Somalilandpost | News and Analysis

Maamullo is Dabraya – Qaybtii 2aad – W/Q: Guleed-Ayaanle Axmed Cumar

guled-ayanleQormadan oo ah qormadii labaad, qormooyin taxane ah oo aan kaga hadlayno nidaamada is dabraya ee haysta Soomaaliland iyo guud ahaan ba ummadda afka Soomaaliga ku hadasha. Qormooyinkan oo aan summad uga dhignay magaca Maamullo is Dabraya, waxa qormadii tan ka horaysay kaga hadalnay si guud waxa uu dhaqanku yahay, tan maantana waxa aynu kaga hadli doonaa laba qodob oo kala ah Maamulka iyo Dhaqanku xidhiidh ma leeyihiin? Iyo Dimuqraadiyadda maxaynu uga baahannahay?

Maamulka iyo Dhaqanku xidhiidh ma leeyihiin?

Dad badan ayaa ku dooda ama aaminsanba in geyiga Soomaalida maamulkii ugu horeeyay uu keenay gumaystuhu. Doodaasi waa mid jaban, waayo Soomaalidu way lahayd maamul ka hor gumaystaha, waxana sidaa aynu caddayn iyo marag uga dhigaynaa heshiisyadii uu gumaystaha laftiisu la saxeexday madax-dhaqameeddadii. Haddaan maamul jirin markaa talow odayadani yay matalayeen.

Sideedaba aadamaha in uu maamul samaystaa waxa ay qayb ka tahay dhaqannadiisa. Sidaa oo ay tahay, Soomaalidu, gumaystaha ka hor, waxa ay lahaayeen nidaam maamul oo la jaanqaadsanaa degaanka uu Ilaahay ku uumay. Nidaamkaasi waxa uu ahaa mid xeer iyo xeegaantiisa leh, oo reer walba yaqaano waxa ka dhexeeya reeraha kale, wax kasta oo soo dersana yaqaana sida loo xalliyo iyo xeerbeegtida loolu xilanayo si ay  xal uga gaadho.

Maamulka Soomaalidu lahayd waxa uu ahaa mid reer reer u qaabaysan oo ku dhisan maamul-daadajin (decentralisation), isla mar ahaan taana si guud iskugu xidhan. Haddii habka maamul ee federaalka ah loo haysto wax ku cusub Soomaalida, miyaanay Soomaalidu qarniyo badan oo gumaystahaba ka horeeyay u soo noolayn habka federaalka ah, oo aan reer walba u deganayn jiid is xigta, maamulkooduna sida suldaan, ugaas, imaam, garaad iwm, aanu ahayn mid ka arrimiya inta reerku dego miyaan haddana iskaga sii hosayn jifooyinka iyo jilibada dabaddoono (caaqilo), oo aanay ahayn maamullo sii kala hooseeya oo haddana kala sareeya. Tusaale waxaynu u qaadan karnaa, markii gumaystuhu  imanayay geyiga Soomaalida, odayadii uu heshiiska kula galay Berbera waxa ay u sheegeen in keliya uga masuul yihiin oo heshiiska ay la galeen ka shaqayn karo oo keliya inta reerka ay matalaan dego. Taasi waa ta keentay in gumaystihii qawaajaha ahaa uu heshiisyo la galo dhamaan reeraha degan Soomaaliland badidooda.

Haddaba, Haddii aad dimuqraadiyadda u haysato nidaam dunidu wada leedahay oo ay wada samaysatay, ma aha ayaa lagaa yidhi sida aad mooday. Dimuqraadiyadu, waa mid ka timid dhaqan reer galbeed ama reer Yurub. Sida lagu qeexana waa hab-nololeed bulsho, oo shacabka xaq u siinaya awooda doorasho ee ay ku xulanayaan cidda xilalka loo dhiibanayo. Isla markaana waa nidaam xaq u siiya qofka xariyad buuxda oo uu ugu noolaado sida uu doono, una qaabeeyo noloshiisa sida uu jecel yahay. Dimuqraadiyaddu keliya ma sheegto qaabka wax loo doorto iyo habka siyaasiga ah (Political System) balse waa nidaam taabta dhamaanba heerarka kala duwan ee nolosha, kaas oo ka soo bilaabma habka qoys u noolaanayo.

Miyaan halkaa haddaba inooga dhuroobin warcelinta, waydiinteenii ahay Maamulka iyo Dhaqanku xidhiidh ma leeyihiin? oo aynaan odhanayn haa xidhiidh way leeyihiin oo maamulkuba waa mid ka yimid dhaqanka.

Dimuqraadiyadda Maxaynu uga Baahannahay?

Waayadii gobanimada la qaatay, ee maamulkii gumaystaha kii Soomaalidu badalay ayaa oday reer miyi ah magaalada hargeysa xoolo u soo iib geeyay. Markii uu odaygii sayladda xoolaha tagay ayaa la waydiiday lacag cashuur ah in uu xoolaha ka bixiyo. Odaygii wuu yaabay oo waxa isku qaban wayday waa la xoroobay iyo cashuur keenta. Markaas ayaa odaygii laga qoray halhays dhaxal galay oo uu yidhi “Waar cashuur lahayninee, oday wallow inankaaga ka soo kaxayso meesha, waxba yaynaan is wareerine”.

In qofku dharxidho waa mid ay keentay baahi uu qabo. Waxa baahidaa sal u ah ama muhiimadda ugu weyn leh oo laga duulayaa waa asturaadda iyo in uu qariyo cawrada, balse maaha jacayl uu u qabo dharka laftigooda. Haddaba, haddii qofka baahidu hagi waydo oo waa la lahaa uun wax iskaga qaato, waxa ku rumoobaysa markaa sheekadii ahayd kudayashada indhaha la’. Taa waxa ka sii daran marka qofku iska janto dhar uu xidhan yahay qof dharar iyo dhumucba uga wayni, oo walibana markuu ku dhex dhaco naftiisa ku canaanto maxay u naaxi wayday.Waxa sidaa ka dhigan nidaamka dimuqraadiga ah ee Soomaalidu qaadatay oo ah mid aan loo sahamin qaadashadiisa. Qaadashada nidaamkaasi ma uu ahayn mid inta layska arkay si xeel dheerna loo darsay dabadeed maxsuulkii noqday mid jiddeeya arinta. Keliya waxa taladiisa ku koobnay intii yarayd ee wax-is-bidayaasha ahayd ee uu tababaray gumaystuhu. Waana qalalaadka ugu weyn ee laga galay ummadda iyo dhaqankeeda.

In wax laga dheefo haba hadho’e, waxa laga wada dharagsan yahay in dimuqraadiyaddii dagaal cawo iyo ayaan kala go’ lahayn ay ku hayso dhaqankii. Dagaalkan ka dhanka ah waa mid aynu masuuliyadiisa koobaad inagu leenahay, cid dhag jalaq u siinaysaana aanay jirin. Waxa sidaa maraggeeda ah sida suldaan bararku u dhacay, ee muddadii Soomaaliland nidaamka xisbiyada badan laga hirgaliyay reer walba u toban laabmay madax-dhaqameedkoodu.

Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliland, Yuusuf Ciise Tallaabo Rabbi naxariistii janno haka waraabiyee ayaa laga hayaa weedh qiimo badan oo xigmad qoto dheerina ku duugan tahay. Wasiir Tallaabo waxa uu yidhi “Dimuqraadiyadu waa sida farmasiiga (Pharmacy), farmasiiga waxa yaala waa daawooyin mid kastaba wax daawayso, haddaad daawo aanad u baahnayn oo xanuunkeedu ku hayn cabto iyadaaba in ay xanuun kugu keento laga yaabaa”.

Waxa aynu dimuqraadiyadda uga baahan nahay inta dhaqankeena laga waayo, walibana inta laga waayay dhaqanka sideeda u soo qaadan maynee waxa la eegayaa oo ay noqonaysaa halka laga duulayaa, dhaqanka ma la jaan qaadi karaysaa.

La Soco Qaybaha Danbe…..

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE