Sidee ayeynu u Soo dhowaynaa Soonka?

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Waan salaamayaa dhamaan akhyaarta meelkastoo ay joogaan,
Alle subxanahuu wa tacaalaa isaga ayaa kala fadilay waqtiyada,markastana alle khayrka ayuu inoo soo celceliyaa si aan uga faa’idaysano.
Ilaahay siduu dadkaba u kala doortay ayuu waqtiyadana u kala doortay, muslimkana waxaa la gudboon in uu ka faa’idaysto waayo waa maalmo aan soo noqon doonin.
Adduun waa maalmo tirsanoo ee Alle ha ina waafajiyo sida khayrku ku jiro adduun iyo aakhiroba.
Sidaynu ognahay waxaa maalmo tiro yari ka dhimanyihiin bishii barakaysnayd ee ramadaanta,Ramadaanu waa rukni ka mid ah shanta rugni ee islaamka Allena wuxuu yidhi”Waxaa laydunku waajibiyey soonka bisha Ramadaan sida loogu waajibiyey kuwii idinka horeeyey”.
Soomalidu aad ayey ugu diyaargaroobi jireen waayadii hore waxayna qaadin jireen shalaadyo kala duwan sida,”marxab marxab yaa ramadaan marxabbaa bika yaa ramadaan”,
laakin maanta waxaad mooda inay bishu soo galayso iyadoo la mooganyahay wayna yartay
Walaalayaal maxaa waqtiga ka dheerayn badan,shalay ayeynu macasalaamaynay bishii hore maantana waatan ramaddaan,qofka wanaagsani waaka ka faa’idaysta waqtiyada wanaagsan ee allena aqbalo ducooyinka iyo cibaadadaba,fariidku wuu isdiyaariyaa intaan la soo gaadhin,haddaba bishani waa bil barakaysan khayraad badanna leh oo waxaa kujiraa habeenkii laylatul qadriga.
Sidaynu haddaba soonka iskugu diyaarinnaa?
1. Diyaarinta Naftaada,Waxaa mudan in qofku qalbigiisa galiyo in bishii barakaysnayd soo galayso,booska waxkasta laga xukumaana waa niyadda,Imaamu Axmed wuxuu wiilkiisa u dardaarmay”Waar khayrka niyada gali,intaad khayrka niyada ku haysid khayr waayimayside”.
Waxaa is waydiin muddan adigu maxaad bishan ramadaan niyeysatay?ma inaad iska soonto uun mise inaad guntiga dhiisha iskaga dhigtid oo aad khayrka ka faa’idaysatid?
2. Mahadnaq,Waa in aad alle ugu mahadnaqdaa in uu ku soo gaadhsiiyey bisha ramadaan, Alle wuxuu yidhi”Haddaad mahadnaqdaan waan idiin siyaadin”Waa in markasta aan alle u mahadnaqnaa waayo nimco ka wayni ma jirto in alle ramaddaanta ku soo gaadhsiiyo.
3. Farxad,Wa inaan ku faraxnaa dhalashada bisha ramadaan, waayo waa bil barakaysan, khayraad badan ku dhex jiro markaas waxay muddantahay in la soo dhoweeyo oo lagu farxo  Nebiguna wuxuu yidhi Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee”Waxaa idiin yimid ramadaan,bil barakaysan allena idinku waajibiyey soonkeeda,albaabada Jannadaa la furaa,Jaxiimana albaabadeeda la xidhaa,
 Shayaadiintana waa la xidhxidhaa, waxaa ku jirta habeen ka khayr badan kun bilood,qofka khayrkeeda laga xarimay waa laga xarimay”.
Alle wuxuu yidhi”Waxaad ku tidhaahdaa galadda ilaahay iyo naxariistiisa ku farxa taas ayaa idiinka khayr badan waxaad ururinaysaane”,
laakin waxaa jira dad badan oo alle aan ka cabsan kana xanaaqa bisha ramadaanta,waxaanad arkaysaa marka la soomo iyagoo alle caasiyaaya soonkuna aanu u xidhnayn.nacasnimo ka wayni ma jirtoo iyadoo khayrkaa ilaahay u afxidhanyahay ,cibaadaysaanaayo inaad adigu alle caasidid amarkiisana diidid.
4. Duco, Ku ducayso in Alle ku gaadhsiiyo bisha barakaysan,Dadkii hore ee salafka ahaa waxay odhan jireen allow ramadaanta na gaadhsii oo naga yeel kuwa sooma lagana aqbalo,Ibnu mucalla ibnu Fadli wuxuu yidhi”Saxaabadu waxay ahaayeen kuwo lix bilood alle ka barya in uu gaadhsiiyo ramaddaanta”.
Allena wuxuu leeyahay”I baryaa waan idin ajiibiye,kuwa cibaadaday iska kibrinayaa waxay gali doonaan Jahannama iyagoo dulaysan”.
Imisaa bishii hore soomay oo aan bishan adduunka joogin,immisaa xanuuno la jiifa oo tahli kari waayey inay bishan soo socota u sii diyaar garoobaan bishana soomaan?
Waa tiro aan la koobi karayn markaas waxa haboon in alle laga tuugo in bisha ramaddaan ina gaadhsiiyo kuwii ka faa’idaystana Alle innaga yeelo.
5.Go’aan Qaadasho,Bishan wa inaad go’aansataa inaad khayrka ka dheregtid,waa bishii lakala tegi jiray markaa waa inaan masaajidada camirnaa ,quraanka akhrinaa,khayrka dadka farnaa,xumaanta ka waaninaa,sadaqada bixinnaa,ummadda sharkeena ka haysanna,intaas oo dhami waxay u baahantahy go’aan geesinimo leh.
Allena wuxuu yidhi”Haddaad go’aansato Alle talasaaro”.bishani wa bishii isbedelka,ku tala gal inaad noqotid midka ka faa’idaysta,haddii walaal tii hore ku dhaaftaya tan ayaa alle fursad kuu siiyee ka faa’idayso.
6. Barashada Axkaamta Soonka,Waxaa la gudboon qofka intaanu soomin in uu barto waxa alle ka rabo,haddaad intaad iska afxidhnaato haraad iyo gaajona u dhimato,oo aanad ka warqabin waxaa kaa khaldan iyo waxaa kuu saxan waa biyo coldhaanshay soonkaagii.soonku dhinac ka raacin iyo ummaduba waa soontee aan soomo kuma ansaxee axkaam iyo shuruudo leeyahay,kuwaas ayaa u baahan in la barto.Allenu wuxuu yidhi”Haddaydaan garanayn waydiiya kuwa yaqaan”.
7. Tawbadda,Waxaa qofkasta la gudboon in uu alle bishan u soo noqdo kana soonoqdo dhamaan danbiyadii uu kujiray,Alle wuxuu yidhi”Dhammaan kuwa alle rumeeyow Alle u soo noqda,waxaad mudantihiin inaad libaantaane”.
8. Akhriso Taariikhda,Akhriska taariikhda dadkii hore waa shidaalka ku geynaayaa halkaad doonayso,markasta u fiirso oo akhri taariikhda asxaabtii rasuulka iyo siday uga faa’idaysan jireen bisha ramaddaan iyo waqtiyada kale ee qaaliga ah.
9.Saxiib Wanaagsan,markasta isku day inaad ka agdhowaato saaxiib wanaagsan oo alle ku xidhan,waxaad arkaysaa mararka qaar dad ku leh oo awel ma ramaddaan soo galaysay caawa,
dadka wanaagsani markasta khayrka ayey iska sii waraystaan jadwalona u samaystaan,saaxiibka xuni karkaarka ayuu ku waydaarinayaayee hala saaxiibin. Qofkastaana qofka uu ka agdhowyahay ayuu la dabeecad iyo la dhaqanyahay.
10. Dacwadda,waa inaad dadka khayrka ugu yeedhaa aad ku guubaabisa inay u diyaargaroobaan bisha barakaysan.inaad khayrka la jeclaato dadka aad jeceshahay waa shay alle ina faray,Alle wuxuu yidhi”Kuwa alle rumeeyow naftiina iyo ehelkiinaba ka badbaadsha naarta”.
Guntii iyo gabagabaydii waa inaynu ogsoonaana inay bishani tahay bil shaqo oo u baahan in lagu camirto khayrka noocyadiisa kala duwan,dadka qaar ramadaanta lahwi iyo bilaa macne ayey ku camirtaan iyagoo leh waa ramaddaan oo waqtigeedu dheeryahay ayeynu isku dhaafinaynaa,
dadka qaarna wayba seexdaa,salad iyo cibaadona lama yimadaan waqtigana hurdo ayey ku camirtaan, kuwaasi tolow miyeyna ogayn in waqtiga ay is dhaafinayaan cimrigoodi yahay? Aan alle ka cabsanno oo isu diyaarino bisha barakaysan,ilaahow na gaadhsii bisha ramadaan nagana yeel kuwa ka faa’idaysta allena uu ka aqbalo soonkooda.aamiin aamiin.
Abdinasir Hassan Macallin.