Kal-fadhiga 17aad ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo furmay iyo Ajandaha lagaga Hadlayo

Hargeysa (SLpost)- Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa maanta daah-furay Kal-fadhiga 17aad ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

 

Kal-fadhiga oo ku qabsoomay Xarunta dowladda Hoose ee Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose iyo 14 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka, waxaana furitaanka kal-fadhiga ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Xoghayaha Fulinta ee Dowladda Hoose.

 

https://www.youtube.com/watch?v=Qj0v0mgmArA