NAIROBI: Ujeeddada Wada-hadallo Berri u furmaya Somaliland & Somaliya iyo Cidda Dhex-dhexaadinaysa

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin ka kala socda Dowladaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa la filayaa inay maalinta Berri ah wada-hadal uga furmo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kulankan soo qaban-qaabiyey isla markaana goobjoog ka noqon doona hay’ad Caalami ah oo lagu magacaabo Center for Humanitarian Dialogue (HD) taas oo Xarunteeda Guud tahay waddanka Switzerland.

 

 

Shirkan oo lagu tilmaamay inuu gogol-xaadh u yahay Wada-hadallo dhexmari doona labada xukuumadood, waxa dhinaca Somaliland uga qayb-galaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamuud Yaasiin Faratoon, waxaanay labada dhinac qaban-qaabadiisa u igmadeen Hay’adda HDCenter oo ah Urur qaabilsan dhinaca Dibloomasiyadda oo shaqadiisu tahay Dhex-dhexaadinta Dowladaha Muranku ka dhexeeyo si looga hortago loona soo af-jaro Isku-dhacyada hubaysan.

 

Arrimaha Shirkan lagaga hadli doono iyo Muhiimadda uu labada dhinac u leeyahay waxa sharraxaad ka bixiyey Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil oo u warramay telefishanka HCTV, waxaanu danjire Baashe sheegay in shirkan oo hal maalin qaadan doona la soo gebo-gabayn doono habeen dambe, natiijada wixii ka soo baxana war-murtiyeed laga soo saari doono gunaanadkiisa.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN IYO WARAYSIGA UU DANJIRE CAWIL KU FAAHFAAHIYEY UJEEDDADA SHIRKA IYO ARRIMAHA LAGAGA HADLI DOONO, KAGA BOGO OO KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

 

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net