“Magaalada Garoowe uma soconno, dadkeeda inaanu Qixinno uma soconno…Shacabka reer Puntland waa dad gob ah oo Wax-garad ah..,”

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaanay Somaliland duullaan ku ahayn isla markaana waxyeello la rabin dhulka iyo shacabka reer Puntland oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad gob ah oo wax-garad ah.

Madaxweynaha oo caawa hadal ka jeediyey munaasibad ku qabsoontay xarunta madaxtooyada oo loogu dabbaal-degayey xuska maalinta 18-May, waxa uu dhinaca kale farriin u diray dowladda Soomaaliya oo uu uga digay inay sheegashada dhulka Somaliland.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA HADALKA MADAXWEYNAHA