Somalilandpost | News and Analysis

Qoraalo Siro Ah Oo Ay Is Daafsadeen Qaramada Midoobayn Iyo Xukuumadda Siilaanyo

Hargeysa (SL.Post)  Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay,  ayaa helay qoraalo muhiim ah oo ay isweydaarsadeen Qaramada Midoobay iyo xukuumadda Madaxweyne

 

siilaanyo

 

 

Siilaanyo, kuwaas oo la xidhiidha ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka.

 

Warqada koowaad waxa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo diray ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Raisodon Zenenga. Dhambaalka Qaramada Midoobay ee uu Geeska Afrika oo ku taariikhaysan 16 June 2016 waxa si toos ah loogu soo socodsiiyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxaanay Qaramada Midoobay walaac kaga muujisay xaaladda xad gudubyo ka dhan ah xorriyadda hadalka iyo saxaafadda oo Somaliland ka dhacay, kuwaas oo ay Qaramada Midoobay muujisay inuu dhaawacayo sumcada Somaliland ee ilaalinta xorriyatul qawlka.

 

Si gaar ah waxa ay Qaramada Midoobay qoraalkeeda ugu hal qabsadeen saxafiyiin bishii May lagu xidh-xidhay Berbera.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa jawaab ka bixiyay qoraalka ay Qaramada Midoobay u soo dirtay, waxaanu qoraalkiisa oo ku taariikhaysan 28 August si gaar ah ugu socodsiiyay ergayga qoraalka u soo diray ee xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay.

 

Haddaba, wuxuu wargeyska Geeska Afrika soo turjumay jawaabta Wasiir Sacad Cali Shire ee ku socotay Qaramada Midoobay oo uu kaga jawaabay meelaha ay Qaramada Midoobay walaaca ka muujisay, isagoo dhawr goor ku hal qabsaday guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu sheegay inuu wax weyn ka bedelay xadhigii saxaafadda loo gaysan jiray mudadii uu xilka hayay. Wuxuu Wasiirku ku yidhi qoraalkiisa “Waa ii sharaf inaan tix-raaco warqadda ku taariikhaysan 16 June 2016 ee ku saabsan warbixin hoos imanaysa awoodda Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Waan idiinka mahad celinayaa inaad ila soo socodsiiseen eedaha ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda hadalka ee aad ku sheegteen waraaqdiina. Waxaan idiin xaqiijinayaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’an tahay inay fuliso waajibaadka saaran si waafaqsan habraaca sharciyeed ee uu damaanad qaaday dastuurka qaran islamarkaana waafaqsan xeerka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

 

Marka la eego dhaxalka ay ka tagtay taariikhdu, gaar ahaan khibradda laga helay nidaamkii arxanka darraa ee Siyaad Barre, dadka iyo dadwladuba waxaay u arkaan xorriyadda warbaahinta inay u tahay tiir dhexaad dimqoraadiyadda, islamarkaana bulshada dimoqraadiga ah ee aanu soo dhisnay tan iyo 1991kii waa shay agtayada ku qaali ah oo ay naga go’an tahay inaanu sii haysanno. Sidaas darteed, waxa ii sharaf ah inaan xigto qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka oo siinaya qof walba xorriyadda aragtida iyo cabiridda aragtida oo ay ku jirto xorriyadda in qofku yeesho aragti iyada oo aan lagu faro-gelin, iyo inuu ka raadsado, ka helo oo ku gudbiyo xog iyo aragti warbaahinta.

 

Waxaan soo dhowaynayaa inaan idin kala hadlo idinka iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) dhacdooyinka aad ku sheegteen waraaqdiina aniga oo rajaynaya xaqiijinta xuquuqal insaanka dhamaan muwaadiniinta Somaliland. Kadib markaan la tashaday gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxaan halkan idin kula wadaagayaa xog ku saabsan jawaabta walaaciiina.

 

  • Dhacadooyinka ka dhacay Berbera dhamaadkii May, waxaanu ku faraxsanahay inaan idin ogaysiino in dhamaan suxufiyiintii ay dhaqso u sii daysay maxkamaddu kadib markii la ogaaday in xadhigooda aan loo marin sifo sharciga waafaqsan

 

  • Dhacdada ka dhacday 31kii May Laascaanood, waxaan idin la socodsiinaynaa in weriyihii telefiishanka dhaqso loo sii dayay iyada oo aan dacwad lagu soo ogin kadib markii la hor geeyey maxkamad.

 

  • Waxaanu sidoo kale jecelahay inaanu fursadan ugu faa’iidaysanno inaanu idin la socodsiino inaanay jirin suxufiyiin hada ku xidhan Somaliland.

 

Inkasta oo aannu idin la wadaagno walaaca ku saabsan xadhigga sharci darada ah ee ay ku kacaan masuuliyiinta maxalliga ah (local authorities), waxaanu ku han waynahay in nidaamkayaga sharci uu si joogto ah u muujiyay in garsoorku yahay hay’ad gaar ah oo madax banaan oo ilaalisa habraaca sharci iyo xuquuqal insaanka kale ee muwaadiniinta. Tan iyo markii la magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah June 2015kii, ma jiro hal amar maxkamadeed oo xadhig loogu jaray suxufi. Mar kasta oo uu dhacay xadhig, waxa fuliyay booliiska oo ku qabtay suxufiyiinta iyaga oo dembi faraha kula jira (flagrante delicto), inyar kadibna waa la sii dayay suxufuyiintaas. Booliiska waxa waajib ku ah inay hor keenaan qofka ay xidhaan maxkamadda mudo 48 saacadood gudohood ah. Dhacdo kastana isla markii maxkamad la horkeenay ayaa la sii daayay.

 

Waxaanu aqoon sanahay inay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo xeerka warbaahinta maadaama oo Xeerka Saxaafadda 2004 ee hada jiraa aanu dhamaystirnayn. Waxa naga go’an in ciqaabta laga daayo suxufiyiinta, balse waxaanu weli u baahanahay inaanu samayno hab haboon oo cabashooyinka lagu soo gudbiyo waxna lagaga qabto xadgudubyada ay geystaan warbaahintu si ay u noqoto hab bedela dacwadaha ciqaabta ah. Sidaasdarteed, waxaanu taageersanahay geedi socod wada tashiga ah ee ay wado SOLJA (Ururka Suxufiyiinta Somaliland) si loo helo natiijo haboon oo lagu qanci karo.

 

Waa inaad ogaataan in heshiiska Dekedda Berbera uu ku leeyahay taageero baahsan gudaha Somaliland, iyo in dhamaan xisbiyada siyaasaddu ay soo dhoweeyeen. Heshiiska waxa Baarlamaanku ku ansixiyay codayn 69 ogolaadeen 3 na diideen. Hase ahaatee, waa ognahay in dad aad u tiro yari aanay aqbalin heshiiska, islamarkaana waxaanu aqoonsanahay inay xaq u leeyihiin inay soo gudbiyaan diidmadooda, balse waa inay u sameeyaan hanaan aan khatar ku keenayn badqabka dadwaynaha iyo amniga qaran.

 

Haseyeeshee, waxaanu dood ka qabnaa tilmaanta aad ku sheegteen xadhiga dhowaanahan dhacay inuu muujinayo inuu yahay wax joogto ah ama la qorsheeyey. Waxaanu idiin xaqiijin karnaa inaanu jirin isku day habaysan ama la soo abaabulay oo lagu cabudhinayo xorriyada suxufiyiinta Somaliland. Somaliland waxa ka jira deegaan warbaahineed oo firfircoon oo aanu u qiimayno inay tahay hanaan dawladda lagu xisaabin karo. Sida caalamku wada aqoonsanyahay, iyada oo ay tahay in xorriyadda hadalka loo ilaaliyo guud ahaanteed intii suurtagal ah, hadana maaha wax buuxa ee waxa lagu xannibi karo talaabooyin sharci ah si loo ilaaliyo amniga qaranka iyo badqabka dadwayanaha. Somaliland waxaay ku xanibtaa xorriyada hadalka iyada oo aad uga dhawrsatay, waxaayna u martaa sida sharcigu dhigay oo keliya.

 

Inkasta oo aanay naga madhnayn meelo aanu ku fashilanay, waxaanu si joogto ah halgan ugu jirnaa inaanu kor u qaadno halbeegayaga iyo inaanu xoojino hay’adahayaga. Waxaanu sidoo kale helnaa caawimo caalami ah si aanu kor ugu qaadno xidhiidhka ka dhexeeya warbaahinta gudaha iyo hay’adaha dawlada. Waanu idinla wadaagnaa walaaciina ku saabsan baahida loo qabo in la xaqiijiyo in muwaadiniinta iyo warbaahintu labaduba ay ku raaxaystaan xorriyadda aragtida iyo cabiridda, iyo inaanu dib u balan qaadno ka go’naanshaha ay naga go’an tahay inaanu buuxino waajibaadka naga saaran raacidda sharciga iyo xuquuqal insaanka ku dhigan dastuurkayaga iyo xeerka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

 

Waanu idinku mahad celinaynaa hadii hadalka ku qoran waraaqdan ee la xidhiidha xuquuqda aadanaha gaar ahaan xorriyada cabiraadda ee Somaliland la tixgeliyo laguna xuso warbixinaha soo socda ama laga yaabo in mustaqbalka ay soo saarto Qaramada Midoobay.

 

Mar labaad waxaannu idiinka mahad celinaynaa inad si toos ah noola soo wadaagteen airmahan islamarkaana aad na siiseen dhiirigelinta si aanu u sii laban laabno dadaalkayaga aanu ku xaqiijinayno in dhacdooyinkaas ama xadgudubyadaasi aanay dib ugu dhaceen. Waxaanu rajaynaynaa inay u sii socoto wada shaqayntu hanaan furan oo wax dhisid ah.”

 

 

 

 

 

Somalilandpost.net

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE