Somalilandpost | News and Analysis

Heshiiska DP World Ee La Saxeexay Iyo Laba Qodobo Oo La Isku Maandhaafay

Dubai (SL.Post) Dawladda Somaliland iyo shirkadda DP world ayaa shalay si rasmi ah u kala saxeexday heshiiska dekedda Berbera loogu wareejinayo shirkadda DP World.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha shirkadda DP World Mr. Suldaan Axmed bin Sulayem, ayaa si rasmi ah u wada saxeexay heshiiskaas, waxaana munaasibadda goob joog ka ahaa madaxweyne-xigeenka Somaliland iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Hadalo ay labada masuul madasha ka jeediyeen ayaa waxa ay ku sheegeen inay ku faraxsanyihiin saxeexa heshiiskan oo ay sheegeen inuu yahay mid taariikhi ah.

 

Madaxa DP World ayaa ugu horayn yidhi “Labada Shacbi ee Imaaraadka Carabta iyo Somaliland maanta (05.09.2016) waxay u tahay maalin taariikhi ah. Waxaan jecelahay inaan Xukuumadda Somaliland si weyn ugaga mahad celiyo kalsoonida iyo aaminaada ay na siiyeen in Shirkadda DP WORLD ay horumariso isla markaana ay casriyeyso arrin run ahaantii labada shacaba ku yeelan karta saamayn weyn oo dhaqaale. Tallaabadan qiimaha leh ee aynu maanta wadajirka u xaqiijinay waa tallaabo rajo iyo yididiilaba leh, waxayna horseed u tahay horumarka xagga dhaqaalaha ee ay Somaliland hiigsanayso mustaqbalka. Hilinka horumarka ganacsiga geeska Afrika waa Marsada Berbera, haddii aanu nahay Shirkadda DP World waxaanu diyaar u nahay inaanu maalgelino, horumarino oo aanu Casriyeyno Marsada Caalamiga ah ee Berbera. Waxa xusid mudan in Dekeda Berbera ay ku taallo marinka ugu muhiimsan shixnadaha ganacsiga ee u kala gooshaya Dunida Bariga iyo Galbeedka ee ku yaala marinka biyaha Badda Cas. Sidaa darteed, hadaanu nahay Shirkadda DP World waxa naga go’an sidii aanu Dekedda Berbera uga dhigi lahayn Marsada ugu muhiimsan uguna casriyeysan Gobolka Geeska Afrika.”

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna geba-gabadii madashii heshiiska lagu sexeexay Saxaafadda la hadlay waxa hadalkiisii ka mid ahaa, “Mudanayaal iyo Marwooyin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda DP WORLD Suldaan Ahmed bin Sulayem, maanta waxaynu goob-joog iyo markhaatiba ka nahay dhacdo taariikhi ah. Qof ahaana sharaf iyo karaamo weyn ayay ii tahay inaan qayb ka ahay dhacdadaa taariikhiga ah. Maanta waxaynu dhignay aas-aaskii iyo xuduntii iskaashiga iyo horumarka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Tallaabadani waxay kor u qaadi doontaa fidinta, casriyeynta iyo tayaynta adeegyada ay bixiso Marasada Caalamiga ah ee Berbera, taasoo si habsami leh wax weyn uga tari doonta baahiyaha iyo isku xidhka ganacsiga ee Gobolka Geeska Afrika. Heshiiskan la wada gaadhay waa war wanaagsan oo lagu farxo, kaasoo aan keliya ku koobnayn Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD, laakiin wuxuu farxad iyo wanaagba u yahay guud ahaanba mandaqada aynu ku naallo iyo Qaarada Afrikaba.”

 

Qodobo dib u dhac keenay.

 

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in heshiiska oo ay ahayd in saddex maalmood ka hor la saxeexo uu dib u dhacay, ka dib markii la isku fahmi waayay qodobo ku jiray heshiiska oo ay dawladda Somaliland ka booday.

 

Qodobada sida weyn la isugu maandhaafay waxa kamid ah soo jeedin ay DP world soo jeedisay in heshiiska lagu darro oo ah inay heshiiska qayb ka noqoto dawlad aanay magacaabin balse ay sheegtay in dawladaas oo heshiiska qayb ka noqotaa ay dani ugu jirto Somaliland iyo DP world. Dawladda ayay DP world ku sheegtay dawlad miisaan leh oo shixnadaheeda marsan doonta Berbera. DP world waxay soo jeedisay in dawladaas oo ay ku tilmaantay istaraataji la siiyo 15%.

 

Hase yeeshee masuuliyiinta dawladda Somaliland ayaa ka gaws adaygay inay aqbalaan, laakiin lama hubo go’aanka aakhirkii la isla qaatay ee heshiiska lagu daray.

 

Qodobka labaad ee isna la isku seeganaa muddada dhawrka cisho ah ayaa ahaa xaqul qalinka. Looyarada  DP world ayaa soo bandhigay qodob sharci ah oo ay sheegeen inuu yahay mid caalami ah oo nuxurkiisu yahay in maalinta heshiiska la saxeexo lix bilood ka dib la bixiyo lacagta xaqul qalinka si mudadaas loo eego sida uu xaalku noqonayo.

 

Hase yeeshee waxa arrintaas diiday masuuliyiinta dawladda Somaliland ka socday, waxaana aakhirkii la isla qaatay in xaqul qalinka la bixiyo saddex bilood ka dib saxeexa heshiiska.

 

Somalilandpost.Hargeysa

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE