Madaxweyne Saylici oo soo ka qab-galay Gunaanadka Tartan-ciyaareedka Bisha Ramadaan ee Garoomada Hargaysa (SAWIRRO)

????????????????????????????????????

Hargeysa (SLpost)- Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku-simaha madaxwayanaha Somaliland, ayaa ka qayb galay munaasibad lagu soo gabagabaynaayay tartano  ciyaareed oo  bisha ramadaan ka socday qaar ka mid ah garoomadda kubbadda cagta, isagoo madaxweyne ku xigeenku ka qayb galay kuwii ka garoomada Xawaadle iyo 31 May.

????????????????????????????????????

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha madaxwayanaha ayaa gunaanakii munaasibada halkaasi koobab ku gudoonsiiyay kooxihii ku guulaystay tar-tanka bisha barakaysan ee rammadaan kuwaas oo kala ahaa kooxda dhamays oo iyagu ku guulaystay tartanka garoonka Xawaadle isagoo madaxwayne ku-xigeenku bilado iyo shahaado sharafyo ku maamuusay ciyaartooyadii halkaasi ku ciyaarayay.

Dhinaca kale waxa madaxweyne ku-xigeenka iyo xubno xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isugu jirey oo la socday ayaa u daawasho tagay ciyaar kama dambays ahayd oo ka dhacday garoonka 31-ka May, taas oo dhexmartay kooxaha Somaliland Horn Group iyo Shacabka, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan oo daawashada ciyaarta ka qaybgalay.

Gebo-gebadii ciyaarta ayey guushu raacay kooxda Shacabka, waxana koobkii ay ku guulaysteen oo uu hore xisbiga KULMIYE u dhigay guddoonsiiyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, isaga oo ciyaaryahannadii kaalinta labaad galayna ku hambalyeeyey dedaalka iyo kartida ay muujiyeen.

DAAWO SAWIRRADA

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????