Isbeddellada Siyaasadeed ee Gobolka iyo Mowqifka Xukuumadda ee sii socoshada Wada-hadalladii Somaliland iyo Somalia

energy MapHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia oo aanay labada dhinac midkoodna soo hadal qaadin in muddo ah.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa kale oo uu ka hadlay isbeddellada siyaasadeed ee ka hana-qaaday man-daqadda Geeska Afrika, gaar ahaan wada-xaajoodyada la filayo inay u bilaabmaan dalalka Jabuuti iyo Eratariya oo colaad dhinac xuduudda ahi u dhaxaysay muddo tobanaan sanno ah.

Wasiirku waxa uu arrimahan ka hadlay shir-jaraa’id oo ay shalay si wada-jir ah u qabteen Guddiyada Arrimaha Dibadda Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada oo kulan la qaatay isaga iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Faahfaahinta Warkan ka Daawo Muuqaalkan Hoose.

https://www.youtube.com/watch?v=wJtSaO9c-jE