Hargeysa (SLPost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-44/022018, uu ku magacaabay todoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Magacaabid
Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir |
Magaca |
Xilka |
1. |
Gaashaanle Sare, Saleebaan Muuse Xasan |
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland |
2. |
Gaashaanle Sare, Siciid Xasan Maxamed |
Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland |
3. |
Gaashaanle Dhexe, Ibraahin Maxamuud Guuleed |
Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee Aaga Bari |
4. |
Gaashaanle, Cabdillaahi Xasan Carraale |
Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland |
5. |
Gaashaanle, Yaasiin X. Cali Maxamuud |
Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland |
6. |
Gaashaanle Dhexe, Fu’aad Raage Maxamed Xirsi |
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka |
7. |
Gaashaanle, Khadar Cali Maxamuud |
Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka |
Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen, isla markaana waxaan farayaa in ay ku noqdaan Talisyada Ciidan ee ay ka tirsan-yihiin.