Madaxweyne Muuse Biixi Oo Caawa Gaadhay Qoys Roobkii Galabtu Gaadhsiiyey Khasaare Naf Iyo Maalba Leh

Hargeysa (SLpost)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu gaadhay xaafadda qudhac-dheer oo uu ka dhacay qadar Alle, kaas oo ay sababeen roobabkii galabta ka da’ayey dalka gaar ahaan kuwii caasimada Hargeysa, oo daadadkii ka soo rogmaday ay caawa qaadeen hooyo iyo laba caruurta oo ay dhashay.

IMG_0001Hooyadan daadku qaaday ayaa xambaarsanayd wiil yar, sidoo kalena ay wehelinaysay gabadh yar oo ay dhashay, kuwaas gebi ahaanba daadku la tegay, markii uu daadku soo gaadhay guri jiingad ahaa oo ay laba maalmood ka hor uun kiraysteen kuna dhexyaalay dooxa, waxaana la soo helay hooyadii oo hada koomo ku jirta iyo gabadhii yarayd oo mayd ah, halka wiilkii yaraa ee hooyadu dhabarka ku sidayna la raadinayo.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi waxa uu la kulmay aabaha qoyskaasi oo lagu magacaabo Axmed Qorane oo ay hadaladiisii ka mid ahaayeen “markay telefoonka igu soo dhufatay ee ay alla hoogayey tidhi een soo cararay ee aan meel alle meel aan u maro waayey ee dooxii iga dheeraaday ayaan anna dib isaga noqday, ka dib sandaqadii ayuu laba u kala gooyeen bixiyihii dooxu, wax dhacday in xitaa ummaddii badbaadin kari wayday caruurtii” goobtaasi oo ay soo degeen laba maalmood ka hor uun ayuu sheegay aabbo Axmed Qorane in laga kireeyey waxaana meesha keenay aqoon la’aan ayuu yidhi isagoo madaxweynaha u sharxaya sida ay wax u dhaceen.

IMG_9032Aabbo Axmed Qorane oo hadalka sii wada ayaa yidhi “Inan maydkiisa lama hayo, hooyadii iyo isaga inta uu wada qaatay daadkii ayuu xanjeerkii ay ku xidhnayd ee ay ku xambaarsanayd ka furteen biyihii, iyadiina koomay ku jirtaa oo waa la helay, innana imikaa maydkeedii ayaa la helay, meeshuna waa halkaa dooxa badhtankiisa”.

IMG_9021Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray qoyskaa qadarka alle la kulmay, una duceeyey hooyada koomada ku jirta, amrayna in gurmad qaran laga galo wiilka maqan sidii loo soo heli lahaa raq iyo ruuxba, waxaanu yidhi madaxweynuhu “wixii qadar ilaahay keeno waa qadar ilaahay uun, ka maqan geeri iyo nolol gurmad waynu wada geli, wixii dhibaato iyo masiibo dhacdayna waa lagula wadaagi oo qarankaagiibaa kula jooga, markuu gurmadku wada yimaado calool adayg uunbaa loo baahan yahay iyo Samir, iyo tallo danbe oo wixii noocan oo kale ahna qaran ahaan looga wada tashado haddii alle yidhaahdo, waan kaa tacsiyadaynayaa ka dhintay, ka maqana waanu kula gurmanaynaa, masiibadana waanu kula qaybsanaynaa, dad badan ayey caawa dhibaato gaadhay waana ka wada hawl-gelaynaa, ilaahayna waxa aan kaaga baryeynaa in ka dhintayna halkiisa cawil khayr qaba ku geliyo, gabadhana Alle ha caafiyo, adigana Alle ha kaa Samirsiiyo oo qalbiga ha ku adkeeyo, samirkana badi dhamaanteenba waynu wada xukumanahay ”