Prof Cali Khaliif Galeydh oo farriin muttaxan u diray Shacabka iyo Qurbejoog ka soo jeeda SSC oo saluugay Heshiiska uu Somaliland la galay

Prof Cali Khaliif Galeydh oo farriin muttaxan u diray Shacabka iyo Qurbejoog ka soo jeeda SSC oo saluugay Heshiiska uu Somaliland la galayHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh, ayaa farriin adag u diray Qurbejoog iyo Shacab ka soo jeeda deegaannada gobollada Sool iyo Buuhoodle, kuwaas oo dhaliilay heshiis hordhac oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa dhawaan la galeen xukuumadda Somaliland.

Prof Cali Khaliif Galeydh iyo weftigiisa oo saddexdii todobaad ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxa uu qodobkan iyo Arrimo kale kaga hadlay munaasibad sagootin ah oo loogu qabtay magaalada Hargeysa, iyadoo isaga iyo weftigii isla maanta u baxeen deegaannadii ay ka yimaaddeen ee gobolka Buuhoodle.

HADDABA, MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO NUXURKA KHUDBAD UU KA JEEDIYEY MUNAASIBADDAAS