Somalilandpost | News and Analysis

Isfahan Waa’ La Sheegay Inuu Soo Kala Dhex-galay Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Madaxtooyada

(SL.Post) Madmadow iyo Isfahan waa’ siyaasadeed oo dhawaanahan soo kala dhex galay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu guulaystay in la dhammeeyo isagoon meel fog gaadhin.

Warar soo baxay todonaadkan ayaa tilmaamay inuu xoogaystay kala aragti duwanaansho labada dhinac ah oo sababi gaadhay in Wasiirka arrimaha dibada is casilo amaba madaxtooyadu xilka ka qaado, ka dib waraysi uu wasiir Sacad siiyay saxaafadda oo uu kaga hadlay dareen ay dawladda Itoobiya ka qabto saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in odayaal ka soo jeeda deegaanka Wasiir Sacad ay ku guulaystaan inay damiyaan Isfahan waa’ga labada dhinac, ka dib markii ay kulan isugu geeyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Sacad Cali Shire oo lagu tilmaamo Wasiir daacad ah islamarkaana hawlkar ah.

 

Somalilandpost.net

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE