Somaliland: $5 Milyan oo loo qorsheeyey Biyo-gelinta magaalada Laascaanood

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay adduun dhan 5 Milyan oo Dollar u qorsheysay biyo-gelinta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Wefti uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in xukuumaddiisu qorsheysay in biyo nadiifa loo helo Xarunta gobolka Sool.

HOL

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa in dhaqaale dhan 5 milyan oo dolar oo horumarin ah dawladu uga qoondaysay sidii biyo loogu heli lahaa magaalada Laascaanood,” Waxa sidaa yidhi Wasiir Koore oo ka hadlayey munaasibad soo dhaweyn ah oo isaga iyo weftigiisa loogu sameeyey Hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood.

 

Wasiirka iyo weftigiisa oo si heer sare ah loo soo dhaweeyey oo boqolaal gaadiid ah ay ka qayb qaateen waxa uuu dadweynaha ugu bushaareeyey in guri kasta la gaadhsiin doono biyo gelin.

 

Masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo oo soo dhoweynta ka qayb ahaa ayaa waxay sheegeen in ay baahida biyood ee degmada ka jirta ay Sabab u tahay sida buuxda ee loogu soo baxay soo dhoweynta Wasiirka Biyaha Somaliland.

 

Qaar ka mid ah waxgradka gobolka Sool, ururrada bulshada oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey Wasiir Koore waxaanay xusayeen in ay ka rajeynayaan xal u helista baahida biyood ee degaankooda ka jirta.

 

Baadigoobka biyo nolosha ku haboon oo soconayey labaatankii sano ee la soo dhaafay laga wadey magaalada Laascaanood taas oo ay wasiiro badan oo hadana degaankan ka soo jeeda ay ku guuldaraysteen ayaa haatan la is weydiinayaa Koore ma ku guulaysan doonaa.

 

@HOL