Saxardiid Jabiye: Abwaan Taariikh Fac weyn ku leh Fanka Soomaalida oo Hargeysa ku geeriyooday

Hargeysa (SLpost)- Allah haw naxariistee maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Abwaan Saxardiid aw-Maxamuud Cilmi (Jabiye) oo ka mid ahaa Abwaannada sida weyn looga yaqaano geyiga Soomaalida isla markaana taariikh weyn ku leh horumarinta Fanka Soomaalida.

 

Allah haw naxariistee, Marxuum oo muddooyinkii u dambeeyey Xannuun la jiifay, iyadoo dhawaan ka soo noqday safar caafimaad oo uu kicitay dalalka Turkiga iyo Hindiya, waxa uu saaka gelinkii hore ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

 

Allah haw-naxariistee Abwaan Saxardiid Jabiye oo ka mid ahaa Hal-abuurradii ugu horreeyey ee hormuudka ka ahaa bilowgii iyo horumarkii Fanka Soomaalida, isla markaana ahaa aasaasayaashii Kooxdii ugu Horeysay Fanka Soomaalida ee Walaalaha Hargeysa oo horaantii 1950-meeyadii laga aasaasay magaalada Hargeysa.

 

Abwaanka ayaa suugaan badan iyo riwaayado tiro badan sameeyey, waxa uu ka mid ahaa Hal-abuurradii ugu horreeyey faca weyn ku lahaa isla markaana ku suntan yahay suugaantii lagaga qayb-qaatay dabayshii xornimo-doonka ee 1960-kii xilligii uu Guumaystihii Ingiriisku fadhiyey Geyiga Somaliland. Suugaanta Caanka ah ee uu hal-abuuray Abwaanku waxa ka mid ahaa heesta AAN MAALNO HASHEENA MAANDEEQ oo ku luuqeeyaan Fannaaniinta uu ka mid yahay Allah haw naxariistee Maxamed Axmed Kuluc.

 

Allah haw naxariistee Abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye, waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Hargeysa sannadkii 1938-kii, waxaanu curinta suugaanta bilaabay isagoo da’diisu tahay 10-jir sannadkii 1948-kii sida uu ku sheegay xog-warran uu xilli la yeeshay Weriye ka tirsan warbaahinta Somalilandpost.net.

 

 

Muuqaalladan Hoose kaga Bogo Waraysiyo lala yeeshay Taariikhda Marxuum Saxardiid Maxamed Jabiye