF BARARKA( Qeybta labaad)

SEETAYNTA SARRIF BARARKA

 

Guddidda Sicir Bararku wali wax lataaban karo ka may qaban arrintii Sicirka iyo Sarrif Bararka. wax aad moodaa in midkoodna aannu baran maadada dhaqaalaha 101. Taasina waa ta keentay in ay awoodi kari wayaan in ay si cilmiyeysan oo gundheer u lafo-guraan sababaha aasaasiga ah ee Sicirka iyo Sarrif Bararka. Shaqadoodii wax ay ku koobeen dhiirigelinta isticmaalka shillinka iyo Adeega Moobilada Lacagta. Isirro badan oo loo aaneynayey in ay yihiin sababaha aassaasiga ah ee keenay ama dabka ku sii huriyey Sicir Bararka iyo Korodhka maceeshadda weli kamay hadal.In ay ka hadlaanba ha joogtee qaarkood wax ay dhawr jeer ka dhawaajiyeen oo muuqbaahiyeyaasha la soo horfadhiisteen in aan dalka Sicir Barar ka jirin ee wax keliya ee jiraa yahay qiima dhaca ku yimi shillinka maxalliga ah. Arrintaasina wax ay inoo iftiimineysaa in xittaa aanay ka war heyn warbixinta xaga sare aynnu ku xusney eenatiijada halbeega qiimaha iibsadaha (CPI report) ee ay soo saartay waaxda Statistics-ka ee wasaaradda qorsheynta Somaliland oo kamida xukuumadda ay ka tirsanyihiin.Sidaa daraadeed wax aan ku talin lahaa in la joojiyo arrintan dhaqanka inoo noqotey ee haddii mushkiladdi inagu timaado guddi aan aqoon lagu xulin loo saarayo iyada oo hay’ado dawladeed oo arrimahaa ku shaqo lehi jiraan.

Xukuumaddu si ay arrintan u xakameyso wax loo baahnaa inta aanay go’aamo soo saarin in ay samayso xog-raadin tifatiran, deraasad hufan iyo cilmibaadhis dhamays ah oo lagu qaadan karo go’aamo midho-dhal ah oo saameyn togan keena, iyada oo kaashaneysa xeeldheerayaal iyo aqoonyahanada ku talaxtagay ee ehelka u ah cilmiga  dhaqaalaha. Sidoo kale in ay casharo ka barato go’aanadii Xukuumdadihii ka horeeyay sida ay u shaqeeyeen iyo caqabadahii ka horyimi.Tusaale ahaan Xakuumaddii Madaxweyne Cigaal ayaa si ay u xakameyso sicir bararka wax ay go’aamisey in ganacsatadu badeecaddaha ay dibadda ka keenaan shillin ku iibiyaan, marka alaabta ay keenaan dhammeeyaanna uu baanka dhexe  doolar ugu bedeli doono taasina wax ay keentay in ganacsatadii wixii ay shillin ku iibiyaanba ay si dhakhso ah baanka uga doontaan in uu doolar ugu bedelo si ay khasaaraha sarrifku keeno isaga ilaaliyaan maadama shillinka qiimihiisu aannu fadhiyin oo aad isu bedbedalayey. Hasayeeshee waxa dhacdey in baanka dhexe u waayo lacag adag oo kafeysa baahida lacageed ee ganacsatadu u baahantahay maadaama baanka dhexe wax kayd ah aanu lahayn.

 

Mar kale waxaa dhacdey in Cali Warancadde oo ahaa Wasiirka Ganacsigu uu soo jeediyey in ascaarta qiimo loo gooyo, taas oo marka cilmiga dhaqaalaha la eego aan ahayn mid suuro gal ah. Hasayeeshee Dawladdu isku dayday in ay socodsiiso.Arrintaasi waxa ay ahayd mid dawladdu ku degdegtay iyada oo aan dhinaca aqoonta dhaqaale iyo suurogalnimada ka eegin.Sicir bararkii wuu sii balaadhey, ascaartii dawladdu goysayna wax ka garab bilaabmey ascaar suuqu gooyey.Waxa la gaadhey heer marka aad mukhaayad cunto u soo fadhiisato lagu yidhaa ma bariis Warancadde ayaad rabtaa mise bariiskii caadiga ahaa.Haddaad tidhaa bariis Warancadde waxa lagu soo hor dhigayey nafar bariis ah oo sidii biyaha looga soo saarey ah iyada oo aan xataa saliid lagu darin. Marka ka caadiga ah aad dalbatana wax aad helaysay bariis dhadhan leh oo suugo iyo sanuunadi u dhan tahay, lacagtuna qaddimaad ayay ahayd.
Sidoo kale iyana waxa aynnu u soo joogney in xukuumaddii Kulmiye ee hore ay tiraba dhawr jeer ay soo saartey go’aamo lagula tacaalayo qiime-dhaca shillinka maxaligga. Dhammaan go’aanadaasi wax ay noqdeen hal bacaad lagu lisey, qaarkoodna iska daa in ay maaro u noqdaan mushkiladda sicirka iyo sarrif bararka lakiin way uga siidareen xaalkuna wax uu noqdey“Kud ka guur oo qanjo u guur”.Tusaale ahaan 24/1/2017, shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha wasiirada Somalilaland, wax ay soosaareen dhawr iyo toban qodob oo ay sheegeen in ay u arkaan xalka sicirrka iyo sarrif bararka labadaba. Qodobadaas wax ka mid ahaa qodob odhanaya “in aan sarrifka Doollarku dhaafi Karin 7000 SL.sh”.arrintaasi wax ay keentey sarrif bararkii in uu sii balaadho, sidoo kalena wax ay abuurtey suuq madow oo sarrifkii markii hore taagnaa 10,000 SL.sh uu gaadho ilaa 11,000 SL.sh, sarrifkii dawladdu goysayna wax ka garab bilaabmey sarrif suuqu gooyey.

 

Xalka degdegha

Sida ugu dhakhsaha badan waa in bangiga dhexe uga madax banaanaado xukuumadda, loona sameeyo Guddi (board) lagu soo xulay aqoon iyo waayo aragnimo oo aaney ku jirin ganacsato iyo siyaasiyiin  sidii hore u dhacdey. Haddiihore loogu tilmaamijirey bakhaar dawladdu lacagta dhigato, kanala baxdo.Waa in laga hawlgalo awoodeynta bangiga iyo abuuuridda kalsoonida shacabka iyo ganacsatadu sidii lacaggohooda u dhigan lahaayeen.

 

Inkasta oo aynaan keyd lahayn, haddana dayn iyo deeq mid ay noqotaba Xukuumaddu, iyada oo sii marineysa Baanka Dhexe ee SL waa in ay Raasammaal ku talaashaa dhaqaalaha dalka si loo xasiliyo shillinka maxaliga ah, la isaguna ilaaliyo ama la isugu miisaamo shillinka iyo doollarka, maadama aynnu isticmaalno labada lacagoodba (dual cuurency).

 

Mustaqbalka dhow.

waa in bangigu ka hawl galo sameynta iyo dejinta xeerarka iyo shurrcda maaliyadda iyo lacagta sida:- financial Instituions Act, foreing exchange act

 

Bangiga dhexe waa in uu hirgaliyo waax u qaabilsan sarrifka lacagaha iyo suuqa lacagta, Tani wax ay keenaysaa in bangigu si buuxda u xakameeyo suuqa sarrika iyo sarrifleyaasha.

 

Banigaga dhexe waa in uu dajiyo istaraatiijiyad iyo siyaasado uu ku faragelin karo suuqa sarrifka lacagaha qalaad.Taasi waxa ay meesha kasaareysaa in sarrifka lacagtu noqdo mid laga ganacsado oo tartan hawaawi ah loo galo (Currency Speculation).

 

Mustaqbalka fog

 

Sida mushkuladu u adagtahay, waa wakhtigii ugu haboonaa ee aynnu si dhab ah ugu qaabeyn lahayn gun iyo baar qaab dhismeedka dhaqaaleheena. Saldhigasho la’aanta xaddiga sarrifku wax ay sicad inoogu tilmaameyssaa in dhaqaaleheennu u baaahan yahay in la balaadhiyo wax aynnu dhoofino iyo in ayynnu hoos u dhigno dhammaan wax yaabaha aan daruuriyaadka ahayn ee aynnu soo dhoofsano, si loo hakiyo lacagta adag ee innagaga baxda. Waxaa kale oo jira badeecooyin daruuriya oo u baahan in laga ilaaliyo in xadi dhaaf lagu keeno sida alaabta dhismaha, gaadiidka, iyo cuntada qasaacadeysan.

 

waa in xal loo helo arrinta gansiga qaadka ee ah in lacag doollar ah Ethiopia lagaga keeno iyo in laga shaqeeyo sidii xayiraadda xoolaha looga qaadi lahaa suuqyo cusubna loogu raadin lahaa.

 

Mustaqbal ka fog si aynnu hoos ugu dhigno ku tiirsanaanta xoolaha nool oo kaliya, waa in Dawladdu imika sii dejiso istaraatiijiyad iyo siyaasado ku qotoma sidii qaab dhismeedka dhaqaaleheena aynnu uga dhigi lahayn mid kala duwan.

Ahmed Cabdilaahi Cumar (Diini)

Hargiesa Somaliland

diini129@gmail.com

0633030031

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE