Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo xilalkii ka Qaaday Taliyeyaashii Sirdoonka iyo Nabad-sugidda iyo Sababaha loo aanaynayo

Garowe (SLpost)- Madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa wareegto uu soo saaray maanta xilalkii ay hayeen kaga qaaday Taliyeyaasha hay’adaha sirdoonka iyo nabadsugidda ee maamul-goboleedkaas.

Saraakiisha xilalka laga qaaday waxaa ayaa kala ah, agaasimaha hay’adda sirdoonka ee PIA, Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaannada Somaliland, iyo agaasimaha hay’adda nabadsugidda ee PSS , Cabdullaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

Madaxweynaha Puntland GaasDigreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa lagu yidhi sidan: “Madaxweynuhu wuxuu saraakiisha xilka ka qaaday marku tixgaliyay talo soo jeedinta wasaaradda amniga iyo DDR-ta.”

Ma jirto Faahfaahin intaas ka badan oo lagu sheegay wareegtada ka soo baxday xafiiska Cabdi-weli Gaas, mana jirto masuuliyiin beddelkooda loo magacaabay xilalkan oo muhiimad gaar ah u leh dhismaha iyo haykalka amni ee maamul, haseyeeshee waxa ay muujinaysaa gol-daloolooyin amni iyo mid cid gaar ah loo sibir-saarayo oo ka jirta deegaankaas.

Talaabada uu madaxweyne Gaas Xilalka kaga qaaday masuuliyiintan ayaa ka dambaysay wax-yar kaddib, markii maamulkaasi soo saaray digniin xagga amniga ah oo lagu shaaciyey suurta-galnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca deegaankaas, kaddib markii uu taliyaha Police-ka ee maamulkaas Cabdiraxmaan Warsame uu subaxnimadii hore ee Arbacadii shalay soo saaray digniin ku aaddan weerarro ay qorsheynayaan kooxda Al-Shabaab oo lagu bartilmaameedsado deegaamada maamulkaas.

“Waxaanu haynaa xogo la xidhiidha weerarro ay qorsheynayso Alshabaab. Waxaanu haynaa macluumaad aan ku helnay inay kooxdu ku hawlan tahay weerarro is-miidaamin ah oo ay u adeegsanayaan baabuur,” sidaas ayuu yidhi taliye Warsame isagoo bulshada ka dalbaday inay Ciidamada amaanka ku soo war-geliyaan dhaq-dhaqaaqyaday gaadiidka ay garan-waayaan.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ku qaadday Sal-dhig milatari oo ku yaala deegaanka Bali-Khadar ee gobolka Bari ee maamul-goboleedkaas, waxaana halkaas ku geeriyooday tobanaan ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada maamul-goboleedka Puntland. Qoraal ay soo saartay Kooxda Al-Shabaab weerarka kaddib, waxa ay ku sheegteen inay weerarkaas ku dileen 20 Askari oo ka tirsan Ciidamada maamulkaas, halka saraakiisha Amniga ee maamulka Puntland oo uu shaaciyey inay dagaalkaas ku dileen 15 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net