Somalilandpost | News and Analysis

Maamullo is Dabraya – Qaybtii 1aad – W/Q: Guleed-Ayaanle Axmed Cumar

guled-ayanleIsma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal’e

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim (Xidigtii Dagaara 1964)

 

Gogol-dhig

Hab-nololeedka bulsho bar kuwada uuman oo nolol-wadaag ahi, maaha mid hal mar bilaabmay ama isaga oo isku dhan dadkaasi samaysteen. Waa hab ku yimid qori isku dhib, koriinkiisu furan yahay oo la koraya hadba sida noloshu u korayso. Hab-nololeedkaasi, waa baadisooce ummadda wadaagta leedahay, kana sooca bulshooyinka kale ee aan la wadaagin. Habkaasi, waxa ku guda jira oo uu koobsadaa dhamaan waxa qoomiyadi wadaagto ee qeexa jiritaankeeda qoomiyad ahaaneed. Waxyaabaha ugu waaweyn ee aynu ka xusi karno waxa kamid ah afka ay leedahay, waxa ay rumaysan tahay (believes), xeerarka (laws) ka dhexeeya, caadooyinka (norms) xasuus wadareedka u ah ee ay wadaagto ama ay leedahay, qiyamka (values) ama waxa ay qiimayso iyo kuwo kale.

Bulsho kasta oo dunida ku nooli way taqaanay sida ay u xalliso arrimaha dhexdeeda yimaadda, martina ugamay noqon jirin cid kale. Sidoo kale qaabka ay isku maamusho, waxa uu ahaa mid ay taqaano oo baahiyaheeda ka yimid, oo sooyaalkeeda nololeed ku sar go’an, dhaqankeedana ku guda jira. Maamullada bulshooyinku way kala duwanaayeen oo sida degaanada iyo qaab nololeedkoodu u kala duwanaa ayay hab-maamulladoodu u kala duwanaayeen, suurto galna may ahayn in loo minguuriyo hab-maamul bulsho leedahay mid kale. Haddii labada degaan aad u kala duwan yihiina wayba ka sii darnayd/adkayd.

Hor-dhac

Maamul-wanaaga (Good Governance) iyo dimuqraadiyaddayntu (Democratization)  waa mashaariic waayadan danbe dunida ku soo biiray, oo waliba dhaqaale xoog leh ku baxo, sida la yidhaah na ujeedadooddu tahay sidii loo hormarin lahaa ama ba kor loogu qaadi lahaa tayada dawladnimo, guud ahaan dalalka dunida, gaar ahaanna dalalka loo yaqaan dunida saddexaad, marka magaca laga qurixinayana loogu yeedho wadamada soo-koraya, uguna badsadaan dalalka Afrikada ku yaal. In kasta oo hab-nololeedka bulshooyinka dunidu kala duwan yahay, haddana waxa ay ka wada sinnaadeen in dhamaantoodba qaadashada nidaamkaasi u hano-qaadi waayo sidii loo qoondeeyay, oo uu ku adkaado dhamaantoodba.

Soomalida sida aynu ka warqabno nidaamka dawladeed ee cusub (Modern Government System) waxa uu ka hirgalay horaantii lixdamaadkii. Yagleelka dawladnimada cusub waxa saamayn toos ah iyo mid dadban ku lahaa gumaystihii muddada badan ka talinayay geyiga. Taasi waa ta keentay isla markaana dhaxalsiisay in Muddadaas laga joogo qarni badhkii in wali Soomaalidu la daala dhacdo hirgalinta nidaamkaas. Qaadashada nidaamka cusubi, muu noqon mid iyaga ka yimid oo tiirka haya ee salka u ah uu ku qotomo dhaqankeedii taabudka ahaa, isla mar ahaantaana muu noqon mid ka fal-celinay baahidooda gaarka ah. Balse waxa keliya ee Soomaalida la kala dooransiiyay  uun nidaamadii ka jiray dunida waagaas.

Sidaa badelkeeda, dawladnimada Soomaaliland waxa bud dhig looga dhigay habka dhaqanka oo ay hormood ka ahaayeen odayaasha reerahu. Nidaamka dhaqanka waa ka suurto galiyay in haykal dawladeed oo dhamaystirani ka hana-qaado Soomaaliland, laguna nabadeeyo dalka. Nidaamka dhaqanka ku dhisan ama loo yaqaan axdi qarameed waxa uu si buuxda uga shaqeeyay dalka muddo kow iyo toban sanno ah oo ku sinnayd ilaa intii laga soo gaadhayay hirgalinta nidaamka xisbiyada badan ee loo yaqaan dimuqraadiga, kaas oo Soomaaliland laga dhaqan galiyay sanadkii 2002. Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ahi waxa ay tahay, in badi waxa Soomaaliland ku faanto la hirgaliyay intii ka horaysay 2002. Walow Soomaaliland ka guurtay nidaamkii dhaqanka ku dhisnaa ee loo yaqaanay axdi-qarameedka, hayaankiina loo raray dhankaa iyo nidaamka ku dhisan xisbiyada badan, haddana waxa jira oo aan indhaha laga qarsan karin, in nidaamkii dhaqanku wali haysto kalsoonidii shacabka, misena ka garab shaqaynayo nidaamkii cusbaa, haddana, labada nidaam aanay ahayn kuwo si hufan iskaga garab shaqaynaya, balse ay yihiin kuwo is dabraya oo hagardaamo badi aan la dhaadayn oo hoose isku haya, oo mid ba ka kale wiiqayo.

 

Haddaba, qormadan gaaban waxa aynu si guud diiradda ugu saari doonaa nidaamada is dabraya ee Soomaaliland iyo waxa looga baahnaa ama looga baahan yahay dimuqraadiyadda, iyo waxa hortaagan in ay hirgasho?. Si ay nu  wax uga ogaano ama waydiinta uga fal celino waxa ay nu ugu horayn is dul taagi doonaa oo ay nu qeexi doona waxa uu dhaqanku yahay iyo xidhiidhka uu la leeyahay maamulka. Waxa kale oo aynu wax iska waydiin doonaa waxa aynu dimuqraadiyadda uga baahannahay. Ugu danbayntii qormadan kooban waxa aynu  gundhig uga dhigi doonaa oo ay nu ku soo afmeeri doona jaadka maamul ama nidaam ee loo baahan tahay.

Waa maxay Dhaqan?

Isku socodka aadamaha ee bulshooyinku isku gudbeen ee layskaga gudbay qaarado ayaa keentay in aqoon ahaan loo baadho ama loo barto bulshooyinka. Taasina waata keenta in aqoonta la xidhiidha barashada bulshadu ay noqoto mid ku soo biirta dunida. Haddaba, si bulsho wax looga ogaado ama looga barto waxa fure u ah barashada dhaqanka.  Dhaqankuna waa waxa ugu weyn ama tilmaamaha qeexa jiritaanka bulsho.

Haddaba waydiinta si aynu uga jawaabno, waxa aynu u baahanahay in marka hore aan is dul taagno oo aynu isla garano,  bal waxa ay bulsho tahay? Sida ay ku qeexeen aqoonyahannada ku xeeldheer cilmiga Bulshada (Sociology) Waxa ay bulsho u yaqaanaan “koox dad ah oo xidhiidh dhow isla leh nololna wadaaga. Isla mar ahaantaana uu middeeyo hal dhaqan oo ka dhaxeeya, kaas oo ka sooca dadyowga kale ee dunida kula nool ama dhaqan ahaan ka duwan” Morris Ginsberg. Sida dadkaasi u fakaraan ama u dhaqmaan waxa jaangoynteeda leh dhaqanka ay wadaagaan.

Dhaqanku ma aha sida Soomaalida ama dadyow badan oo dunida ku nool xilliyadan danbe u qeexaan. Suugaanta, dharka, ciyaar dhaqameeda iyo agabka la isticmaalo ee soo jireenka ahi, ma aha waxa keliya ee sameeya ama uu ka koobmo dhaqanku, balse waa qayb yar oo kamid ah. Dhaqanku waa hab-nololeed dhamaystiran oo bulsho ka garab samaysato degaanka dabiiciga ah ee Ilaahay ku uumay. Habkaa oo loo yaqaan degaan-bulsheed (Social environment) oo ah degaan aan dabiici ahayn waxa ka mid ah samaysashada guryaha iyo magaalooyinka, aragtida nololeed, xeeladaha ama farsamooyinka nolosha lagula tacaalo, iyo wax kasta oo aadanuhu ku soo kordhiyay degaanka dabiiciga ah. Taasi waa waxa ka sooca Ilma-nabi-aadam noolaha kale, waayo noolaha kale waxa uu la noolaada hadba degaanka dabiiciga ah ee Eebe ku beeray, awood na uma laha in uu yagleelo degaan ka duwan ka dabiiciga ah.

Tilmaamaha ugu waawayn ee dhaqanku leeyahay  ama bulsho laga ogaado waxa ugu horeeya qiyamka (values) oo ah waxa bulshadaasi qiimayso ama aragtida iyo sida ay nolosha u aragto. Waxa kale oo iyana jira waxa caado (norms) u ah. Caadooyinkaasi waa  xusuus wadareed bulshada ka dhexeeya, waana waxa bulshada u kala soora sax iyo qalad, wax suurta gal ah iyo wax aan suurta gal ahayn. Haddii aan si kale u dhigno caadooyinku waa xeerarka aan qornayn ee qeexa waxa qof bulshada ka mid ah laga filan karo, iyo waxa aan laga fili karin.

Bal si aan u fahano xidhiidhka ka dhaxeeya bulsho iyo dhaqanka, aan ekeeye (metaphor) u qaadanno kombuyuutarka. Kombuyuutarku, waxa  uu u qaybiysamaa ama uu u kala baxaa guud ahaan laba qaybood oo loo kala yaqaan:

  1. Hardware: oo ah qaybaha la taaban karo ee uu kombuyuutarku leeyahay
  2. Software: oo ah barnaamijka ka shaqaysiiya hardware ka ee is fahansiiya isla markaana isku xidha qaybaha kala duwan ee kombuyuutarka.

Sidaa markay tahay, miyaynaan bulsho odhan karin ama u qaadan karin “hardware”, dhaqan kana “software”. Waxa kale oo la og yahay in midkoodna (hardware iyo software) ka kale la’aantii aanu shaqayn karin. Sidaa si lamid ah ayaan bulsho jiri karin hadaanu jirin dhaqan ay wadaagtaa, dhaqankuna aanu kelidii u jiri karin haddaan bulshadiisu jirin. Tusaale ahaan, bulsho soomaaliyeed in ay jirto oo ay ka soocnaato bulshooyinka kale ee dunida waxa suurto galiyay dhaqanka u gaarka ah ee ay leedahay. Sidaas oo kale ayaanu jiri karin dhaqanka soomaaligu kelidii, haddii aan bulsho soomaaliyeed jirin. Haddaba, dhaqanku waa waxa isku-haya ama xidhiidhiya bulsho. Sida barnaamij u gaar ah kombuyuutar aan loo tabin karin kombuyuutar kale oo aanu ugu shaqayn karin, ayaa si lamid ah dhaqan bulsho leedahay aanu ugu shaqayn karin bulsho kale.

Guleed-Ayaanle Axmed Cumar

Email: ayaanle77@yahoo.com

 

La soco qaybaha danbe…..

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE