Hargeysa: Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo olole ku qaadday Carruurta Darbi-jiifka ah

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, ayaa olole ay maanta Qaadday waxa ay ku ururisay 39 Carruur derbi-jiif ah oo ku nool Dooxa iyo Jidadka magaalada Hargeysa, waxaana carruurta lagu xereeyey Xarunta daryeelka Darbi-jiifka ee Maxamed Mooge.

 

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa maanta Deeq lacageed oo dhan Kun Dollar Guddoonsiisay Qoys Dan-yar ah oo ka kooban Hooyo iyo Afar Carruur ah oo ay dhashay oo ku nool magaalada Burco, kuwaas oo la dhibban Xanuunka dhimirka.