Maayirka Hargeysa oo Guddoomiye cusub magacaabay Degmada Maxmed Mooge

 

Hargeysa (SLpost)-Maayirka Caasimada Hargeysa ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa Mustafe Maxamed Daahir oo ah Aqoonyahan Dhalinyaro ah, kaddib markii Guddoomiyihii hore ee Degmadaasi xil Wasiir ku-xigeennimo looga magacaabay Xukuumadda.

magacaabisb

Warqada Magacaabista Masuulkan oo Xafiiska Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ka soo baxday 16 Bishan April, taasoo nuqul kamida ay heshay Warbaahinta, ayaa lagu sheegay in Maayirku markii uu ku qancay aqoonta iyo kartida Sarkaalka Mustafe Maxamed Daahir uu go’aansaday in uu u magacaabo Guddoomiyaha Degmada M. Mooge, isagoo buuxin doona Xilkaas oo uu baneeyey Naasir Maxamed Caydiid.

 

Sida ku cad Wareegtada Xafiiska Maayirka ka soo baxday, waxa uu Madaxda ka hoosaysa ee Dawladda hoose uu faray inay Masuulka la magacaabay u fududeeyaan sidii uu shaqada ula wareegi lahaa, isla markaana xilalka u kala wareejiyaan isaga iyo Guddoomiyihii hore.

Akhri  Warqada Magacaabista:

magacabis

Mustafe Maxamuud Daahir Cabdi ayaa ah Aqoonyahan da’ yar oo bartay Culuumta Sharciga iyo Maamulka iyo maareynta, waxaanu hore uga soo shaqeeyey Hay’adda maxaliga ah ee ka shaqeeya arimaha horumarinta Bulshada iyo xarumaha Dawladda qaarkood.