Somalilandpost | News and Analysis

Maxamed Xaashi Oo Ka Digay Saldhig Milatari Oo Imaraadka Laga Siiyo Berbera

(SL.Post) -Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si adag uga digay in la ogolaado saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu doonayo inuu ka samaysto magaalada Berbera, waxaanu soo jeediyay in laga dagaalamo.

index

Eng. Xaashi oo u waramay weriye Kuraase oo ka tirsan HCTV, wuxuu kaloo wax lala yaabo ku tilmaamay tirada golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo oo tiradoodu baarka ka goyay 70 xubnood.

Ugu horayn isagoo ka jawaabaya xaaladda dhaqaale ee dalka wuxuu yidhi “Xaaladda dhaqaale ee Somaliland aad bay u fiicantahay, kolka loo eego intii isbedelkii uu yimid, miisaaniyadu markii Rayaale waxay ahayd 47 Milyan, maanta ilaa 300 oo milyan ayay ku dhowdahay, kolkaas aad bay u korodhay, waxaanad arkaysaa wixii wax lagu qaban lahaa iyo habkii loo qaban lahaa ayay mushkiladu saarantay. Wax la’aani inama hayso, saboolnimana inay ina haysaba maaha oo in ka yar 10 sannadood ayaa lagaga bixi lahaa saboolnimada. Kolkaas dhaqaalaheenu wuu fiicanyahay, abaarahan waxay ahayd in laga gaashaanto, waxay ahayd in biyo xidheeno la sameeyo oo sarac la abuuro, xoolaheenii dhibaatadan haysata ee Iyagoo laf dhabar ah oo dhibaato inaga haysato abaaraha inaynu ka gaashaamano ayay ahayd. Kolkaas tallo galkeena ayuun baa xunee, wax la’aani inama hayso.”

Mar la weydiiyay waxyaabaha sababay inuu kordhiyo miisaaniyadda wuxuu yidhi “Waa la soo guray uun, labada  ugu waaweyni waa kastamka iyo cashuurta dhexdeeda, cashuurta 8% ayaa la qaadayay oo 92% ayaa maqnaa kolkaas intaas oo uu urursado weeyaan oo dadkana shaqo loogu abuuro waxna loogu qabto. Markaas Cashuur korodhay ma jirto, wax aanu dhinay maahee, cashuurta waxa la bixiyaa marka la dhimo, kolkay korodho looma baahnayn, kolkay  8% ururiyaan maxaa loo qaadi waayay 92%.”

Isagoo ka hadlaya tirada wasiirada ee hadda wuxuu yidhi “Imika, 70 awasiir ayaynu leenahay, 15 ama 16 ama 17 ugu badnaan inay dhaafaanba may ahayn, kolkaas lacagtii horumarka la gelin lahaa, meelo aan looga baahnayn ayaan la gelinayaa.”

 

eng. Xaashi oo la weydiiyay waxyaabaha lagu dawayn karo sicir bararka dalka aafeeyay wuxuu yidhi “Sicir bararka waxa looga bixi karaa haddii dadku shaqaynayaan oo dawladu shaqaynayso labada gelinba,  fadhigan jaadku wuu yaraan lahaa, sababta sicir bararka qaadkaa kow ka ah, meelaha lagu warwareegayo maaha, qaadkaa kow ka ah, waxa ku xiga waa shaqaalaha dawladda, lacagtii ma qaadi karaan oo waa la sarifanayaa, dollarkii ayaa suuqa loo galayaa oo dabadeed suuqyada ka kacaya, markaas waxyaabaha badiyaa kicinayaa waa jaadka.

kolka safar la tagayo ee xukuumadu meel u baxayso waxay isku raacayaan tiro badan, halkii laba saddex qof ka tagi lahaayeen, intaasi kharash ayay u baahantahay oo dollar ayaa la sarifayaa oo dollarkii wuu baxayaa, markaas inagaa abuurna sicir bararka. Jaadka maxaa siyaasad looga yeelan waayay, malyuun iyo siyaad dollar ayaa u talaaba Itoobiya.

Baananka qudhooda waxay ahayd in la ogolaado baananka, oo baanan horumar dawladu lahaato oo dadka shaqo loogu abuuro oo ay la macaamiilaan baankaas oo la siiyo lacag yaryar oo shaqooyin ku qabsadaan. Dadkan khudaarka iibiya iyo caanaha ee dumarka u badan , hantidoodu waa 100 ilaa 300 oo dollar, hal milyan haddii magaalada la geliyo intaas oo qof ayaa ka shaqaynsan lahayd oo ku ceeshi lahayd. Kolkaas inagaa farsamo xun, miyay caqli tahay 70 wasiir ha yeelato dawladan yari, Maraykanku intaas ma gaadho, waa fasahaad.”

Isagoo ka hadlaya in adeega Zaad saamayn ku yeelan karo sicir bararka sida ay xukuumadu ku doodayso, wuxuu Eng. Xaashi yidhi “Zaadku waa adeeg loo baahanyahay oo qofka abaaraha meel fog degeni wuxuu odhanayaa toban dollar Zaad iigu soo dira, markaas Zaadku waa adeeg loo baahanyahay oo wanaagsan, markaas in la iska xidho xidho may ahayn ee in la tashado ayay ahayd oo la yidhaahdo sideen uga bixi karaynaa, mudadaas haddii aad alaabtiina baanka kala bixi weydaan waa dhibaato.

Markaas Zaadku waa adeeg loo baahanyahay in lagala tashado oo la yidhaahdo sideen wax u samaynaa ayay ahayd,. Somaliland Shilling ayaa lagu diri karaa, dollarba inay tagto maaha daruuri kolkaas Zaadku waa adeeg loo baahanyahay.”

Isagoo ka hadlaya talada uu xukuumadda siinayo ee ku saabsan sicir bararka wuxuu yidhi “Aan sicir bararka ka yara baxnee talaabooyinka loo baahanyahay waxa weeyaan in lagu tashado sidii dhallinyarada shaqo loogu samayn lahaa oo loo hagaajin lahaa waxaynu haysano. Laakiin caqligaasi ma yaalo meesha oo sharcigaas beri hore ayay ka talaabsadeen.

 

Imika muddo kordhin ayaa la yidhi abaaraha dartood ayaa loo samaynayaa, kolka abaaraha loo kordhiyo, mudadii loo kordhiyay maxay dawladii abaarihii ka taraysaa, kolkaas waxaan soo jeediyay March hala dhiso dawlad yar oo kooban oo kharashkan faraha badan la dhimo ilaa 137 milyan oo dollar ayaa kayd noqon lahaa oo intaas oo wasiir iyo intaas oo la taliye oo aan waxba qabanayn iyo intaas oo shaqo suge, kolkaas waxay ahayd dawlad yar oo kooban inta la sameeyo kharashka la dhimo oo kharashkaas la dhimay  la geliyo waxaynu u baahanahay sida biyo xidheeno, ceelal la qodo.

Waynu jaho wareersanahay, waxaanay ahayd in fikrad la keeno oo wax la isweydiiyo, imika 70 wasiir, markaad ka soo qaado inay 15 inagu filan yihiin 55 ayaa soo hadhay bal 55-kaasi imisa reer ayay lacagtoodu wax u qaban lahayd.”

Maxamed Xaashi oo la xasuusiyay qodobadii KULMIYE ku galay ololihii doorashada ee 2010 oo ay ugu muhiimsanayd inay dhisi doonaan xukuumad tiro yar oo tayo leh, bal inuu shacabka u sharaxo sababta bedeshay wuxuu yidhi  “wixii berigaas la lahaa waa laga leexday oo waxba kama jiraan, oo tiradii yarayd dee dalkaas wax loogu qaban lahaa oo ma jirto tii, kolkaas imika wixii ololihii lagu galay meesha ma yaalo, wax aan loo baahnayn ayaa yaala, wasiir bararkaas ayaa jira, kolkaas wax aan loo baahnayn weeye. Imika waxa la yidhi mudadii ayaa la kordhiyay, guurtiduna imika in kale ayay ku daraysaa, dabadeedna sharaftii dawladda ayaa baaba’day oo dad doorasho qabsan kari waayay ayaan nahay.

Waxaan shaqaalaha dawladd kaga tagay lix kun iyo xoogaa, wuxuu marayaa hadda 16000, tobankaas kun intay saxeexaan ayay iska hoydaan, waxaynu u baahanahy dad intay saxeexaan aan iska hoyan ee dad wax soo saaray ayaynu u baahanahay.

Dariiq dawladeed ma hayno, waxaynu wadnaana wax aynu meel ku gaadhayno maaha, kordhis ayuun baa la wadaa oo sharafteenii iyo dawladnimeenii ayuu dilay, aqoonsigeenii ayuu fogeeyay.

Nasiib darro waxa ah mucaaradkii ayaaba leh hala kordhiyo, mushaharkoodaas ayay eexaysanayaan laakiin dadkii doonray dan ay ka leeyihiin ma jirto oo maanta marka la kordhiyo tii oo sidii la yahay ayuun buu wakhtigu soo galayaa.”

Isagoo ka hadlaya baahida shaqaalaha iyo ciidamada iyo mushaharkii ahaa 100% ee uu u kordhiyay markii uu noqday wasiirka maaliyadda wuxuu yidhi “Shaqaalaha iyo ciidamadu waxay u baahanyihiin in wax loo kordhiyo oo kuma filna waxa maanta la siiyaa, anigu berigii 100% waan u kordhiyay boqolkii labaad ee aan u kordhinayayna wuxuu u bilaabmayay 2015, welibana kuma filna oo waa in la isu miisaamaa maceeshada iyo mushaharka oo qofkan shaqaynayaa waa inuu helaa wax uu ku noolaado.”

Isagoo ka hadlaya caafimaadka shaqaalaha aan xaaladooda caafimaad dalka waxbaba lagaga qaban karin islamarkaana tilmaamaya dedaalkii wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Xuseen-xoog, wuxuu yidhi “Waxay ahayd qolada wasaaraduhu inay u raadiso dhakhtar dibadeed oo loo diro dadka aan lagu dawayn karayn dalka, dawladuna bixiso oo qofkaa ka qaalisan lacagta ee dadkaas baahan la geliyo lacagtan la siinayo koofiyad baclaha. Haddii xitaa xarun shaybaadh oo weyn la sameeyo dhallinyarteenuna waxbay ka baran lahayd oo inta dibadda loo tagayaa lix sannadood iyo badh ayay isku bixinaysaa ayuu yidhi haddii qalabkaas la soo iibiyo wasiirkii hore ee caafikaadka Xuseen-xoog oo ahaa nin wanaagsan oo aanu wada shaqayn jirnay.”

 

Eng. Xaashi oo la weydiiyay aragtidiisa ku saabsan saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu doonayo wuxuu yidhi  “Faa’iido iska dhig, Somaliland waa baaba’, maalintaas ayaa ugu dambaysa kelmad la weydiin doona madaxweynaha ma jirto ee Xamar ayay weydiin doonaan, in laga dagaalamo weeye arrintaas, waxan hoosta laga soo saxeexayo ee xaqul qalin lagu qaadanayaa wax umdda danteeda ah maaha.”

 

Waxa la weydiiyay dekedda Berbera iyo DP World waxaanu yidhi “Dekeda waan ogolahay oo waa wax loo baahanayahy, laakiin milatari iyadoo madfaca halkaas laga soo ridayaa uu dadkeena ku soo dhacayo danteena maaha, kuwa wadana Alle dariiqa toosan ha ku soo hagaajiyo way ka baxsanyihiine.”

 

Somalilandpost.net

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE