Somalilandpost | News and Analysis

Nuxurka Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo madaxweyne Biixi ka hor jeediyey Goleyaasha Baarlamaanka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta khudbad-sannadeedka dastuuriga ah ka jeediyey labada Aqal Baaralamaan ee Wakiillada iyo Guurtida oo fadhi wada-jir ah yeeshay.

 

Fadhiga Baarlamaanta oo ku qabsoomay Xarunta Golaha Guurtida, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiiradiisa ku gaadheen Socod lug ah iyagoo ka soo kicitimay Xarunta madaxtooyada oo masaafo ku dhow 50mitir u jirta Xarunta Baaralaanka.

IMG_8468

Madaxweyne Biixi waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad xambaarsan Waxqabadka xukuumaddiisu ku tallaabsatay muddadii ay talada dalka haysay xukuumadiisu.

 

Khudbadda ayaa taabanaysay horumarka xukuumaddiisu ka samaysay dhinacyada adeegyada bulshada, nabadgelyada, siyaasadda Arrimaha Dibadda, koboca dhaqaalaha iyo Arrimo kale.

 

Khudbadda madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan:-

IMG_8518

“Maanta oo ay Xukuumaddu xilka haysay sannad, saddex bilood iyo maalmo, waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago xaaladda guud ee dalka, wixii innoo qabsoomay, iyada oo halbeegeenu yahay qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP II) iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay tartanka doorashada. Waxa kale oo aynu isla eegi doonaa hawlaha inna horyaalla ee mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba ah.

Waxaynu ku nool-nahay adduun isbedelka, horumarka iyo aqoontu dheeraynayaan. Isbedelkaasi wuxuu saameyn togan iyo tu tabanba ku leeyahay nolosheena. Wuxuu saameynayaa habka aadmigu u fikiro iyo habka loo adeegsado aqoonta casriga ah. Wuxuu xoojinayaa oo kobcinayaa dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Isbedelkani wuxuu leeyahay dhinacyo taban, waxaana ka mid, wuxuu abuuraa bulsho ku kala fogaata dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqankaba. Tiknoolajiyadda cusubi waxay baabiinaysaa hab-nololeedka inta badan bulshooyinka kala duwan ee adduunka, isla markaana wuxuu keenaa isbeddel cimillo oo horseeda abaaro, duufaano iyo roobab wakhtigoodii seega.

Arrinkani wuxuu inna farayaa in aynu xoogga saarno ka fikirka mustaqbalka fog.

Guulaha aynu maanta gaadhnay waxaynu ku hannanay; gar-gaar Eebe ka sokow,

–          Awooddeena Qaran oo isku duuban,

–          Rajadeena oo sarraysa,

–          Hanka iyo himilladeena fog,

–          Ilaalinta gobonnimadeena,

–          iyo ku dhaqanka sharciga dalka.

Mudanayaal,

Adduunku waa tiro sagaal ah oo ma tobnoobo. Guulahaa aynu gaadhnay waxa garab socda dhinacyo wax-ka-qabasho u baahan, in kasta oo aynu dadaalnay, wali waxa innoo qabyo ah:

 

–          Joojinta xaalufinta deegaanka,

–          Hoos u dhigga Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada, iyada oo la dardargelinayo mashaariicda iyo warshadaha dhismahoodu muddada jiitamayey.

–          Ka hortaga Xannafaha ka dhasha doorashooyinka.

–          Iyo ka hortaga haggar daamooyinka caddowga Somaliland.

Haddaba, is waydiintu waxay tahay, sidee baynu u waajahaynaa mustqabalkeena? Ma innaga oo isku duuban, isku kalsoon, iskaashanayna oo isku dulqaadanayna?

mise

innaga oo is khilaafsan, ka hirdamayna gudaheena oo kala xantaysanaya?

Waxay ila tahay, danteenu waxay ku jirtaa innaga oo isku duubnaanna oo xoogga saarna nabadda, horumarka dalkeena oo dhinacyo badan leh iyo u diyaar garowga duruufaha ina horyaal, ee isbedelka cimilladu ka mid tahay.

Xukuumadda aan odayga ka ahay, iyada oo ka duulaysa aragtidaa guud ee mustaqbalka, waxay muddadii ay xilka haysay qaaday tallaabooyinka soo socda:

  1. Nabadda

 

–          Waxa la sameeyey wacyigalin ballaadhan oo shacabka lagu dhiirinayo nabad-ku-wada noolaanshaha, si-dhex-galka, iskaashiga iyo ka wada shaqeynta amniga iyo danta guud ee Qaranka.

–          Waxa tababarro is daba joog ah la siiyey Ciidammada kala duwan iyo Garsoorka.

–          Waxa la kordhiyey daryeelka iyo dhaqaalaha Ciidanka 36%.

–          Waxa si xoog leh kor loogu qaaday qalabka iyo saannadda Ciidanka, si ay awood buuxda ugu yeelan karaan sugidda amniga iyo difaaca dalka.

–          Waxa la diyaariyey oo Golayaasha horyaalla, Xeerka Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Ciidammada Qalabka-sida, si loo sugo xuquuqda iyo daryeelka Ciidanka.

–          Sidoo kale, waxa la kordhiyey35% daryeelka iyo dhaqaalaha bahda Garsoorka, si kor loogu soo qaado haybadda iyo maamuuska ay mudan yihiin bahda Garsoorku.

–          Maamul-wanaaggu waa laf-dhabarta hufnaanta maamulka iyo daahfurnaanta dawladda. Si loo hubiyo tirada Hantida Dawladda, waxa la diiwaan-galiyey tiro badan oo ah hanti ma guurto ah oo gaadhaysa 4,268 dhismayaal dawladdu leedahay ah.

–          Waxa dib loo qaabeeyey nidaamka iyo daah-furnaanta tartanka qandaraasyada dawladdu bixiso. Ilaa hadda waxa ay dawladdu bixisay 135 qandaraas oo dhammaantood loogu tartamay si daahfuran. Tartamayaashii qandaraasyadu waxay ka marag kaceen xilkasnimada, dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta shaqada XubnahaGuddida Qandaraasyada Qaranka.

–          Si loo xoojiyo isku xidhnaanta Dawladda, waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Is-Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka – Xeer Lambar 23/2002. Xeerkani waxa uu dib u habaynayaa adeegyada ay bixiyaan maamullada Gobollada iyo Degmooyinku. Waxaannu ku waajibinayaa masuuliyad dheeri ah maamulka degmooyinka dalka. Waxa uu tashiilayaa dhaqaalaha Golayaasha Dawladaha Hoose, si loo kordhiyo adeegga gaadhaya muwaadinka cashuur bixiyaha ah.

Mudanayaal,

 

In kasta oo aynu xagga Amniga ka qaadnay tallaabooyinka kor ku xusan, haddana weli waxa jira hawlo u baahan wax-ka-qabasho:

–          Colaadaha iyo xurgufta beelaysan ee ka dhex dhaca bulshooyinka wada dega deegaannada iyo Gobollada dalka.

–          Waxaan ku talinayaa in dhammaanteen aynu xoogga isugu gayno sidii loo joojin lahaa xurgufaha beelaysan. Xurgufahani waxay innagu hayaan dhimasho badan, khasaare dhaqaale iyo kala fogaanshaha dadka walaala ah, taas oo keenaysa dib-u-dhac weyn. Ma suurtoobayso in aynu sameyno horumar, caafimaad iyo waxbarasho wanaagsan iyo in aynu maalin walba ku jirno gurmad ciidan iyo gurmad culimo kala joojinaya beelo is dilaya iyo Xukuumad iyo Guurti damin colaadeed ku foogan.

–          Shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay halis ku tahay amniga dalka. Waxa abuurmay kooxo dhallinyaro ah oo ku kaca fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin isticmaalka mukhaadaraadka, taas oo kordhisay shilalka iyo dambiyadda ka dhaca dalka.

–          Xukuumad ahaan waxaannu wadnaa qorshayaal badan oo lagaga hortagayo dambiyada dhallinyaradu ku kacaan, balse waxaannu ku boorinayaa waalidiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka in aynu ka wada shaqeyno sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada.

1.2. Adeegga Bulshada

 

Mudanayaal,

Xukuumadda waxaynu u dhisannay oo awood fulineed loo siiyey in ay hubiso in muwaadinku helo adeegyada bulshada ee ay ka midka yihiin, cunto, biyo, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo abuur.

 

 

  1. Caafimaadka

 

Xukuumaddu waxa ay siisay ahmiyad ballaadhan horumarinta caafimaadka iyo dib u qaabeynta adeegga caafimaadka ee ay bixiyaan cusbitaallada dalku. Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii:

–          Waxa dib loo furay ama la dhisay 65 xarumo caafimaad oo cusub oo qabanaya daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka.

–          Waxa qalab caafimaad oo kala duwan lagu kordhiyey cusbitaallada magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Ceel-afweyn, Buuhoodle, Oodweyne, Gabiley, Berbera, Boorama iyo Xarrunta TB ee Hargeysa.

–          Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka.

–          Dadaalka loogu jiro kor u qaadista adeegga caafimaadku, waxa uu kor u qaaday kalsoonida ay shacabku ku qabaan adeegyadda caafimaad ee ay bixiyaan cusbitaallada dalkeenu. Tiradda dadka isticmaala adeegyadda caafimaad ee dalku waxay korodhay 31%.

–          Waxa la curiyey Siyaasadda Guud ee Caafimaadka dalka iyo Siyaasadda Maareynta iyo Maamulka Caafimaadka Dhimirka.

  1. Waxbarashada

 

Xukuumaddu waxay aaminsan tahay in waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo iftiinka nolosha. Sidaas darteed, waxaannu xoogga saarnay dib u habeynta iyo tayeynta waxbarashada dalka.

–          Waxa 20% la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda.

–          Waxa markii ugu horraysay la furay Dugsiga Tababarka Macallimiinta Qaranka, si kor loogu qaado tayada Macallimiinta dalka.

–          Waxaannu hirgelinaySiyaasadda ah ‘Arday Kastaa ha helo Buugaagta Manhajka waxbarashada.’ Waxaana la qaybiyey 1,200,000 oo buug oo la gaadhsiiyey ardayda gobollada oo tiradoodu dhantahay 154,000 arday.

–            Waxa Gobollada dalka laga dhisay 27 dugsi oo cusub, si loo ballaadhiyo fursadaha helitaanka waxbarashada dhallinyaradda.

–          Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta, waxaanay hadda tiradoodu gaadhaysaa 276 dugsi, isla markaana, waxa dib loo dayactiray ama la qalabeeyey 46 dugsi oo ah dugsiyada quudinta.

–          Waxaannu gunno iyo mushahar u bilownay macallimiin gaadhaysa 1,354 macallin oo kala jooga Gobollada dalka.

–          Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 382 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka.

  1. Biyaha

 

Biyuhu waa nolosha aadamaha iyo astaanta koowaad ee horumarka, iyada oo taa laga duulayo, waxa dadaal la galiyey ballaadhinta biyo-galinta magaalooyinka iyo biyo gaadhsiinta miyiga.

  • Waxa muddo dheer la waday sidii biyo ku filan loogu heli lahaa caasimadda, hawshaasi oo ay innaga kaabayaan dawladdo iyo hay’ado dibadeed, kuna baxday dhaqaale ka badan 60 milyan, hadda wuxuu marayaa qeybtii ugu dambaysay.
  • Waxa la dhammaystiray dhuumihii biyaha ka soo qaadayey Xarunta Biyo-soo-saarka Geedeeble ee keenayey magaalada oo dhererkoodu yahay 23KM.
  • Waxa la kordhiyey ceelashii biyo-soo-saarka Geedeeble 21%.
  • Waxa hadda dhismaheedii iyo qalabeynteedii socotaa Xaruntii Mishiinnada biyo-soo-saarka ee Geedeeble. Kala sarraynta dhulka darteed, waxa loo baahday dab-dhalliyayaal iyo bambooyin awood badan leh oo soo gaadhsiiya biyaha Magaalada Hargeysa.
  • Waxa la dhisay 4 kaydbiyood oo yar yar, haddana waxa la bilaabay 4 kayd biyood oo waaweyn iyonidaamkii biyo galinta magaalada oo la dhigi doono magaalada gudaheeda qasabado dhererkoodu gaadhayaan 162 KM.
  • Waxa kale oo la dhisi doonaa ama dayactir lagu sameyn doonaa 503 Kaalmoodoo ay biyaha ka dhaansan doonaan xaafadaha dan-yarta ee Hargeysa.
  • Iyada oo laga duulayo tirada dadweynaha Caasimada ee sii kordhaya, waxa qorshaysan in 42% la kordhiyo biyo-soo-saarka labada sanno ee soo socda.
  • Mudanayaal, qorshaha biyaha Hargeysa maaha ‘Faannoole fari kama qodna’, balse waxaynu ku tiirsannahay taageero dibadeed oo dhibteeda iyo jiitankeeda leh. Waa hubaal in Qaranku haysto dhaqaale ku filan biyaha Magaalada Hargeysa, laakiin waxaynu u baahanahay in Ilaahay inna garan siiyo awooddeena.
  • Waxa laga qoday gobollada dalka 27 Ceel oo dhaadheer iyo 80 ballay sannadkii tagay, si loo xoojiyo biyo gaadhsiinta deegaannada miyiga ah.
  • Waxa war-war leh biyo yaraanta magaalooyinka waaweyn, oo shacabka ku nooli sii kordhayo. Waxaan faray Wasaaradda Horumarinta Biyaha in laga sameeyo magaalooyinkaas biyo-sahamin ballaadhan, si loogu helo biyo ku filan.
  1. Dhallinyarada iyo shaqo abuurka

 

Dhismaha mustaqbalka dhallinyaradu, waa dhismaha mustqabalka iyo quruxda Qarankeena. Xukuumaddu iyada oo ogsoon muhiimadda dhismaha dhallinyaradu u leeyahay Qaranka:

–          Waxa la abuuray Barnaamijka Shaqo-abuurka dhallinyarada ee Shaqo Qaran. Waa barnaamij shaqo u abuuraya 1,500 oo dhallinyaro ah oo ka soo gala jeeda dhammaan gobollada dalka. Dhallinyaradaas waxa ka mid ah500 oo hablood. Waa barnaamij ujeeddadiisu tahay is-dhex-galka dhallinyarada, dhismaha waddan-jacaylka, akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada iyo difaaca madaniga ah ee dalka.

–          Waa barnaamij loogu talo-galay in dhallinyarada quluubtooda lagaga sifeeyo qabyaaladda iyo gobolaysiga, una diyaarino in ay hagaan Somaliland mid ah, kuna shaqeeyaan garaad aaminsanSinnaan iyo Qaranimo.

 

–          Waxa kale oo dhallinyarada fursad loo siiyay iyaga oo gobolkooda jooga in ay si xor ah ugu tartamaan 300 oo shaqo oo cusub oo ay Dawladdu baahisay,90 ka mid ah dhallinyaradaa shaqada heshay waa hablo.

–          Tirada guud ee dhallinyarada shaqo abuurka Xukuumaddu u sameysay waa 1,800 oo dhallinyaro ah. Waxaan dareensanahay in ay tahay tiro aad u yar marka loo eego tirada guud ee dhallinyarada dalka, waxase i farxad gelinaysa in ay shaqo galeen, iyaga oo aanay cidna gacan qaban, balse kartidooda iyo aqoontooda aaminay iyo yuhuunta wanaagsan ee ay abuurtay tallaabadaasi.

–          Mudanayaal, far keliyi fool ma dhaqdo, barnaamijkan oo miisaankiisa iyo muhiimaddiisa u leh Qaranka, wuxuu ku kaliyeystay ilaa hadda Xukuumadda. Waxaan ku talinayaa in Qaranku ka wada qeyb qaato shaqo gelinta dhallinyarada iyo socodsiinta barnaamijka Shaqo Qaran.

1.3. Dhaqaalaha

 

Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka ee dal kasta oo dunida ku yaal.Dhaqaale la’aan horumar lama gaadho. Haddaba, iyadoo taas laga duulayo, waxay xukuumaddu u tafaxaydatay sidii dhaqaaalaha dalka loo kobcin lahaa innagoo isku tashanayna. Waxay xukuumaddu xoog saartay wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan.

 

 

  1. Beeraha

 

Dhanka beeraha waxa la xoojiyey beeridda dalagyada kala duwan ee banka Wajaale, Beer iyo Xaaxi.  Si loo dhiirrigaliyo wax-soo-saarka beeraha, loona beegsado isku filnaansho dhinaca wax-soo-saarka ah mustaqbalka:

  • Waxa la beeray 2,300 Hector oo ku kala yaalla Xaaxi, Beer iyo Wajaale.
  • Waxa la siiyey cagafyo ay beeraha ku qotaan deegaannada Gatiitalay iyo Oodweyne.
  • Waxaan bogaadinayaa shacab weynaha u jeestay, dadaalkana geliyey wax-soo-saarka beeraha. Sannadkan gobollada dalka oo dhan waxa laga hirgeliyey beero cusub oo qaarkood u shaqeeyaan hab casri ah (Green House).
  • Waxaan sidoo kale ammaanayaa in sannadkan beeralayda dalkeenu soo saareen khudrad aad u badan oo ugu yaraan 70% ku filan baahida suuqa khudaarta ee dalka.

 

  1. Xoolaha   

Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, in badan oo dadkeena ahina waxay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.

–          Haddaba, si loo daryeelo caafimaadka xoolaheena, waxa la talaalay 3 milyan oo neef oo ay ka faa’iidaysteen qoysas badan. Sidoo kale, waxa xannuuno kala duwan laga daaweeyey in ka badan 2 milyan oo neef oo kala jooga Gobollada dalkeena.

–          Waxa lagu dadaalay sidii xoolaha dalkeena loogu heli lahaa suuqyo dibadeed, si loo dhiirrigeliyo dhoofka xoolaha. In kasta oo dedaalkaasi aannu weli midho-dhalin, haddana, xukuumaddu ka daali mayso in ay ka jibbo keento arrintaa.

–          Xukuumaddu waxay dadaal xoog leh gelisay sidii loo suurtagalin lahaa in xooluhu helaan seerayaal iyo dhul daaqeen ay ku bad-baadaan xilliyada abaaraha iyo baad yaraanta.

 

  1. Kalluumaysiga

Kalluunku waa khayraad sidii la rabay aynaan uga faa’iidaysan, waxaase hadda socda qorshayaal ay Xukuumaddu ku dhiirrigelinayso in kalluunku ka helo saami wanaagsan suuqyada dalkeena iyo kuwa jaarkaba, lana taageero ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga.

  • Waxa loo qaybiyey qaboojiyayaaloo waaweyn Magaalooyinka Maydh, Laas-qoray, Bulla-xaar, Berbera, Saylac iyo Burco. Arrintani waxay wax ka tartay wax soo saarka iyo dabashada kalluunka. Sidaa awgeed, xaddiga kalluunkii la soo dabtay sannadkii tagay wuxuu kor ugu kacay 2,000 tan.

 

 

  1. Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha

 

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%,gaadhsiiyaana 7.7%.

Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee dalkeena.

1.4. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha

 

Mudanayaal,

Kaabayaasha dhaqaalaha, sida Waddooyinka, Dekadaha iyo Garoomada diyaaraduhu, waxay qeyb weyn ka qaataan horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah siisay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

  • Waxa la bixiyey qandaraaskii shirkaddii dhisi lahayd Dekedda, waxaanna la bilaabay dhismihiiballaadhinta iyo casriyenta Dekedda weyn ee Berbera.
  • Waxa bilaabmay dhismaha jidka hal-bowlaha u ah ganacsiga innaga dhexeeya dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaan Ethiopia ee Berbera Corridor. Waxa mudnaanta la siiyey dhismayaasha biriishyada, waxaana la dhagax-dhigaybiriishkii ugu horreeyey oo ahDacar-budhuq. Dhismaha jidkaasi waxa uu qaadan doonaa muddo laba sanno ah. Waa jid weyn oo aannu hiigsanayno in uu kaalin muhiim ah ka qaato is-dhex-galka dhaqaale iyo bulsho ee Gobolka Geeska Afrika.
  • Waxa la dhisay muddadii sannadka ahayd 66 KM oo ka mid ah Waddada Ceerigaabo.
  • Waxa dayactir lagu sameeyey80 KM oo ka mid ah waddooyinka isku xidha Hargeysa iyo Burco, Hargeysa iyo Kala-baydh, Laascaanood iyo Tukaraq;
  • Waxa hadda dhismihiisa la wadaa 60 KM oo ah waddada isku xidha Hargeysa iyo Kalabaydh.
  • Waxa dib loo dayac-tiray Biriishyada kala ah Xamaas, Geel-lookor iyo biriishka dooxa Cabaadweyne.
  • Waxa dhismihiisu socdaa Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda caanka ah ee Camuud.
  • Waxa la casriyeeyey nidaamka waddo marista gaadiidka, nidaamka qaadashada liisamada iyo taarikada gaadiidka intaba.

 

 

 

 

1.5. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada

Isbeddelka Cimillada adduunku waa xaqiiqo raadkeedu ka muuqdo dalkeena. Waxa markhaati u ah abaaraha ku soo noq-noqday dalkeena iyo roob yaraanta. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka.

–          Xukuumaddu waxa ay gurmad ka gashay dhibaatooyinkii ay keeneen duufaantii Sagar iyo raadadkii ay reebeen abaaruhu.

–          Xukuumaddu waxay raashin iyo biyo gaadhsiisay in ka badan245,000 qoys, una dhiganta1,200,000 oo qof oo abaaruhusaameeyeen.

–          Xukuumadda oo kaashanaysa Beesha Caalamka, waxa ay sidoo kale gaadhsiisay gar-gaar 431,000 qoys, una dhiganta in ka badan2,000,000 oo qof. Gargaarkaas oo lacag ahaan u dhigma 20 milyan oo doollar.

–          Dadkii ku caydhoobay duufaantii Sagar, Xukuumaddu waxay gaadhsiisay 9,000 neef oo adhi ah.

–          Waxa dib u xoolayn loo sameeyey  1,337 qoys oo ku caydhoobay abaarihii ka dhacay Dalka.

–          Sidoo kale, Xukuumaddu iyada oo ka hortagaysa nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka, waxay bilowday mashruuca dhir beerista, waxaanay sannadkii tagay beertay 25,000 geed, waxaanay 15 April ee sannad kasta u astaysay in ay noqoto maalinta Xuska Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

–          Waxaan ku boorinaynaa, si aynu u hakino xawliga xaalufka iyo nabaad guurku ku socdo, in gobol kastaa ugu yaraan beero30,000 geed.

Cimillada adduunka ee isbeddelaysa, abaaraha iyo roob yaraantu waa dhibaato ka awood badan bani’aadamka. Waxa maanta dalkeena u baahan gar-gaar deg-deg ah in ka badan 1.5 Milyan qof.

–          Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Qaranka Somaliland, Dawlad iyo shacabba in aynu isku tashanno, una gurmanno dadkeena dhibaatadu hayso.”

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE