“Maalinba cidbaa ka tagta UCID, maantana anigaa ka tagay” – Guddoomiye ku-xigeenkii UCID oo is-casilay iyo Go’aan Xisbigu soo saaray

“Maalinba cidbaa ka tagta UCID, maantana anigaa ka tagay” – Guddoomiye ku-xigeenkii UCID oo is-casilay iyo Go’aan Xisbigu soo saaray

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cabdinaasir Maxamuud Xasan Buuni, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xisbigaas, isagoo taas ku sababeeyey khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo hoggaanka xisbiga.

cabdinaasir xasan buuniGuddoomiye ku-xigeen Buuni waxa uu eedayn u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay Kaligii-talis, waxaana uu ku sababeeyey go’aanka is-casiladdiisa inay ka dambayso kaddib markii la dhegaysan waayey isla markaana la tix-gelin waayey talo-soo-jeedin iyo afkaar uu ka dhiibtay Arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo Xisbigaba,

HOOS KA DAAWO HADALKA CABDINAASIR XASAN BUUNI

Haseyeeshee, warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Xarunta Guud ee xisbiga UCID,a  yaa lagu sheegay  inay xilkii iyo xubinimadii Xisbigaba ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee UCID oo ay sheegeen inuu xilkiisu ku-meel-gaadh ahaa. War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa sababta xil-ka-qaadista masuulkan lagu sheegay inay ku timi kaddib markii ay Guddiga Fulinta ee Xisbigu dhegaysteen talo-soo-jeedin ay ku qanceen oo uga timi Guddiga Anshaxa ee Xisbiga UCID, sidaasna looga qaaday xubinimadii iyo Xilkii uu ka hayey xisbiga.

xil ka qaadista