Madaxweyne Muuse Biixi oo Xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo Isku-beddel ku sameeyey Xukuumaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-Case) oo 9-kii sannadood ee u dambeeyey xilal kala duwan ka soo qabtay haya’daha xukuumadihii Kulmiye ee isaga kala dambeeyey talada dalka.

 

Sida lagu sheegay wareegto madaxweyne oo lagu shaaciyey xil-ka-qaadista Masuulkan, Isku-beddel iyo Magacaabis uu ku sameeyey hay’ado kale oo xukuumadda ka tirsan, Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta u beddelay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, halka beddelkiisa xilka Waaaradda Qorsheynta loo magacaabay Mubaarik Cabdilaahi Ibraahim inuu noqdo Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qorneyd sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

 

Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case)

       Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha

        Bulshada iyo Qoyska.

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

 

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tixgeliyey:        Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markaan Ka Fiirsaday:       Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan Ku Qancay:       In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

      1)      In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

      2)      In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.” Sidaas ayay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu soo saaray.

 

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net