Somalilandpost | News and Analysis

Nolol La Xasuusto – Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 5aad

gees“Xabiibkaan ku dhaartee, xoriyad helnayaa

Ninba xeeladiisa ku xoogsanayaa”

Xaaji Khaliif Sheekh Xasan

Heestan uu qaadi jiray Xaaji Khaliif Sheekh Xasan, waxa ku habboonayd inuu yidhaahdo mindhaa: “Ninba xirfadiisa ku xoogsanayaa.” Waataa sidii xorriyadda Soomaali u hannatay lagu xoogsanayo, af-miinshaarnimo iyo weji-ku-macaash oo aqoontii iyo xirfaddii laga maarmay.

Xaaji Khaliif Sheekh Xasan waxa uu ahaa Xoghayaha Laanta Xisbiga SYL ee Hargeysa, waxa uu ahaa reer Sallaxley. Aniga oo shaqaale caafimaadka ka ahaana waxan u ahaa karaanni. Xisbiga SYL oo laga asaasay Xamar iyo Soomaaliya taageero badan kuma haysan Maxmiyadda Somaliland. Hasa yeeshee fikradiisa ahayd midaynta arlada Soomaali degto waa loo wada jibbooday. Madax sare oo maamulka Maxmiyadda ka mid ahayd oo ka cabbsanayey in Khawaajuhu (Ingiriisku) ogaado ayaa hoos ugu jirtay Xisbiga. Waxa raggaas ka mid ahaa Yuusuf Xaaji Aadan oo khudbadaha u soo qori jiray Xisbiga, aniga oo shaqaale hoose ahaa oo aan baqdin ka qabin haddii la i eryo ayaa akhriyi jiray khudbadaha uu Yuusuf soo qoro, kuwaasoo AfCarabi ahaa. Afka Xoriyadda iyo Diinta Islaamka oo lagaga soo horjeedo Khawaajaha guumaystaha ah ee la adeegsado.

Waxa kaloo Xisbiga taageeri jiray Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye (Ciidagle). Suldaankaas oo guumaystaha Khawaajaha necbaa oo ka hor iman jiray. Waxa dhacday in Suldaanka iyo labadiisii wiil Rashiid Suldaan Cabdillaahi iyo Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi iyo weliba inantiisii Sahra Suldaan Cabdillaahi uu Maamulka Maxmiyadda ee Khawaajaha ah uu xidhxidhay. Sahra Cabdillaahi waxay noqotay gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horeeysay ee siyaasad lagu xidho.

Maalin aniga iyo Cabdiqaadir (Dhabbeeye) oo Suldaanka la fadhina ayaa Cabdiqaadir ku yidhi Suldaankii “Aabbo, maxaad wixii Ingiriiska maamulkiisu keeno aad u diidaa oo aad isku hortaagtaa?” Waxa Suldaan Cabdillaahi ku jawaabay, “Waar ninkan afkiisa iyo dhaqankiisa midna ma aqaan, wixii uu la yimaadoba waa diidaya ee idinka ayaa afkiisa iyo dhaqankiisa bartay ee wixii aad doontaana ka yeela markiina.”

Mar ay Suldaan Cabdillaahi iyo maamulka Maxmiyadda Somaliland ay is-qabteen, ayaa Ingiriisku soo casuumay Suldaan Maxamuud Cali Shire (Warsangli) oo laga soo qaaday xaruntiisii Xubeera inta gaadhi loo diray. Waxa maamulkii Ingiriisku ka codsaday Suldaan Maxamuud Cali Shire inuu ka ergeeyo Suldaan Cabdillaahi, hasa yeeshee markii xaajadii loo sheegay Suldaan Maxamuud Cali Shire, waxa uu ku yidhi Khawaajihii; “Anigu waxan ku raacsanahay arrintan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye.”  Khawaajihii Ingiriiska ayaa aad u cadhooday oo amray in Suldaan Maxamuud Cali Shire degdeg loogu celiyo degaankiisii.

Sannadkii 1948 ilaa 1949, waxa Jimciyadda Qarammada Midoobay ka doodaysay wixii laga yeeli lahaa dalalkii ay guumaysan jireen dawladihii lagu jebiyey dagaalkii labaad ee adduunyada ee laga adkaaday, dalalkaasi waxa ka mid ahayd dalka Soomaaliya ee Talyaanigu guumaysan jiray. Jimciyadda Qarammada Midoobay waxa asaasay oo iska leh dawladihii ku adkaaday dagaalkii labaad ee dunida ka dhacay, sidaas darteed dalalkii ay guumaysanayeen qolooyinkaas adkaaday lagagama hadal, lagumana soo qaadin doodan jimciyadda ka socotay. Kuwii hore u haystay ayuunbaa iska sii haystay. Dalalkaa ay guumaysan jireen waxa ka mid ahayd Maxmiyadda Somaliland, iyada oo ay sidaasi jirtay ayaa Xoghayihii Xisbiga SYL (Cabdillaahi Ciise Maxamuud) uu Jimciyadda kaga doodayey in Soomaalida iyada oo mid ah xoriyad la siiyo.

Xafiisyada SYL ee geyiga Soomaalidu degto ku yaalay oo dhan ayaa u dirayey Arjiyo taageero ah oo laga soo saxeexay dadweynaha mudantooda. Laanta Xisbiga ee Hargeysa ayaan ka diri jiray arjiyadaas oo aan ka soo saxeexay acyaanta dalka, Salaadiin, caaqilo, culimo iyo Mutacaliimiinta.

Waxa Af Ingiriisi ku qori jiray araajiyadaas Cabdiraxmaan Cali-yare (Dubbe Cali-yare) si aan loo ogaan waxan sii qaadan jiray marka aan u tegayo qalabka irbadda dadka lagu muddo sidii qof soo mudaya. Haddii lala joogo, marka ciddii la joogtaa ay aragto qalabka aan sito ayey noo faq dayn jireen, markaas ayaan dhammaysan jirnay hawshayada.

Waaxda waxbarashadu ee Maxmiyadda Somaliland (Department of education), waxay xarunteedu ahayd Magaalada Sheekh, halkaas oo mutacalimiin badan oo macaliliin ah joogtay. Waxaan qaatay fasax gaaban oo aan ku tegay Sheekh si aan arji uga soo saxeexo macallimiintaas.

Markii aan u bandhigay arjigii way wada ogolaadeen, hasa yeeshee waa ay kala shakiyeen, ciddii ku horayn lahayd saxeexa. Waxa weli sii cusbayd iska horimaadkii beelaysnaa ee Hargeysa ka dhacay, macallimiintuna beelahaas ayey u badnaayeen. Waxa ku dhiiraday saxeexii Yuusuf Xaaji Aadan oo hor kacay, kadibna markaas ayaa la wada saxeexay. Laba habeen ayaan u negaaday saxeexaas oo aan Sheekh u hoyday.

Sannadkii 1949 ayaa Golaha Amniga ee Jimciyadda Qarammada Midoobay soo saaray qodobadan:

  1. Dalka Liibiya ee Talyaanigu Guumaysan jiray in Dawladnimo buuxda hala siiyo laba sanno ka dib.
  2. Dalka Erateriya in la siiyo dawladnimo buuxda oo ay kuna jirto Federaalka Dawladda Itoobiya.
  3. Soomaaliya in la siiyo dawladnimo buuxda toban sanno kadib. Waxaana muddadaas sii haynaya Dawladda Talyaaniga, iyadoo ka wakiil ah Qarammada Midoobay, waxana ka war haynaya, lana joogaya saddex dawladood oo kala ah; Masar, Filibiin iyo Kolombiya.

Waxan jeclaystay inaan soo arko Magaalada Muqdisho ama Xamar sida loo yiqiin. Bil fasax ah ayaan shaqadii ka qaatay sannadkii 1951. Waxa aan u baahday fiise aan ku galo Soomaaliya, waxa la iigu yidhi Qunsulka Dawladda Ingiriiska ee Xamar fadhiya ayaa laguu weydiinayaa.

Waxa ii muuqatay in fasaxu iga dhacayo inta aan sugayo fiisaha la ii soo saarayo. Waxan raacay qolo ganacsato ah oo reer Gaalkacayo ah. Ha hadlin ayaa la igu yidhi marka xuduudda Soomaaliya la galo haddii kale afkaaga ayaa la garanayaa inaad Somaliland ka timmi. Sidii ayaan Gaalkacayo ku gaadhnay. Habeenkii guri ayaa la i seexiyey, aroortiina baabuur Xamar tegaya ayaa la i saaray. Laba habeen ayaan Xamar u dhaxnay.

Waxa aan magaalada Beledweyn  ku sii maray Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) oo halkaas dukaan ku haystay ka hor intii aannu noqon Madaxweynha Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee u horeeyay (1960). Xamar waxaan kula kulmay Xaaji Maxamed Xuseen oo Guddoomiyaha Xisbiga SYL ahaa oo isagu Hargeysa noogu iman jiray. Waxa kaloo aan la kulmay Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ahaa Xoghayihii guud ee xisbiga SYL, ninkii aan araajida New York ugu diri jiray. Ma aan filayn inaan Magaalada Xamar ee aan u jeelanaa afarto sanno ka dib, aan ka qaxi doono bishii Janaweri 1991 anoo naftayda la cararayaa oo wixii aan lahaa ka tegay. Halkaas oo lagu dilay rag aan aad isu niqiin oo macaruf iyo ehelba ahayn, iyagoo aan waxba galabsan sida: Ibraahim Maxamuud Abyan, Faarax Maxamed Jaamac, Cumar Caabi iyo qaar kaloo badan.

Dhinaca Hargeysa saaxiibkay Xuseen Cumar-ku-joog ayaa isagoo ku jira safka dadkii Hargeysa lagu xasuuqayey oo kuwii ka horeeyey la toogtay ayaa nin gartay oo ka saaray fiiladii, sidaas ayuu kaga badbaaday Xasuuqii. Waxa uu ku dhintay Sweden oo sakaraadkii qabsaday anoo telefoon kula hadlaya oo markaa jooga Maraykanka, Illaahay ha u naxariisto. Maxay ahayd heestii laga qaadi jiray Xisbigii SYL ee Yuusuf Xaaji Aadan sameeyey. (Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsadoo, hadba kiina taag daran taageera weligiin !!!!!!)

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE