Madaxweyne Muuse Biixi oo markii u horeysay la kulmay Maamulaha guud ee Shirkadda DP World iyo Nuxurka Arrimo Laga Wada Hadlay

 

dpworld_somaliland (4)Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday shirkada DP World oo uu hoggaaminayey maamulaha guud ee dekedaha ay xukunto DP World, Mr. Sultan Ahmad Sultan Bin Sulayem oo maanta booqasho ku yimid Somaliland.

dpworld_somaliland (3)Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha iyo balaadhinta dekeda Berbera iyo Qorshaha Suuqa xorta ah (Free Zone), waxa kale oo laga wada hadlay sidii dhalinyarada reer Somaliland loogu furi lahaa suuqa ganacsiga ee imaaraadka si ay ugu shaqo tagaan halkaasi, waxa kale oo iyana lagu soo qaaday xaalada abaaraha gobolada dalka ka jirta sidii ay gacan uga geysan lahayd DP World iyo arrimo badan oo ay ugu horayso in dhakhso loo hirgeliyo dhammaan mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland iyo DP World ku heshiiyeen, waxaanu madaxweynuhu fariin baaqa u diray imaaraadka carabtu inay dhinacooda gacan ka geystaan xaalada abaarta ee ku soo noq-noqotay Somaliland.

dpworld_somaliland (2)Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey wasiirada wasaaraddaha, Arrimaha Dibeda, horumarinta Maaliyada, horumarinta Maalgashiga, horumarinta qorshaynta qaranka, maareeyaha dekeda berbera iyo safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta.

dpworld_somaliland (1)Markii kulanka laga soo baxayna waxa faah-faahin ka bixiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo Maamulaha Shirkada DP World, Sultan Axmed Bin Sulayem.

https://youtu.be/rEXpXQEGzUw