HARGEYSA: Khasaaraha Ka Dhashay Shil-baabuur oo maanta ka dhacay Galbeedka Caasimadda (+SAWIRRO)

shilkaHargeysa (SLpost)- Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Saddex Qof oo wada saarnaa Hal gaadhi ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan meel u dhaw Tuulada Abaarso, waxaana shilkaasi ku yimi kaddib markii ay isku dhaceen gaadhi xamuul ah iyo baabuur Mark II ay oo ay saarnaayeen saddexda Marxuum.

Isla markiiba waxa goobta gaadhay Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka iyo Ciidanka Dab-demiska si ay u demiyaan dab qabsaday mishiinka gaadhiga xamuulka ah.

shilka2Saddexda Qof ee geeriyooday oo mid ka mid ahi ahaa askari ka tirsan ciidanka Booliska, gaar ahaan Kaantaroolka Kalabeydh ee galbeedka magaalada Gabiley, ayaa Meydkooda loo qaaday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Magacyada dadka shilka ku geeriyooday ayaa kala ahaa Faysal Axmed Xaashi, Askariga ka tirsan ciidanka booliska oo lagu magacaabi jiray Amarre, halka marxuumka saddexaad aanay noo suurta-gelin inaanu magaciisa helno.

shil gaadhi (1)shil gaadhi (12)shil gaadhi (11)shil gaadhi (10)shil gaadhi (9)shil gaadhi (8)shil gaadhi (3)shil gaadhi (4)shil gaadhi (5)shil gaadhi (6)shil gaadhi (7)shil gaadhi (2)