Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo  Gargaarkii ugu horreeyey  Gaadhsiiyey Goobaha ay Waxyeelleeyeen Roobabkii Duufaannada Watay  

Lughaya (SLpost)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa deeqdii ugu horraysay ee gargaar ah oo xukuumaddu bixisay  gaadhsiiyey degmada Lughaya oo kamid ah goobaha ay sida weyn u wax yeelleeyeen roobabkii duufaannada watay ee ku dhuftay ee dhawaan  gobollada Awdal, Salel iyo Saaxil.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinayo guddoomiyaha hay’adda  qaxtoontiga iyo Barakayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinif), ayaa diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo ay inagu caawisay dawladda Imaaraadka Carabta, deeq gargaar ah ugu geeyey shacabka ku dhaqan deegaanka Lughaya ee ay roobabku waxyeellada gaadhsiiyeen.

IMG_5181

Gargaarkan oo isugu jira daawooyin, Raashin, Dhar, Timir, Biyo waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah, ayey madaxweyne ku xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayaa gaadhsiiyeen shacabka degmada Lughaya, kuwaas oo si weyn ugu farxay deeqda gargaarka ah ee ay xukuumaddoodu soo gaadhsiisay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey goobta lagu wareejinayey gargaarkan, ayaa sheegay inuu gargaarkani hordhac u yahay deeq laxaad leh oo ay xukuumaddu u qorshaysay dadweynaha duufaannadu tabaaleeyeen, isla markaana maalmaha soo socda oo dhan aanay xukuumad ahaan ka nasan doonin sidii dadka dhibaatadu taabatay deeq loo gaadhsiin lahaa.

Mudane Cabdiramaan Saylici, ayaa shacabka u sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba iska hagranaynin, isla markaana intii awooddooda ah gargaar gaadhsiin doonaan dadka dhibaatadu taabatay, “Gurmadkii ugu horreeyey waa kan, haddii  uu roobku inaga yara maqnaadona gaadiidkii baa iman doona, caafimaadkiina wuu ina soo gaadhay, intanina waxa ay noqon doontaa dhiig joojin uun, waxana aanu idinku boorrinaynaa inaad ka fikirtaan sidii aad gargaarkaas si wanaagsan isugu gaadhsiin lahaydeen,” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Lughaya ee gargaarka hordhaca ahi gaadhay, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay nasiib u heleen gargaarkii ugu horreeyey ee xukuumadda Somaliland bixiso, waxana ay ka warrameen heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada ka dhalatay roobabkii dabaylaha watay ee Jiiddaas ku dhuftay.

1 2 3 4 6 7 IMG_5035 IMG_5051 IMG_5053 IMG_5056 IMG_5058 IMG_5059 IMG_5075 IMG_5080 IMG_5086 IMG_5114 IMG_5118 IMG_5123 IMG_5134 IMG_5146 IMG_5149 IMG_5154 IMG_5159 IMG_5165 IMG_5170 IMG_5172 IMG_5178 IMG_5179 IMG_5181 IMG_5190 IMG_5205 IMG_5214 IMG_5228 IMG_5233 IMG_5251 IMG_5272 IMG_5276 IMG_5279 IMG_5282 IMG_5290 IMG_5293 IMG_5311 IMG_5317 IMG_5331 IMG_5367 IMG_5372 IMG_5379