Somalilandpost | News and Analysis

Sidee lagu daaweyn karaa xanuunnada cunta xumada?

hargiesa(SLPOST) Inta badan dhallinyarada ay haysato dhibaatada wax cunista waxay sheegayaan in dhaqaatiirta aysan garaneyn sida looga caawiyo arrintaasi.

Waxaa arrintaasi lagu sheegay cilmi baaris cusub oo ay sameysay hay’ad lagu magacaabo Beat.

Hay’adda waxay ka digeysaa in bukaanada qaar ay ka weecdaan dhaqaatiirta iyo dadka sida gaarka ah ugu taqasusay xanuunada caloosha iyo wax cunid xumada.

Waxay sheegayaan in ay muddo qaadan karto in la ogaado xanuunka qofka haya

Laura Zuber oo 22-sano jir ah waxay sheegtay “Waxaa la igu dhahay, iska cun. Si cad umeysan fahmin waxa aan rabo”.

Balse dhaqaatiirka waxay sheegayaan in shaqo adag loo baahan yahay, waqtigana uu aad ciriiri u yahay, ay adkeynayaan in la daaweeyo wax cunid xumada oo ah arrin “aad u adag”.

Hay’adda Beat waxay sheegtay in xilli dhaqaatiir badan ay bixinayaan daaweyn fiican, dad badan aysan raacin talada, ayadoo dhibaatada ay u baahan tahay in wax laga qabto.

Inta badan dadka qaba xanuunada wax cunid xumada waxa ay da’dooda u dhexeysaa 14 illaa 25 jir.

Dadka qaar ayaa qabo dhibaatooyiin ah inay aad wax u cunaan oo aysan dhergin, ama is ogeyn inay cuneen iyo in kale.

Dhaqaatiirka ku taqasusay cudurada maskaxda ku dhaca waxay sheegayaan in faragelin xilli hore oo lagu sameeyo bukaanada ay wanaajineyso inay soo kabsadaan ama caafimaadaan.

Wasaaradda caafimaadka ee UK waxay ku talineysaa in dhaqaatiirta oo dhan la siiyo tababar ku saabsan cudurada maskaxdaLahaanshaha sawirkaTHINKSTOCK
Image captionWasaaradda caafimaadka ee UK waxay ku talineysaa in dhaqaatiirta oo dhan la siiyo tababar ku saabsan cudurada maskaxda

Hay’adda sameysay baaritaanka waxay la hadashay 1,700 oo qof oo qaba xanuun wax cunid xumo ah ama saaxiib dhow la ah qof xanuunkaasi qaba.

Cilmi baarista waxay soo jeedineysaa in mid ka mid ah seddaxdii qofba uu dareemayo in dhaqaatiirta guud ay garteen sida loo daaweeyo.

Sidoo kale, mid ka mid ah lixdii qofba, wuxuu joojiyay inuu dhaqaatiirta guud arko ama uu weydiisto inay daawo u qoraa

Madaxada hay’adda Beat, Andrew Radford wuxuu yiri: “Waa dhiiragelin fiican in qof aan waxba cuni karin ama aad wax u cuna uu isa soo bandhigo, qofka ugu horeeya ee ay arkayaanna uu yahay dhaqtar guud, ayna dhibaato tahay inay ka waayaan waxa ay u baahan yihiin”.

‘Anigu caato ma ahayn’

Markii ay 16 jirka ahayd, Laura Zuber, aad ayey u buurneyd, dib ayey ka bilowday inay is caateyso.

Markii ay 22-jirka ahayd waxay lumisay culeys aad u badan waxaana loo sheegay inay dhaqtar u baahan tahay si loo daaweeyo.

Laura Zuber
Image captionLaura ka hor intaysan xanuunsan

Waxay noqotay caato saa’id ah, xittaa sariirta kama aysan kici karin.

Xittaa waxay joojisay inay xirato katiinad dahab ah ama faraanti, sababtoo ah culeys ayey ku ahaayeen.

“Markii aan u tagay dhaqtarka ee aan u sheegay sidaan ahay, way i miisaameen waxayna igu dheheen caato ma ahid”, ayey tiri.

Haddii xilli hore la ii gudbin lahaa dhaqaatiirta cilmu-nafsiga xaaladeyda ma xumaateen”, ayey hadalkeeda raacisay.

Maxaa la bedeli karaa?

Hay’adda Beat waxay ku baaqeysaa in ardeyda jaamacada dhigta ee caafimaadka baranayo la siiyo tababaro la xiriira qaabka wax cunid xumada loo daaweeyo.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta da’da yar wuxuu sheegay in laba saacadood oo keli ah la baray la tacaalidda qaabka cuntada, shantii sano ee uu jaamacadda uu dhiganayay.

Dalka Britain oo kale, wasaaradda caafimaadka waxay dalbaneysaa in si wanaagsan wax loo baro dhaqaatiirta si ay wax uga ogaadaan arrimaha cunta xumada.

Sidoo kale waxay doonayaan in dhaqaatiirta cilmu-nafsiga loo gudbiyo qofkii la garan waayo sida ay xaaladdiisa tahay

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE