HARGEYSA: Wakiilkii UNIVERSAL TV oo Xabsiga loo taxaabay iyo Taliska Booliska oo ka hadlay sababta

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada ammaanka Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Agaasimihii telefishanka gaarka loo leeyahay ee UNIVERSAL TV ee magaalada Hargeysa Maxamed Cabdi Digaale.

Haddaba, waxa xadhigga masuulkan iyo sababta keentay ka hadlay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeya Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo maanta warbaahinta ugu warramay xarunta Taliska ee magaalada Hargeysa.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHIN WARKAN.