Md Muuse Biixi oo markii u horeysay ka hadlay Eedaymo uu u jeedin jiray Madaxweynihii uu Wasiirkiisa Daakhiliga ahaa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay jawaab ka bixiyey eedaymo uu u jeediyey iyo dhacdo dhexmartay Allah ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal oo isagoo xilligaas ahaa wasiirkiisa arrimaha Gudaha ay isaga hor yimaaddeen tallaabada laga qaadayo iyo qaabka lagu wejaho mucaaradad madax-dhaqameedku xilligaas kala hor yimaaddeen xukuumadii xilligaas.

 

 

Madaxweyne Biixi oo saaka markii uu furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka kaddib suxufiyiinta u oggolaaday inay su’aalo weydiiyaan, ayaa jawaab ka bixiyey su’aal la weydiiyey oo u dhignayd sidan:- “Saaka waxaad timi dugsigii aad ka baxday 53-sanno ka hor, waxaan doonayaa inaan ku xusuusiyo, waxaan dhammayn oo laga joogo muddo 20 sanno ah, wakhtigii uu tala dalka hayay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaad ku jirtay siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa, wakhtigaas intaad la hadashay waxaad sheegtay in madaxweynaha adigoo ku tilmaamaya inuu 70-jir ku talinayo, adigoo leh Maxkamaddii reerkaaga ayaa haya, taliyihii Ciidanka Qaranka reerkaaga ayaa haya, Xeer-ilaalintii reerkaaga ayaa haya. Bal maanta adigaa kursiga ku fadhiya, da’du waa da’iisii, bal maxaad ka xusuusataa maalintaa inay ka jirto Xukuumaddaada maanta?”

 

Waxa uu Md Muuse Biixi ku jawaabay, “Waxaan ka xusuustaa da’da, waa runtaa oo da’du waa da’dii koley waa laguu sheekeeyey oo xilligaas maad jirine, Maxamed Xaaji Ibraahim wasiirkiisa Daakhiliga ayaan ahaa. Waa runtaa oo intaasba waan ku canaantay oo waxaan ka qabanayey qalad uu maalintaas ku jiray. Khaladkaasi waxa uu ahaa markii ay salaadiinta Somaliland ku shireen guriga Suldaan Barre oo dad caqli xun intay u taliyeen la yidhi Ciidanku ha weeraraan oo Taangiyo ayaa la soo dhaqaajiyey. Taangiyada qoladii wadatay ninkii hortagay ayaan ahaa ee yidhi waar Xaggee ku socotaan maad waalan tihiin. Maxamed-na intaas ugu tagay gurigiisa ayaan intaa iyo in ka badan-ba ku yidhi, waayo waxaan ahaa ninkii ugu dhawaa ee wasiir daakhligiisa ahaa ee saaxiibkii ahaa ee isaga qaban lahaa. Waanu iga aqbalay oo wuu ka daayey, Somaliland-na waa ta halkaas ku maraysa.”

 

Dhinaca kale, waxa uu Md Muuse Biixi oo la weydiiyey in Xadhigga Siyaasiga ahi ku soo batay dalka muddadii uu xilka hayay, waxa uu ku jawaabay, “Xadhig siyaasi ah maaha, dambiilaha waa la xidhayaa; ninkii dambi gala ha odhanin waa siyaasi, siyaasigaa dambi gali kara, dhakhtarkaa gali kara, adigoo weriye ahbaa gali kara, baayac-mushtarkaa gali kara. Dambiile waa la qabanayaa si dalku hore ugu socdo,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net