Shakhsiyaad iyo Ururro laga yaqaano Dhulka Soomaalida oo laga Xayiray Hantidooda iyo Socdaallo ay dibadda ugu baxaan – QAYBTA 1AAD

New York, 1 March, 2012 (SLpost)- Bishii hore daba-yaaqadeedii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo saareen liiska shakhsiyaad iyo hay’ado lagu tiriyey inay yihiin ama xidhiidh la leeyihiin ururrada loo yaqaanno Argagixisada, kuwaas oo bulshada Caalamku meel uga soo wada-jeeddo sidii looga hortagi lahaa waxyeelladooda.

Hordhicii Qormooyinkan Taxanaha ah, waxaanu ku soo qaadannay go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo sannadkii 2010 soo saaray qaybtii hore ee Liiskan oo ay ku jiraan isla shakhsiyaadka iyo urrarada ku jira qaybta dambe ee Liiskan oo soo baxay bishii February ee sannadkan, balse ku kala duwanaa dhanka kala horreynta iyo muhiimadda ay siinayaan.

Liiskan ay Qaramada Midoobay u aqoonsatay inay ka tirsan yihiin ama xidhiidh la leeyihiin ururrada la dhalleeceeyo ee caalamka ka jira waxa lagu soo koobay 12 isugu jira shakhsiyaad iyo ururro laga yaqaano dhulka Soomaalidu Degto, waxaana ka mid ah oo ugu horreeya:

Al-SHABAAB oo ah koox dhawaan la midowday urur-weynaha Al-Qaa’cida kana hawl-gasha dalka Soomaaliya, Yaasiin Cali Baynax, Xasan Daahir Aways, Xasan Cabdilaahi [Xasan-Turki], Axmed Cabdi aw-Maxamed, Fu’aad Aadan Khalaf (Sanqoole), Bashiir Maxamed Maxamuud, Maxamed Siciid Atom, Fares Maxamed Manaa, Xasan Mahad Cumar, Cumar Hammaami iyo ugu dambeyntii Cali Axmed Nuur Jimcaale oo ah ganacsade weyn oo la yaqaano.

Haddaba, akhriste waxaanu si taxane ah idiinku soo gudbinaynaa taariikh nololeedka, sababaha lagu eedeeyey iyo hawl-galladii la ogaaday inay sameeyeen shakhsiyaadka ama ururrada laga xannibay hantidooda iyo Socdaallada ay dibadda ugu bixi lahaayeen.

Warbixinta Golaha Ammaanka QM ayaa ku bilaabmaysa sidan:

(1) AL-SHABAAB: Kooxdani waxay faraha kula jirtaa ficillo si toos ah ama si dadban khatar ugu haya nabadda, ammaanka ama deggenaanshaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin balse aan ku koobnayn; ficillo ka hor-imanaya heshiishkii August 18, 2008 lagu gaadhay magaalada Jibuuti, ama hannaan-socodka siyaasadda, Shaqooyinka hay’adaha kala duwan ee DKMG ee Soomaaliya, Hawl-gallada ciidamada AMISOM ama ugu dambayntii hawl-gallada nabad-ilaalinta caalamiga ah ee la xidhiidha Soomaaliya.

Al-Shabaab sidoo kale caqabad ku noqotay gar-gaarkii bani’aadanimo ee Soomaaliya iyaga oo horjoogsaday in dalkaas gudihiisa laga hawl-galo ama gargaarka loo qaybiyo dadka tabaalaysan ee abaaruhu asiibeen.

Warbixin ku saabsan Xaalamadda Soomaliya oo Golaha Ammaanku 20 July, 2009 u gubiyey Xoghayaha Guud ee QM kana hadlaysay hawl-gallada Al-Shabaab ee gudaha Dalka Soomaaliya ayaa u dhigneyd sidan:

‘Kooxaha Kacdoonada awada, sida Al-Shabaab, waxa lagu eedeeyaa inay lacago ka helaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxaanay Dhalinta da’da yar ku khasbaan inay ku biiraan dagaalka lagaga soo horjeedo Dawladda Muqdisho, iyaga oo weliba carruurta yar-yar Askarnimo u adeegsada. Al-Shabaab waxay caqiijiyeen inay la joogaan dagaalyahanno shisheeye ah oo ka qayb-qaata hawl-galladooda waxaanay si cad u sheegeen wada-shaqayn leeyihiin Al-Qaacida si ay dawladda xukunka uga tuuraan. Dagaalyahannada Shisheeye, oo sida la sheegayo badankoodu ka yimi dalalka Pakistan iyo Afghanistan, ayaa ah qaar si fiican u tabobaran isla markaana qaarkood Casharro u gudbiyaan dagaalyahannada kale ee kooxda.

Kooxda Al-Shabaab waxay xoojisay istaraatajiyad ay ku cadaadinayso kuna baqdin galinayso Shacbiga Soomaaliyeed, sida laga dhugan karo dilalka qorshaysan iyo xadhiiga ay kula kacday madax-dhaqameedka bulshada, kuwaas oo qaarkood la dilay. Sannadkii 19 June, 2009, waxa qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan oo booqasho ku tagay magaaladaas. In ka badan 30 qof oo kale ayaa iyaguna ku dhintay weerarkaas oo bulshada caalamka iyo Soomaalidu ay si xooggan u cambaareeyeen.

Sida lagu sheegay warbixin bishii December ee 2008 ka soo baxday Kooxda daba-galka hawlaha Soomaaliya ee Golaha Amaanka, Alshabaab waxay masuul ka tahay weerarro kala duwan oo ay ka fulisay gudaha Soomaaliya dhowrkii sanno ee ugu dambeeyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

– Dil loo geystay darawal Soomaali ah oo u shaqaynayey hay’adda cuntada adduunka ee WFP bishii September 2008.

– Qarxinta Suuqa ku yaala dawlad-goboleedka Puntland kaas oo galaaftay nolosha 20 qof kuna dhaawacmeen in ka badan 100 qof bishii February 6, 2008.

– Qaraxyo dhowr ah oo lala eegtay dhowr bartilmameed oo ku yaala caasimadda Somaliland, taas oo ay uga gol-lahaayeen inay khal-khal galiyaan doorashadii Baarlamanka ee sannadkii 2006.

– Dilal loo geystay dhowr ka mid ah shaqaalaha ajaanibka ah ee hay’adaha Samo-falka intii u dhaxaysay sannaddadii 2003 iyo 2004.

Sida lagu xusay warbixinta, Al-Shabaab waxay 20kii July, 2009 weerartay dhowr xarumood oo Qaramada Midoobay lahayd, waxaanay soo saareen go’aamo meelaha ka taliyaan ay ka mamnuuceen saddex hay’adood oo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Sida ay baabisay Idaacadda BBC 22 February, 2009, Al-Shabaab waxay sheegatay masuuliyadda weerar is-miidaamin ah oo baabuur waxyaabaha qarxa ka buuxaan lala beegsaday Saldhig ay Ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin Muqdisho. Waxa warkaas lagu sheegay, in AMISOM ay xaqiijisay dhimashada 11 ka tirsan ciidamadooda iyo dhaawac 15 gaadhaya.

Sida lagu xusay War ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters 14 July, 2009, Al-Shabaab waxay guulo ka gaadhay weerar ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah oo sannadkii 2009 ay ku fulisay ciidamada isugu jira kuwo Soomaali ah iyo kuwa Midowga Afrika.

War ay baahisay idaacadda VOA 10-kii July, 2009, Al-Shabaab waxa ku lug lahayd weerar lagu qaaday ciidamada Dawladda. Dhanka kale, Al-Shabaab, waxay dishay 11 ka tirsan ciidamada Burundi iyada oo sidoo kale dagaal magaaladaas ka dhacay ay ku dishay ugu yaraan 15 qof oo shacab ah.

(2) Yasin Ali Baynah: Waxa uu liiska kaga jiraa kaalinta labaad. Waa nin Soomaali ah oo wakhtiyo kala duwan ku noolaa magaalooyinka Rinkeby, Stockholm ee dalka Sweden oo uu dhalashadiisa haysto iyo magaalada Muqdisho. Waxa uu dhashay 24kii December, isaga oo ku dhashay magaalo aan la magacaabin oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Yaasiin Cali Baynax waxa uu dhiirri-geliyey weerarro lagaga soo horjeedo DKMG iyo hawl-gallada Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho. Sidoo kale, waxa uu sameeyey wacyi-gelin badan oo uu taageero iyo maaliyad ku raadinayo isaga oo ku hadlaya magaca Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Soomaaliya iyo ururka Xisbul Islaam, kuwaas oo labadooduba si firfircoon uga lug lahaa hawl-gallo khatar ku hayay nabadda iyo amaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inay diideen dib-u-heshiisiintii ka dhacday dalka Jabuuti, iyo weerarro lagu qaadayey DFKM iyo xoogagga AMISON ee Muqidsho ku sugan.

somalilandpost.net

kaafi20@hotmail.com

somalilandpost@live.com

LA SOCO QORMOOYINKA KALE………………