Khasaare ka dhashay Dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab

Hargeysa (SLpost)- Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa gobolka Baay ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Xoogag ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhaw tuulada Deynuunaay oo u dhaxeysa Baydhabo iyo degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay, kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada Ethiopia ah oo ku sii jeeday dhinaca Baydhabo.